Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Xabsi-gelinta Madaxweyne Ku Xigeenka dalka Koonfurta Suudaan Dr. Riek Machar ayaa kor u qaaday walaac laga qabo in dagaal sokeeye uu markale ka qarxo dalkaas.

Saqdii dhexe habeenimada Arbacada waqtiga Caasimada Juba ee dalkaas, waxaa xabsi guri la dhigay Madaxweyne kuxigeenka Koowaad Dr. Riek Machar, kaddib markii hoygii uu ka degganaa Caasimada ay isku hareereeyeen ciidamo ay wateen Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhiga ee Koonfurta Sudan, kahor inta aysan ka qaadin ilaaladiisa oo dhamaantood la geeyey goobo aan ila hadda  la ogayn.

Xadhigga Machar ayaa yimid bilo uu dalkaasi ku jiray xaalad aan deganayn keddib markii ciidamo taabacsan Madaxweyne ku Xigeenka la xidhay ay ka hor yimaadeen nidaamka hirgelininta heshiishkii 2018 ee lagu soo afjaray dagaalkii sokeeye ee dalkaas.

Gunta Khilaafka iyo is-haysiga

Laba sano uun markii ay dowladnimada haystay Koonfurta Sudan, waxaa bishii ugu dambaysay sanadkii 2013 ka qarxay dagaal sokeeye, oo markii dambe u xuubsiibtay in ciidamo u daacad ah Madaxweyne ku Xigeenka ay damceen inay xilka ka tuuraan Madaxwaynaha dalkaas Salva Kiir Mayardit.

Isku dayga Ku Xigeenka Koowaad ee dalkaas uu ku doonayey inuu xukunka ku qabsado ayaa fashilmay kaddib markii askartii daacadda u ahayd ay u suurageli wayday inay gudaha u galaan qasriga dalkaas looga taliyo.

Inkasta oo ciidan badan oo daacad u ahaa Riek Machar ay isku dayeen inay Jubba gudaha u galaan, haddana waxaa ka hortagey oo bannaanka magaalada ku joojiyey ciidanka Milateriga qaybtii la safatay Madaxweyne Salva Kiir, waxaana sidaas ku bilowday dagaal ay dadka Koonfurta Suudaan aad ugu kala qaybsameen.

Dagaalka ayaa aad ugu faafay gobollada ay labada qabiil ee Madaxweynaha iyo Ku Xigeenka kasoo jeedaan  ee Diinkaha iyo Nuweerta loo yaqaan, waxaana ka dhashay gubista magaalooyin, ceelasha shidaalka iyo dhimashada in kabadan toban kun oo qof oo ku halaagsamay colaaddii muddada socotay.

Shan sano oo uu socday dagaalku, ugu dambayn waxay labada nin ee kala hoggaaminayey labada dhinac ay heshiis ku gaadheen Addis Ababa sanadkii 2018, waxaana heshiiskaas lagu soo afjaray colaaddii soo jiitamaysay.

Heshiiskaas keddib, Riek Machar ayaa dib ugu laabtay Caasimadda Juba halkaas oo dib loogu celiyey xilkiisii Ku Xigeenka Madaxweynaha, waxaana dhinacyada siyaasadda iyo qabiillada dalkaasi isku raaceen in la dhaqangeliyo qoddobadii heshiiska 2018, kaas oo ka mid ahayd in dalkaas laga qabto doorasho dadweyne.

Dib u dhac ku yimid meelmarinta heshiiskii Addis Ababa, ayaana mar kale keenay inay xiisad cusub oo xasillooni darro ah ka abuuranto dalka koonfurta Suudaan, tan iyo markii ay meesha ka baxday ballantii ugu dambaysay ee doorashada oo ku astaysnayd bishii Diseembar, 2024 taas oo dib loogu raray ilaa sanadka 2026.

Maxaa Hadda Ka Cusub Koonfurta Suudan?

Bilaabashadii sanadkan cusub, wuxuu uga dhignaa dadka koonfurta Suudaan mid wata walaac iyo walwal ku saabsan mustaqbalka dalkooda, kaddib marka garabka SPLM uu hoggaamiyo Riek Machar ay ka horyimaadeen qorshaha dowladda ay dib ugu dhigtay doorashada ilaa 2026.

Isku dhacyo maleeshiyaad daacad u ah Madaxweyne Ku Xigeenka iyo ciidanka dalkaas ayaa ka bilwday gobolka Galbeedka Equatoria oo ood-wadaag la ah dalka Ethiopia, waxayna  bar bilow u noqotay rabshadaha sii kordhaya ee kasocda Gobollada xuduudka Ethiopia ku teedsan ee Upper Nile iyo Galbeedka Equatoria.

Maarso 4teeda waxaa gobolka Upper Nile ka dhacay dhacdadii ugu waynayd ee tan iyo 2013 lagu dilay ciidanka qaranka Koonfurta Suudaan, kaddib markii dhaqdhaqaaqa CAD, oo ah maleeshiyo hubaysan oo taabacsan siyaasada Machar ay magaalada Al Naasir ee gobolkaas ku weerareen ciidanka Milateriga ee dalkaas, ayna halkaas ku laayeen in kabadan kun askari oo kamid ah kuwa sida gaarka ah u tababaran ee ilaaliya ceelasha shidaalka.

Dowladda oo ka jawaabaysa dhimashada haleeshay ciidankeeda ayaa duqayn xooggan ka gaystay bariga dalkaas oo ah goobaha ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Mucaaridka ah.

Riek Machar, Madaxweyne Ku Xigeenka dalkaas ayaa maalinkaas laga soo bilaabo la dul-dhigay ciidan xooggan, waxaana ugu danbayn xalay laga qaaday ilaaladiisa iyadoo ay xisbigiisu SPLM sheegeen in xabsi guri rasmi ah ladhigay, walow aan dowladdu ilaa hadda ka hadlin, inkastoo oo loo haysto dilka ciidanka ee Al Naasir ka dhacay.

Waa Kuma Madaxweyne Ku Xigeenka la Xidhay?

Dr. Riek Machar waa mid kamid ah siyaasiyiinta ugu caansan ee koonfurta Suudaan. Waa hogaamiyaha labaad ee jabhadii dalkaas xornimada gaadhsiisay, kaddib markii ay koonfurta Suudaan dowladnimadeeda ka qaadatay Suudaanta Waqooyi sanadkii 2011, waxaa uu noqday Madaxweyne k/Xigeenkii Koowaad ee dalkaas yeesho, isagoo xilkaasi hayey tan iyo bishii Diseembar 2013 inta aan markale sanadkii 2018 dib loogu soo magacaabin isla jagadaas oo ilaa iminka hayo.

Siyaasad ahaan, waa mid kamid ah ragga ugu foolaadsan dalkaas, waxaana uu leeyahay jabhada hubaysan oo lagu magacaabo SPLM-ta mucaaridka. Dhanka kale Machar waa horjoogaha iyo siyaasiga ugu wayn qabiilkiisa Nuweerta oo ah kan labaad ugu badan dalkaas, waxaana u leeyahay taageerayaal xooggan kuwaas oo gu’ iyo jiilaalba u haya daacadnimo aan is-dhimin, maadaama u tixgeliyaan hoggaamiye nasiib leh oo bulshadiisa ka badbaadinaya inay ku dhacaan caloosha qabiilka Diinkaha oo ah kan ugu tirada badan dalkaas, haystana xukunka iyo awoodda dalka.

Maxay Dalalka IGAD ka Qabteen Daminta Colaadda?

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa Khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir, isagoo war lagu faafiyay barta X ku sheegay inay Ergay Gaar ah loo dirayo Jubba, keddib wadatashiyo uu la sameeyay Madaxweyne Yowei Museveni iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Maalin keddib waxaa Jubba gaadhay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga, kaasoo kulan la qaatay Salva Kiir, wuxuuna warbixin dib ugu soo celin doonaa Madaxda IGAD ee hawshan u wakiilatay.

Xoghayaha Fulinta IGAD Dr. Workenneh Gebeyahu ayaa sidoo kale si dhaw ula socda wada hadallada uu hoggaaminayo Raila Odinga.

Si kastaba dalka Koonfurta Suudaan oo dhexda uga jiray sanaddo soo kabasho ah tan iyo wixii ka danbeeyey heshiiskii Addis Ababa ayaa markale u muuqda in xaalad kala amni bax bulsho ah uu qarka uu saaran yahay, inkasta oo la isku raacsan yahay inaan qalaalase kasta oo cusubi uusan kusoo faafi karin Caasimada dalkaas, maadaama dowladda oo haysato taageerada dalalka gobolka ay si wayn u xoojisay ammaanka magaalooyinka waaweyn oo ay kujirta Juba oo ah xarunta maamulka iyo ganacsiga ee dalka.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More