Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Doodo ilaa waaberigii soo gaaray oo u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo saaxiibadiisa Xisbiga UPD ayaa kusoo idlaaday in Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa lagu qancin waayay inuu ka tanaasulo jagada Xoghayaha Xisbiga.

Sida ay Somali Stream ogaatay, waxaa kale oo aan wali lagu guuleysan in lasoo xero galiyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen oo wali ku adkaysanaya in wax ka yar Guddoomiyaha Xisbiga cusub uusan u qaadi karin bulshada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa galinka hore ee maanta yeelanaya kulankii ugu dambeeyay ee lagu soo gunaanadayo doodaha ku saabsan ku biirista Xisbiga wayn ee ay Villa Soomaaliya dooneyso inay ku dhawaaqdo.

Wali waxaan caddeyn in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo haatan ah Musharaxa iyo Guddoomiyaha Xisbiga inay tanaasul ka sameynayaan hoggaanka Xisbiga si Laftagareen loogu soo celiyo xayndaabka Villa Soomaaliya ee haatan u muuqda inuu kasii siibanayo.

Laftagareen ayaa kulankan keddib dib ugu laabanaya magaalada Baydhabo, halkaas oo uu shirar wadatashi kula yeelan doono siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed sida ay noo sheegeen dad ku dhaw xafiiskiisa.

Dildillaac siyaasadeed oo saameyn ku yeelan kara xiriirka Dowladda Federaalka iyo saddexda Dowlad Goboleed ee haatan la daadihinayay siyaasadda Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee amniga iyo doorashooyinka ayaa bilowday, waxaana muuqata in dhinacyadii is watay ay haatan kala dhaqaaqayaan.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More