W/Q: Cabdiqani Xaamud Abokor
Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya wuxuu muddo ka badan labaatan sano ahaa goob ay ka socdeen dagaallo sokeeye, khilaafaad siyaasadeed iyo loollan istaraatiiji ah oo sii xoogeystay kaddib burburkii Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya 1991. Waxaa uu noqday masraxa ugu weyn ee ay ka dhacaan is jiid-jiidka siyaasadeed iyo goob lagu gacan maroojiyo xukuumadihii kala danbeeyay ee dalka soo maray tan iyo burburkii Dowladdii Militariga wixii ka dambeeyay.
Marxaladaha Khilaafka Gedo:
- Qabqableyaal iyo Colaado Sokeeye (1991–1995)
Markii uu burburay nidaamkii dowladeed ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, Gedo waxaa ka aloosmay loollan beeleed. Jabhado ay ka mid ahayd SNF ayaa la wareegay gobolka, waxaana hoggaan u ahaa Cumar Xaaji Masalle iyo Maxamed Xaashi Gaani oo ahaa Jenaraallo sarsare oo ka tirsanaa Ciidankii Xoogga ee Soomaaliya.
Waxaa bilowday is riix riix ka dhaxeeya qabaa’ilka degaanka, waxaana qolo kasta ay dooneysay inay xaqiijiso gacan ku haynta Gobolka Gedo oo dhan. Dhammaan degmooyinka Gobolka ayay ka socdeen loolanka siyaasiyiinta beesha Sade oo ah raaska ugu badan ee deggan gobolkan ballaaran.
Urur-diimeedkii Al Itixaad oo ka faa’iideysanaya is barbaryaaca qabqablayaashii dagaal iyo haraadigii ciidamada ayaa la wareegay gobolka iyaga oo ka bilaabay inay sameeyaan hannaan maamul iyo ciidamo ka amar qaata. Sidoo kale, waxay abuureen xiriiro caalamiga ah iyo kuwa dalka gudahiisa ah oo ay Al Itixaadku bilbaabeen.
2. Bilowgii Faragelinta Shisheeye (1996-2005)
Itoobiya ayaa sannadkii 1996 gudaha u gashay gobolkaas si ay gacan u siiso garab kamid ahaa SNF oo la dagaallamayay kooxda Al Itixaad. SNF ayaa ahayd awoodda siyaasadeed iyo ciidan ee Gedo ilaa laga soo unkayay Dowladdii Carta ee kumeel gaarka ahayd ee Soomaaliya.
Awoodda gobolka ayaa waqtigaas wixii ka dambeeyay si dadban u hoos joogtay saraakiil hoose oo ka tirsan SNF, kuwaas oo ka talinayay Kismaayo ilaa Baardheere. Wasiiraddii hore ee Gaashaandhiga ee Soomaaliya Barre Aadan Shire (Hiiraale) iyo Cabdirisaaq Isaaq Biixi oo lagu daray Wasiirka Amniga Gudaha ee xilligan Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ahaa jilaayaasha hoggaanka u hayay gobolkaas ilaa dhismihii Jubaland-ta uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Madoobe)
3. Maxaakiimta iyo Faragelintii Itoobiya (2005–2013)
Soo ifbixii Maxaakiimta Islaamiga ah iyo fiditaankooda gobollada Koonfureed waxay keentay in Itoobiya ay si rasmi ah gobolka u soo gasho. Ciidanka Itoobiya waxay xuduudka kasoo tallaabtay sanadkii 2006 si ay gacan u siiyaan Dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Baydhabo fadhigeedu ahaa, taas oo handaad kala kulmaysay Maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya.
Waxaa ciidankii waqtigaas soo galay gobolka ay yeesheen saamayn ka badan tii hore. Siyaasiyiin deegaanka ah ayaa xiriir dhaw la yeeshay, kuwaas uu kamid yahay Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo kamid ahaa ragga sida u dhaw ula shaqeeyay ciidanka Itoobiya. Gacansaarka uu Janan la yeeshay Addis Ababa ayaa siiyay fursad uu ku maamulo inta ugu badan gobolka ayna ku jiraan, magaalooyinka isa-saaraan ee saddex xagalka Daawo loo yaqaan.
4. Jubaland iyo Qalalaasaha Siyaasadeed (2013–2019)
Dhismaha Maamulka Jubaland ee 2013 wuxuu sabab u noqday khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya dadka deegaanka Gedo iyo hoggaanka Jubaland. Itoobiya waxay mar kasta la safan jirtay ciddii ay danteedu ugu jirto. Gobolka Gedo wuxuu markale noqday saldhig khilaafkii hore ka sal adag oo siyaasadi hagayso.
Ismaandhaafkii ka dhasay dhismaha Jubaland ee u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe sanadihii 2012-2014, ayaa siiyay Itoobiya kaalin ay qayb kaga noqoto xalka iyada oo danaheeda dhexmarsanaysay. Inkasta oo labada dhinac ee Muqdisho iyo Kismaaye heshiis ka gaareen kala aragti duwaantii ku salaynayd qaab dhismeedka maamulka, hadda xalka qayb lagama siin reer Gedo, waana tan horseedka u noqotay isdiidooyinka gobolkaas u soo waariday loollaanka caalamiga ah ee Juqraafi Siyaasaadeedka u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya.
5. Ku-sidkanaanta Khilaafka Kismaayo iyo Muqdisho
Farmaajo Vs Madoobe: Loolan ku dhisan Maamul iyo Deegaan
Khilaaf siyaasadeedkii ka dhashay doorashadii Axmed Madoobe ee 2018 ee u dhaxeeyay Jubaland iyo DFS ayaa ku fiday gobolka Gedo, waxaana uu gobolkaasi noqday garoonka siyaasadeed ee ubucda u noqday khilaafka oo markii danbe isu beddelay dagaal u dhaxeeya labada dhinac. Inta badan dagaalka ayaa ka dhacayay degmada Beled Xaawo oo haatanna xudun u ah gacan kahadalka hubaysan ee Dowladda Federaalka iyo Jubaland.
Intii uu Madaxweyne Farmaajo talada hayay 2017-2022, Dowladda Federaalka ayaa gacan ku dhigtay inta badan degmooyinka Gedo, iyadoo adeegsaneysa taageerada deegaanka iyo ciidanka Itoobiya. Waxaa jiray ciidamo heer Federaal ah oo toos ugu xiran Muqdisho kuwaasoo mushaarkooda iyo saadkooda toos looga maamulo Muqdisho.
Xukunka Xasan Sheekh iyo Soo Noqoshadii Khilaafka
Markii uu Xasan Sheekh dib ugu soo noqday xukunka dalka May 2022, waxaa abuurantay xasillooni siyaasadeed oo dhexmartay Axmed Madoobe iyo Dowladda Federaalka, taas oo keentay in ciidankii Dowladda ee Gobolka Gedo joogay dib loo soo celiyo, gobolkaasna maamul ahaan la hoos geeyo Kismaayo.
Hase ahaate dhammaadkii 2024 keddib doorashadii Axmed Madoobe ee Jubaland, markale waxaa qarxay khilaafkii Jubaland iyo Dowladda Federaalka, iyadoo Villa Soomaaliya ay ciidamo ku daabushay Gedo, waxaana qarxay dagaal horleh, Itoobiya ayaana markale shaashada soo fuushay laakiin si ka duwan sidii hore. Markan waxay qayb ka tahay dagaalka, waxayna ka horjeedaa ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Bishii Luulyo 2025, ciidanka Soomaaliya oo uu Taliye u yahay Cabdirashiid Janan ayaa dagaal kula galay Beled Xaawo ciidan taabacsan Madaxweyne Ku Xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan, waxaana dagaalmo dhawr maalmood socday magaalada laga saaray ciidanka Jubaland.
Doolow oo ah magaalo muhiim ah ayaa dagaalku gaaray. Ciidanka Dowladda Federaalka ee degmadaas ayaa weerar kala kulmay ciidamada Itoobiya. Laba dagaal oo Itoobiyaanku ku qaadeen ciidanka Dowladda ayaa keentay in magaalada Doolow laga qabsado ciidamadii Dowladda Soomaaliya, waxaana Muqdisho loo masaafuriyay Taliyihii ciidamadaas.
Gedo: Gobol ay Itoobiya Isku Ilaaliso
Itoobiya ayaa sanadihii ay Dowladda Soomaaliyeed burbursanayd iyo soo kabashada Jamhuuriyadda Seddexaad ee Soomaaliyaba u arkaysay Gobolka Gedo, bugcad aysan gorgortan ka gelayn faragelinta ay ku hayso.
Tan iyo 1991, Itoobiya waxay gobolka Gedo ku lahayd xiriir joogto ah oo siyaasadeed iyo ciidan. Waxaa xusid mudan in sanadihii 1996, 2006, iyo 2011 ciidanka Itoobiya ay si toos ah u soo galayeen Gedo; mar magac AMISOM, marna si madax bannaan oo ay qiil uga dhigtay in ay amniga xuduudda inuu khatar ku jiro.
Marar kasta oo Itoobiya oo ay gobolka soo gasho, waxaa xujo u ahayd inay qayb ka noqonayso xasillinta Soomaaliya, hase ahaate sida hadda muuqata xaalka ayaa dhaafay soohdimaha dalka. Itoobiya ayaa u aragta gobolka Gedo mid go’aaminaya danaheed qaran iyo nabadgelyo. Dagaallada hadda kasoo cusboonaaday gobolkaas ayaa bannaanka keenay siyaasadda Itoobiya ee labadii sano ee ugu danbaysay ahayd mid qarsoon oo buste la huwinayo.
Dagaalka Cusub: Gedo iyo Xasaradda Itoobiya–Masar
Heshiiskii badda ee Itoobiya la gashay Somaliland Janaayo 2024 wuxuu sababay in Soomaaliya ay si wayn uga carooto tallaabadaas. Waxay qaaday dagaal diblumaasiyadeed oo ka dhan ah Itoobiya. Dalalka ay Soomaaliya caawinaadda siyaasadeed iyo midda ciidan waydiisatay waxaa kamid ahaa Masar. Iskaashi sare ayaa dhexmaray Qaahira iyo Muqdisho, waxaana xiriirka labada dal la gaarsiiyay heer istaraatiijiyadeed, taas oo ka dhigan in labada dal ay galeen heshiisyo difaac iyo amni.
Soomaliya ayaa Masar u bandhigtay inay qayb ka noqoto Ciidanka Hawlgalka Midowga Afrika, taas oo Qaahira ay aqbashay. Muddadii xiisadda Soomaliya iyo Itoobiya taagnayd ka hor Baaqii Ankara, waxaa soo baxday in ciidanka Masar la gaynayo gobollo xuduud la leh Itoobiya. Itoobiya ayaa markaas keddib qaadatay siyaasad ah in loollanka kala dhaxeeyay Masar oo ay isku hayaan biyaha Webiga Niil usoo rartay gudaha Soomaliya. Gedo ayaa markaas noqotay goob ay labada dal iskaga hor yimaadaan danahooda istaraatiijiyadeed.
Fashilka Baaqii Ankara
Heshiiskii Turkiga ee Diiseembar 2024 oo loogu talogalay in lagu xalliyo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ma mira dhalin, balse wuxuu noqday qandho jabin oo kaliya. Tuhumo ayaa muujinaya in Itoobiya ay heshiiska ka baxday si gaar ah, iyadoo aan war rasmi ah laga helin labada dhinac.
Hase yeeshee, markii ay soo ifbaxeen in heshiiskii Ankara qarka u saaran yahay burbur, waxay Itoobiya dalbatay in guddiyo farsamo oo labada dhinac ah ay isugu yimaadaan Addis Ababa kuwaas oo qabsoomay bartamihii Luuliyo. Tallaabooyinkan ayaa u muuqda in diblomaasiyadda Soomaaliya ay noqotay mid muddo gaaban wax lagu goosto oo aan lahayn sal adag iyo hiigsi dheer.
Warbaahinta BBC-da oo dabagal ku samaysay heshiiskaas ayaa baahisay in Turkigu uusan xaqiijin run ahaanshaha burburka heshiiska, sidaas si lamid ahna ma beenin wararka sheegaya in Itoobiya ka baxday.
Masar oo Xujaysan
Inkastoo Masar ballanqaaday taageero ciidan, tababar iyo sahay, ilaa hadda wax ficil ah ma aysan qaadin. Soomaaliya waxay u muuqataa inay kali ku tahay dagaal siyaasadeed iyo mid istaraatiijiyadeed oo Itoobiya ay hormuud u tahay.
Aamusnaanta Masar ayaa loo arkaa inay Soomaaliya dhexgelisay mashaqo ka culus tii hore, maadaama ay Itoobiyo ku jirto dagaal toos ah oo ciidankii Soomaalida ku amartay inay ka baxaan dhul kamid ah Jamhuuriyadda xorta ah ee Soomaaliya.
Aamusnaanta Dowladda Federaalka
Tan iyo markii u soo shaac baxay qorshaha Itoobiya ee gaarista biyaha Soomaaliya sannadkii 2024, Soomaaliya ayaa ahayd dalka wax xeerinaysa oo hoos u hadlaysa. Inkasta oo horumar kooban ay Soomaaliya samaysay bilowgii khilaafka, haddana weli lama gaarin guul dhammaystiran oo ay kusoo afjartay damaca Itoobiya.
Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay aamuska ka baxdo oo mowqif cad ka qaadato xadgudubyada qaran ee kala kulantay Itoobiya labadii toddobaad ee ugu danbeeyay, kuwaas oo kala ahaa; weerarkii iyo qabsashadii Doolow, ku baaqistii in ciidanka Soomaaliya laga saaro Gedo iyo shirarkii ugu dambeeyay ee saraakiisha Itoobiya la qaateen maamulka Jubaland iyo odayaasha dhaqanka.
Sidaas si lamid ah, waa inay Dowladda Soomaaliya ay khilaafka siyaasadeed ee gudaha dalkeeda ay xallisaa, islamarkaana la timaadaa aragti qaran oo lagula tacaalayo arrinta Gedo si aysan Soomaaliya u noqon dal dadkiisu baylah u noqdaan Itoobiya, ayna gacan ku siinayaan qayb kamid ah Soomaalidu.