Waxaa maanta si rasmi ah loo ansixiyay naqshada Jigjiga Mall, suuq weyn oo casri ah oo laga hirgelin doono magaalada Jigjiga, gaar ahaan goobtii uu ku yaallay Suuqii Taiwan ee dabku baabi’iyay sanadkii 2023.
Dhismaha Jigjiga Mall ayaa lagu wadaa in dhawaan la bilaabo, waxaana uu noqon doonaa mid ka mid ah suuqyada ugu waa weyn, uguna casrisan dalka Itoobiya iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), oo soo bandhigay naqshada dhismaha suuqa ayaa sheegay in mashruucani uu qeyb ka yahay hiigsiga magaalada Jigjiga loogu beddelayo xudunta ganacsiga Geeska Afrika.
“Jigjiga Mall ma aha oo kaliya suuq weyn, waa astaan muujinaysa dib u soo kabashada iyo koboca dhaqaalaha deegaanka. Waxaannu doonaynaa in Jigjiga noqoto xarunta ganacsi ee Geeska.” Ayuu yiri Madaxweyne Mustafe.
Mashruuca cusub ayaa la filayaa inuu soo jiito ganacsato gudaha iyo dibadda ah, iyadoo la filayo inuu abuuro fursado shaqo iyo dhaqaale oo ballaaran.
Jigjiga Mall ayaa la filayaa inuu noqdo xarun ganacsi oo ay ku dhameystirnaan doonto ganacsiyo waaweyn, xarumo adeeg, iyo goobaha casriga ah ee dadka deegaanka iyo kuwa booqda magaalada ay usoo ganacsi iyo casriye doontaan.