Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Shirkadda Starlink ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay si buuxda ugu soo biirtay suuqyada isgaarsiinta ee Soomaaliya, kaddib markii uu sidaas shaaciyay maalqabeenka reer Maraykan ee Elon Musk. Starlink ayaa sheegtay inay bixineyso adeeg internet ah oo xawaare sare leh, dedeg ah, kuna shaqeeynaya dayax-gacmeedyo. Tan iyo markii si caalami ah loo bilaabay dhammaadkii 2020, Starlink waxay ujeedadeedu tahay in ay gaarsiiso adeeg internet meelaha aysan gaarin shirkadaha xarigga isticmaala ee bixiya internet-ka.

In kasta oo Starlink ay hadda adeegyo ka bixiso in ka badan 20 waddan oo Afrika ah, Soomaaliya waxay noqotay suuq cusub oo tartan xoogan uu ka jiro. Shirkadaha maxalliga ah ee isgaarsiinta ayaa horey u bilaabay bixinta adeegyada casriga ah, waxaana qaar ka mid ah ay daahfureen adeegga 5G horraantii 2024.

Habka Shatiga (Ruqsadda) Starlink ku Heshay oo Waydiimo Dul-yaaliin

imaanshaha Starlink ee Soomaaliya ayaa si weyn loo dhaliilay, iyadoo la sheegay in habraaca sharciyeynta iyo siinta ruqsaddu uu ahaa mid aan daahfurnayn oo baalmarsan xeerarka dalka. Sharciyaqaannada dhaqaalaha iyo iibka ayaa sheegay in habka loo maareeyay in Starlinka ay ka hawlgasho Soomaaliya uu ahaa mid degdeg badani ka muuqdo. Waxay intaas ku dareen in aan laga qayb gelin saamilaydii sharci iyo ganacsi si loo helo tartan hufan oo furan.

Arrintani waxay dhalisay walaac weyn oo ku saabsan daahfurnaanta, isla xisaabtanka, iyo ilaalinta danta guud ee shacabka Soomaaliyeed. Waxaa la sheegay in heshiiska uu u muuqdo mid lala galay dhawr qof oo awood dowladeed leh, taasoo keentay su’aalo la xiriira kartida dowladda ee ilaalinta danaha qaranka marka la eego kaabeyaasha muhiimka ah sida internet-ka.

Waxaa jira tuhunno sheegaya in heshiiska iyo shaqo ka bilaabista Starlink ee Soomaaliya uu ka dambeeyo xiriir siyaasadeed. Wararka qaar ayaa sheegaya in xubno si dhaw ula socda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ay gacan ka geysteen oggolaanshaha shatiga Starlink. Jiritaanka isku xirka daneed ee dhexmaray Elon Musk iyo mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa mar kale ina xasuusinaya kiisas noocan oo kale ah oo horey u dhaxmaray Starlink iyo dalal kale oo caalamka ah sida kiisaska Zimbabwe iyo Kenya, halkaas oo Starlink loo oggolaaday kaddib heshiisyo lala galay shirkado xiriir la leh madaxda qaranka ee dalalkaas.

Jiritaanka heshiisyo gaar ah oo ay dhexmaray Starlink iyo qaar kamid ah dalalka xeerarkoodu jilicsan yihiin ayaa keentay in Soomaaliya oo ah dal aan sharciga looga dhaqmin loo arki karo inay dhibbane u noqoto jeebka siyaasiyiinta, ayna dalka luqunta u geliyaan heshiisyo aan daahfurnayn, oo kasoo horjeeda xeerarka dalka

Soomaaliya Dal ku Horumaray Isgaarsiinta

Soomaaliya waxay hadda leedahay suuq isgaarsiineed oo horumarsan marka loo eego dalal badan oo Afrika ka tirsan. Kahor daahqaadista addeegga 5G, shirkadaha isgaarsiinta ayaa horay u bixin jiray adeeg 4G oo gaarayay 50% dadka ku nool magaalooyinka. Waxa kale oo la sheegay in in ka badan 60% dadka ay adeegsadaan adeegyada 3G guud ahaan Soomaaliya – taasoo la micno ah heer la aqbali karo oo ah adeegga broadband-ka.

Horumarkaasi wuxuu ka dhashay dadaallo ballaaran oo ay dalka ka hirgeliyeen shirkado isgaarsiineed oo gaar loo leeyahay oo Soomaaliyeed, kaas oo soo taxnaa tan iyo markii la bilaabay adeegsiga fiber optic sannadkii 2014. Soomaaliya waxay sidoo kale ka mid tahay dalalka ugu horreeya ee Afrika ee hirgeliya istaraatijiyad qaran oo ku saabsan internet-ka IPv6, oo ah nidaamka bixinta cinwaannada Internet iyada oo la sameeyay xarun qaran oo gaar u ah kobcinta iyo hirgelinta tiknoolajiyaddaas.

Soomaaliya ayaa si wayn uga horumarsan dalal badan oo caalamka ah sida kuwa Afrika oo ay kamid tahay dalyaraha deriska la ee xasilloonida haysa ee Djibouti kaas oo aan weli bilaabin internetka 4G LTE. Sida ay cadaynayaan xogaha bannaan yaalka ah, Soomaaliya ay haysta Internet dabooli kara baahiyaha dadka.

Sida tirooyinkan hoose ka muuqata, Soomaaliya dhanka gaarista internetka ee dadka waa 55.2% (10.7 milyan qof), Internet-ka ku xiriirsan Moobilka: 11.3 milyan, oo u dhiganta 58.3% dadka, Xawaaraha Internet-ka: 18.76 Mbps (Fixed Broadband), kaas oo ka sarreeya celceliska Afrika ee 12.11 Mbps, halka Isticmaalka Baraha Bulshada: 3.05 milyan qof (15.8% bulshada).

Tartan Adag iyo Kalsooni Shacabka

Gacan ku haynta internetka ee shirkadaha isgaarsiinta ee gaarka loo leeyahay ayaa Soomaaliya ka dhigtay dal kamid ah kuwa Afrika ugu horumarsan dhanka isticmaalka Internet. Waxayna suuqa isgaarsiinta iyo internet ee Soomaaliya ka dhigtay mid furan oo uu ka jirto tartan xoog leh. Waana mid caqabad ku ah Starlink, maadaama aysan jirin Dowlad Soomaaliyeed oo dhaqangelin karta heshiiska ay la gashay Starlink.

Marka laga soo tago inaan Dowladda Soomaaliya aysan suuqa u xiri karin Starlink, haddana tartanka xoogan ee kajira suuqa internetka iyo isgaarsiinta ee Soomaaliya oo ah mid aad u xoogan ayaa ah caqabadaha ugu weyn ee horyaalla Starlink. Kalsoonida iyo aaminada shacabka oo ah tiir muhiim ah marka la jooga ganacsiga ayey xilli hore hantiyeen shirkadaha maxaliga ah ee Soomaaliya, waana caqabad kale oo ku hor-gudban Starlink. Shirkadahaas oo muddo dheer ahaa tiirka isgaarsiinta dalka, kuwaas oo xilliyo amni xumo iyo colaado joogto ah jireen suurtageliyay in dadku la xiriiraan ehelkooda gudaha iyo dibadda.

Adeegyada isgaarsiinta ayaa sidoo kale si weyn ugu dhafan nolosha dadka, gaar ahaan adeegyada lacagaha moobilka ah sida EVC, kuwaasoo bulshada ka dhigay kuwa si toos ah ugu tiirsan shirkadaha maxalliga ah.

Isbarbardhigga Qiimaha: Starlink Vs. Shirkadaha Maxalliga ah

Inkasta oo Starlinka ay baahisay inay bixinayso Internet qiimo jaban oo xawaare sare leh, haddana xaqiiqada ka jirta Soomaaliya ayaa taas ka dhigaysa mid aan run ahayn, marka aan samayno isbarbardhig qiimaha ay xilligan Soomaalidu ku hesho internetka iyo kan ay shaacisay Starlink waxaa inoo soo baxaya in Qiimaha Internterka ee Shirkadaha Maxaliga ah ay ka jaban yihiin kan Starlink.

Shirkadaha maxalliga ah waxay bixiyaan adeegyo moobil iyo broadband ah oo qiimahoodu u dhexeeyo $5 ilaa $20 bishii, iyadoo la helayo xaddi xaddidan oo data ah kaas oo dhan 1-5 GB, halbeegga cabirka xawaaraha internetka. Shirkadaha maxaliga ah ee Soomaaliya waqtigan ma qaadaan lacag agab soo iibsasho, mana jirto lacag bille ah oo ka baxsan iibsiga Data-da.

Taas beddelkeeda, Starlink waxay u baahan tahay in la iibsado qalab gaaraya $599 USD, iyo lacag bille ah oo ku dhaw $110 USD – taasoo dadka dakhligoodu hooseeyo ay adag tahay inay iska bixiyaan bixiyaan.

Sidaa darteed, dadka ku nool magaalooyinka Soomaaliya waxay weli heli karaan adeegyo lagu kalsoonaan karo oo jaban, waana mid ku khasbaysa inay macaamiiil usii ahaadaan shirkadahooda maxaliga ah. Adeegyada lacageed ee moobilka ayaana ah arrin kale oo shirkadaha Soomaalida ah siinaysa fursad ay suuqa kusii xejistaan.

Inkasta oo Starlink ay dhul badan oo aan lahayn internet ay gaari karto, haddana waxaa dhab ah inay lakulmayso caqabad wayn oo ah shirkadaha maxaliga ah ee suuqa uga soo horreeyay. Caqabad kale ayaa ah in dadka ku dhaqan dhulka aan magaalooyinka ahayn aysan awood u lahayn qiimaha sare ee Starlink ku iibinayso internetkeeda.

Si kastaba, shaqo bilaabista Starlink ee Soomaaliya ayaa loo arkaa inay tahay arrin ay dabada ka riixayaan siyaasiyiin dano dhaqaale oo gaar ah ku qaatay mashruuca internetka ee Starlink. Sidoo kale, Safaaradda Soomaaliya ee Washington, oo muddo dheer isku dayaysay inay galangal ku yeelato saaxiibada Donald Trump oo Elon Musk uu xilligaas kamid ahaa, ayaa kaalin ka gaystay in shirkadda dalka loo fasaxo. Hase yeeshee, Starlink iyo milkiilaheeda waxay doonayaan inay suuqa Soomaaliya la wareegaan, balse waa ku guul darreystay in Musk oo suurtagaliyo in Villa Soomaaliya loo ballaqo albaabada Aqalka Cad ee Mareykanka.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More