Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa 27kii bishan Abriil markii 6aad sammeeyay isku shaandhayn kooban oo saamaysay Wasiiradda Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga.
Isku shaandhaynta Xukuumadda ayaa ahayd isku beddal , lakala baddalay Wasiiro Xukumadda ka tirsan oo hore boosaskooda looga soo beddalay, keddib kala beddal uu hore u sammeeyey Ra’iisul Wasaare Xamse.
Lixda Jeer ee Xamse magacaabista sameeyay, waxaa jira hal Wasiir oo aan kamid ahayn Wasiiraddii loodka koowaad ee la magacaabay Ogoosto 2022, waa Dr Maxmed Cilmi oo xukuumadda bannaanka kaga soo biiray kaddibna baxay markii dib xukuumadda loogu soo celiyay Wasiir Cilmi Nuur.
Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa isku beddelka hoggaaminaysa, waxaana Wasiirkeeda noqonaya 30 maalmood gudahood magacii saddexaad, waana Danjire Axmed Macalin Fiqi.
Fiqi oo laga soo beddalay Arrimaha Dibadda, ayaa maray beddelkii seddexaad, isagoo hore looga beddalay Arrimaha Gudaha, waana Wasiirka ugu beddelista badan Xukuumadan, si lamid ah labada nin ee Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Labaad isku baddalay ee Xildhibaan Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay) iyo Xildhibaan JIbriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo min saddex magacaabis helay tan iyo markii uu Xamse Barre noqday madaxda xukuumadda.
Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa martay iyadana isbeddelka seddexaad. Hal mar in ka yar tiradaas waxaa Wasiiro cusub qabteen, dhammaan Wasaaraddaha xukuumadda ee 25ka ah marka laga reebo lix wasaaradood oo wasiirkii loo magacaabay jooga ilaa iyo haddda.
Isku-beddel aan isbeddel lahayn
Xukuumaadda Xamse ee la magacaabay Ogoosto 2022, waxaa boosaskii lagu magaacabay jooga lix Wasiir iyo Ra’iisul Wasaare Xigeenka Koowaad ee Saalax Axmed Jaamac. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sameeyey lix goor oo isku beddel ah, in ka yar tirada isku beddel ee la sameeyay ayaa dibbadda xukuumadda lagaga soo daray wasiiro cusub.
Markasta oo xilka laga beddalo Wasiir, sababta beddelka waxaa lagu sheegaa in ay tahay in loo baahday isbeddel horumar keena laakiin weli ma istaagin isku beddalku, isbedelkii loo kala beddalayna lama hayo beddalkiisa.
Waxaa jirta xikmad tiraahda haddii aad rabto inaad maamulkaaga beddesho, marka hore beddel caqligaaga si isbeddelkaagu u noqdo beddelka wixii aad beddeshay.
Sida muuqata isku beddelka badan ee Xukuumadda Xamse ay la kulmayso, laba mid uun weeye inaan isbeddel la rabin iyo inaan caqliga la beddelin. Kii ay ahaataba waxaa cad in isbeddaladan badan ee xukuumada wajahday ay ku imaanayaan go’aano ka baxsan Xafiiska Wasiirka Koowaad taas oo keentay in la wajaho jahwareer siyaasadeed.
Dhawaan ayaa markale la filayaa in la arko isbeddel kale oo lagu kala beddelayo qayb kamid ah Golaha Wasiiradda. Si kastaba ha ahaate, waxaa weli taagan iswaydiinta ah, sidee Wasiir xilkiisii looga beddelay ama qaaday shaqo xumo, karti darro iyo kaalin gal la’aan loogu boqraa Wasaarad cusub isla markasnaa looga fishaa isbeddel.
Inaad hal dhaqan ku celcelisid oo filatid natiijo ka duwan tii hore waxaa ay lamid tahay inaad u baahan tahay tijaabo maskaxeed. Si kale haddii aan u dhigno waa inaad booqataa dhakhtarka kuugu dhow. Isbeddel mansab oo aan la socon isbeddel maskaxeed waa un kala beddelka dhardhaarrada dheriga adiga oo filayo inuu dhadhanka wax ka beddelo.