Daahfurnaan la’aanta Dowladda Soomaaliya oo dib u dhigaysa ka faa’iideysiga fursadaha yaalla dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika.
Soomaaliya waxay si rasmi ah xubin buuxda uga noqotay Ururka Iskaashiga Bulshada Bariga Afrika (EAC) 4-tii Maarso 2024, kaddib dadaal muddo dheer soo socday oo bilowday sannadkii 2011. Ku biirista Soomaaliya ee ururkan waxay ahayd hiigsi socday muddo 15 sano ah, waxaana hortaagnaa caqabado dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ah oo dalka haystay.
Dadaalladii ugu xooganaa ee lagu doonayey in Soomaaliya ay qayb kaga noqoto ururkan waxaa hormuud ka ahayd xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in sababta ugu weyn ee ay u dooneyso inay ku biirto EAC ay tahay si ay ula jaanqaaddo horumarka dalalka xubnaha ka ah ururka, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, isu socodka dadka, iyo iskaashiga dhaqaalaha.
Dadka Soomaaliyeed oo kamid ah bulshooyinka ugu badan ee isaga safra dalalka Bariga Afrika, ayaa ku rajo weynaa in xubinnimada Soomaaliya ee ururkan ay yarayn doonto caqabadaha socdaalka iyo xannibaadaha kale ee ay la kulmaan. Si kastaba ha ahaatee, sanad iyo dheeraad kaddib ku biiritaanka Soomaaliya ee ururka EAC, dadka haysta baasaboorka Soomaaliya weli ma heli karaan xuquuqaha socdaalka ee ay leeyihiin dadka kale ee ka socda dalalka xubnaha ka ah EAC.
Waxaa intaas dheer, in Soomaaliya iyo Libya oo kaliya laga reebay dhammaan dalalka Afrika oo bilaa dal-ku-gal ku imaan kara Kenya taasoo ah culeys kusii kordhay shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed.
Inkasta oo ay Soomaaliya bixisay wejigii koowaad ee qaadhaanka xubinnimada oo ahayd lacag dhan 3.5 milyan oo Doollar, haddana ma aysan helin xuquuqihii ka dhashay bixinta lacagta iyo xubinnimadaba, gaar ahaan ka qaybgalka iyo helitaanka saamigeeddii siyaasadeed iyo maamul ee hay’adaha fulinta, sharci dejinta iyo garsoorka. Taas waxaa loo sababaynayaa Daahfurnaan la’aanta Dowladda Soomaaliya oo dib u dhigaysa ka faa’iideysiga fursadaha yaalla dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika.
Ururka EAC oo la dhisay sannadkii 2000 wuxuu leeyahay hay’ado sharci-dejin (Baarlamaanka), fulin (Xoghaynta Guud) iyo Garsoor (Maxkamadda Caruusha). Soomaaliya waxay heshay fursad ay 9 xubnood ugu diri karto Baarlamaanka EAC iyo sidoo kale inay xaq u yeelato mid kamid ah 8-da kursi ee ugu sarreeya maamulka ururka, sida Xoghayaha Guud, ku-xigeennadiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Caruusha.
Si kastaba, baaritaanno madax-bannaan oo ay Somali Stream samaysay ayaa muujinaya in Soomaaliya si iskeed ah uga gaabisay buuxinta boosaskan muhiimka ah taas oo noqotay arrin dhabar-jab ku ah ka qaybgalkeeda siyaasadeed iyo saameynta ay ku yeelan lahayd doodaha iyo xeer dejinta ururka.
Sababta dib-u-dhacaas waxaa lagu eedeeyay Dowladda Federaalka, gaar ahaan Madaxtooyada, oo aan si degdeg ah u gudbin liiska xubnaha Baarlamaanka EAC ee metelaya Soomaaliya. Liiskaas waxaa lagu waday in loogu gudbiyo Golaha Shacabka si daahfuran oo ay kursigiiba dhawr qof u tartamaan si loo ansixiyo, balse arrimo siyaasadeed ayaa sababay dib-u-dhac.
Maamulka Madaxweyne Xasan wuxuu gudbiyay liis xiran, lagu saleeyay hannaan beeleedka 4.5, waxaana toos loo gaarsiiyay Xoghaynta Ururka iyada oo aan la marsiin habraaca uu dhigayo axdiga lagu dhisay Ururka Bulshada Bariga Afrika. Liiskaas ayaa dib loogu soo celiyay Dowladda Soomaaliya, mana muuqata sanad iyo dheeraad keddib inuu yahay mid ka gudbi kara Golaha Shacabka marka la eego xaaladaha siyaasadeed ee taagan.
Ilaa hadda ma jirto jawaab rasmi ah oo laga bixiyay sababta ay Dowladda Soomaaliya ugu dadaashay xubinnimada EAC, u bixisay qarashkii looga baahnaa, balse ugu fashilantay in ay ka faa’iideyso fursadaha siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee ay leedahay xubinnimada ururkani. Waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed wali sugayaan in dowladda ay ka dhabeyso ujeedadii ka dambeysay ku biirista ururkan, si ay u helaan fursado la mid ah kuwa ay helaan shacabka dalalka kale ee xubnaha ka ah EAC.