Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadkii tagay waqtigiisa ku qaatay furimaha dagaalka ee Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, isagoo kulamo la yeeshay ciidamada qaranka, kuwa difaaca dadweynaha ee Macawisleeyda loo yaqaano, dhallinyarada, odayaasha dhaqanka iyo haweenka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale furimaha geeyay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Goleyaasha Dowladda, aqoonyahanno kasoo jeeda deegaannada uu tagay iyo ganacsato si ay qeyb uga noqdaan gulufka dagaalka, taas oo  bilowgiiba noqotay rajo meel fog ka hilaacay  iyo yididilo shacabku dareemeen in markan uu Madaxweynaha usoo jeestay dagaalka.

Isla toddobaadkaas, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shir degdeg ah oo uu 21kii bisha isugu yeeray Golaha Wasiirada ku iclaamiyay in Golihiisa ay tagi doonaan furihama dagaalka ee Shabeellaha Hoose oo culeys ay soo saareen Al Shabaab, lana wareegeen magaalooyi istiratiiji u ah dagaalka sida Aw Dheegle, Barriire iyo Sabiid. Magaalooyinkan ayaa leh buundooyin muhiim u ahaa difaaca Caasimadda.

Inkastoo qiimeyn amni oo at Taliska Xoogga sameeyeen looga joojiyay Ra’iisul Wasaaraha inuu u guuro Beerta Sheekh Zaayid ee Afgooye, ayna adag tahay in aagaas si fudud looga ilaaliyo arbushaadda Al Shabaab, haddana in wali Wasiirka Koowaad iyo Golihiisa Wasiirada aysan wax tallaabo ah qaadin waa mid muujinaysa inuusan dalku haysan Gole Wasiiro oo xilli dagaal (War Cabinet).

Gulufka dagaal ee socda ayaana banaanka keenay inaan Golaha wasiirada iyo Madaxweynaha dalku aysan isku jiho u soconin, waxaana la iswaydiinayaa Ma madaxweynaha ayaa keligii duul ah mise xukuumaadda ayaana lahayn karti hoggaamineed ee xaaladda dalka. Kii ay ahaataba waxay muujinaysaa fashilka Madaxweynaha, maadaama uusan la imaanin gole xukuumaddeed oo  la xambaari kara ajandayaasha dagaalka.

Safaradda Madaxweynaha  ee furrimaha ayaa bidhaamiyey tuhunkii ku xeernaa waayadan ee ah inuu xafiiskiisa u rartay shaqooyinka Wasaaradaha muhiimka ah ee Gaashaandhiga, amniga, maaliyada, waxaana keli hoggaaminta Madaxweynaha ku cusub inuu ku darsaday xilkii oday dhaqameedka taas oo dad badani aaminsan yihiin inay dib udhigtay abaabbulkii looga baahnaa furimaha dagaalka, si lamid ah sida hoggaamintiisu ay u curyaamisay hawlihii xukuumaadda.

Balse ceebaha ugu badan waxay soo baxayeen labadii maalmood ee u dambeysay. Madaxweynuhu wuxuu kaga khudbeeyay Hirshabeelle inaan sanadkaan la aadi karin cumrada oo baddalkeeda cumro loo niyeysto dagaalka Al Shabaab sida uu Warbaahinta u sheegay Wasiirkii hore ee Amniga Xasan Xundubeey. Taasi ma dhaboowday? Maya, waayo isla Madaxweynaha ayaa safarkiisa uu saaka ugu ambabaxay Turkiga uga sii gudbi doona magaalada barakeysan ee Makkah si uu usoo cumreysto.

Waxaa kale oo jirta, in xukuumadda aysan u muuqan xukuumad waqti dagaal. Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenkii shirka wax ka guddoomiyay Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Gaashaandhigga ee dhawaan la dhaariyay Xildhibaan Jibriil Cabdirshiid, Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Amniga Gudaha Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo dhammaan ah wasiiro halbowle u ah qaabeynta dagaalka, dhiirigelinta ciidamada, isku dubaridka saadka iyo taakulada, xasilinta deegaannada la xoreeyo iyo adeeg gaarsiinta bulshada ayaa u safray inay soo cumreystaan, waxayna banneeyeen kaalintii dagaalka uga aaddanayd.

Waxaa intaas dheer in Wasiirka Arrimaha Islaamka Muhtaar Rooboow Cali oo ah qofka ugu khibradda badan dagaalka lagula jiro kooxahan, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, haatanna ah Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo saaka si degdeg ah uga soo dhoofay Sucuudiga, ahna Wasiirkii  maamulayay Wasaaraddaas xilligii ugu dheeraa taniyo sanadkii 2000,  Wasiirka Beeraha Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka Xannaaanda Xoolaha Xildhibaan Xasan Xuseen (Eelaay), Wasiirka Deegaanka iyo Cimilada Sarreeye Guud/Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) oo ah qofka haysta darajada ciidan ee ugu sarreeysa, lagana sugayay inuu fadhiyo qolka laga hago dagaalka iyo Wasiirka Kalluumeysiga Axmed Xasan iay iyaguna ku biireen wufuudda u safartay cumrada.

Waxaa kale oo jira in Wasiiro kale oo ay kamid yihiin Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene iyo Wasiirka Haweenka Khadiija Maxamed Al Makhzuumi ay iyaguna dalka safar uga maqanyihiin, waxayna haatan ku sugan yihiin magaalada Nairobi.

Xogo ay ka heshay Somali Stream hay’adaha ka shaqeeya arrimaha socdaalka iyo duulista xaqiijiyeen in dhawrkii maalin ee xigtay fasaxa Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare in tiro ka badan 120 Xildhibaan ay u dhoofeen magaalada Nairobi, halka 50 ka badanna ay u safreen Boqortooyada Sucuudi Carabiya si ay usoo cumresytaan.

Haddaba, marka aad eegto hadalladii Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ka jeediyay furimaha dagaalka, khudbadihii Ra’iisul Wasaaraha ee ka dambeeyay ee xoojinayay dareenka ah inuu dalku ku jiro xaalad dagaal, loona baahan yahay inaan dagaalka loo kala harin iyo hab dhaqanka xukuumadda haatan jirto waa mid kaaf iyo kala dheeri ah.

Su’aasha iswaydiinta mudan ayaa ah dalku ma wuxuu maanta u baahan yahay Xukuumad dagaal oo xilligan adag ka saari karta mise xukuumad dalxiis iyo dibad wareeg? Ogaadana, cumrada iyo cibaadada ajarkooda iyaga ayay gaar u tahay, wixii ka xumaada masuuliyaddii ay qaadeenna dalka iyo dadka ayay culeys iyo ceeb ku tahay!

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More