Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Kulan qaatay ku dhawaad 5 saacadood oo soo bilowday 2dii duhurnimo waqtiga Muqdisho ayaa ku dhexmaray Madaxtooyada Madaxweyne Xasan iyo xubnaha Madasha Mucaaridka ah ee Samatabixinta Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa kii 5aad oo ay is arkaan labada dhinac ayaa ajandihiisu ahaa ka doodista iyo ka heshiinta wax ka baddal uu Madaxweyne Xasan ku sameeyay Dastuurka. Waxaa kale oo loo ballansanaa in si wadar ogol ah looga heshiiyo hannaanka kala guurka iyo gaarista doorasho la isla ogolyahay oo waqtigeeda ku dhacda.

Bilowgii dooddaba xubnaha Mucaaridka ayaa miiska soo saaray aragtidooda ku aadan waxkabaddalka dastuurka, waxayna Madaxweynaha u dhiibeen go’aankooda ku saabsan inaan wadahadalka socon karin ilaa Madaxtooyadu ka laabto waxkabaddalka ay ku samaysay dastuurka, si gaar ah cutubka 4aad ee doorashada iyo haykalka maamul ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si wayn uga horyimid doodkasta oo miiska la keenay, waxaana uu ku adkaystay inaan hadal ka furnayn, doorashada, gudiyada doorashada iyo habraacyada loo dejiyayba ee khuseeya labada heer doorasho ee dalka.

Madaxweyne Xasan waxaa uu tibaaxay in hanaanka socda uusan waxba ka baddalayn keliyase uu Golayaasha Dowladda ka codsan doono haddii ay suuragal noqoto in Doorashada Madaxweynaha ay noqoto mid Baarlamaanka ay dadka u soo codeeyaan doortaan.

Ismari waa xoogan ayaa ka dhashay doodda Madaxweynaha, waana lagu kala kacay.

Ma jirin wax la isaga soo dhawaan karay, maadaama Madaxweyne Xasan uu si rasmi ah u diiday in dood xitaa laga furo qorshihiisa doorashada iyo waxkabaddalka dastuurka.

Kulanka Madasha ee Hoyga Madaxweyne hore Shariif 

Xubnaha Samatabixinta Soomaaliya ayaa caawa dhankooda shir gooni ah ku qabsaday hoyga Madaxweyne hore Sheekh Shariif oo ah Guddoomiyaha Madasha Mucaaridka.

Mucaaridka oo si wayn u faaqiday xaalka shirarkii ay la lahaayeen Madaxweynaha ayaa si dhammaystiran isugu raacay.

1- in saddax xubnood oo kala ah Raysal Wasaare hore Xasan Cali Khayre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Axmed Ciise Cawad loo saaray inay soo qoraan warmurtiyeedka rasmiga ah ee go’aanka Madasha.

2- in shir kale ay beri isugu yimaadaan xubnaha Madasha saacaddu marka ay tahay 10ka Barqannimo.

3- in go’aanka la shaaciyo shirkaas kaddib.

Sida aan xaqiijinay ma jirin wax kal aragti duwaan ah oo u dhaxaysay xubnaha Madasha, waxaana si wadar ogol ah ay dhexdooda isugu raaceen qodobada kor ku xusan.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More