Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Warar sugan oo uu helay Warsidaha Somali Stream ayaa muujinaya in uu isbeddel waqtigiisu dhawyahay ku imaanayo hoggaanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Mahad Maxamed Salaad oo hore u ahaa Taliyaha NISA ayaa mar kale hantay kalsoonida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha keddib markii un jagadaas laga qaaday sanad kahor si uu ugu tartamo xilka Madaxweynaha Galmudug.

Taliyaha shaqada laga qaadayo Cabdullaahi Maxamed Cali Sambalooshe iyo Taliyaha la filayo magacaabistiisa Mahad Maxamed Salaad ayaa labadii maalmood ee ina dhaaftay kulamo wadajir ah oo saacado qaatay la yeeshay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha si gaar gaar ah taas oo loo fasirtay in la isu laab-xaarayo labada nin, loona diyaar garoobayo  kala wareegooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laba toddobaad kahor ku wargaliyay Sambalooshe inuu xilka bannaynayo taasoo uu u arkay in sumcaddiisa siyaasadeed lagu kala dhantaalayo maadaama ninka lagu beddelayo uu yahay qofkii hore loogu beddelay, beddelkaana ay muujinayso in shaqada ninkii ka horreeyay loo darsaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa taniyo markii la doortay, oo ay saddex sano u buuxsmayso 15ka May, wuxuu beddelay Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka, Booliiska, Asluubta iyo Nabad Sugidda, wuxuuna haddii uu Mahad Salaad magacaabo, saddex kamid ah afarta talis kusoo celiyay isla Taliyeyaashii uu hore uga qaaday.

Xaaladdan ayay dadka qaar ku cilladeynayaan in ajandaha Madaxweynaha ee amniga iyo difaaca qaranka uusan ahayn mid fadhiya oo uu go’aamada ku qaadanayo hannaan ku saleysan saaxiibtinnimo iyo dano kooban, kamana marna in boosaska qaar uu u beddelayo cadaadisyo siyaasadeed oo ka yimid Beesha Caalamka iyo ka dildillaacyada siyaasadeed ee ku yimid Midowga UPD ee sida xooggan ku socota.

Si kastaba, Taliyaha xilka banneynaya Cabdullaahi Sambalooshe oo dhawr safar oo shaqo ku baxaya maalmaha soo socda ayaa marka uu soo afjaro la beddelayaa, wuxuuna safarkiisa ugu horreeya ku tagayaa dalka Itoobiya.

Isbeddellada aan kala joogsi lahayn ee uu Madaxweynuhu ku sameeynayo Wasaaradaha Difaaca, Arrimaha Dibadda, Amniga iyo Talisyada Ciidamada ayaa mar walba hakad gelinaya horumarka laga gaaro dagaalka lagula jiro argagixisada, waxayna abuureysaa firaaq shaqo oo ay ka faa’iideystaan kooxaha nabad diidka ah.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More