Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ku tegay maanta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa halkaas u tegay si uu dhawr mashruuc oo kuwa deeqda Beesha Caalamka laga maalgeliyo u xarig jari lahaa.

Safarka Madaxweynaa ayaa sidoo kale lagu sheegay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaya xilli ay cakirnaan siyaasadeed ay kajirto dalka, gaar ahaan Muqdisho, waqti dhawaan ay burbureen wadahadal siyaasadeedkii Madaxweynaha iyo Madasha Samatabixinta.

Dhanka kale Kal-fadhiga Baarlamaanka oo Sabtida soo socota ay ahayd inuu furo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegayaa in dib loo riixayo, maadaama laga cabsi qabo in la horkeeno mooshin ka dhan ah Xukuumadda Soomaliya.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More