Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Barakacayaal, Queen Boodo, xayiraad iyo isku eedayn dil iyo shirqool ayuu ahaa wixii ugu badnaa ee laga maqlo Qalka Golaha Shacabja oo fadhigiisii caadiga ahaa ku qabsaday xaruntiisa Villa Hargaysa.

Sida wax ugu dhaceen maanta ayaa ahayd mid aan ku imaan qorshe iyo ajande. Xildhibaananda ayaana dhaafay xuduudka doodda iyo aragti iswaydaarsiga. Waxaa golaha kadhex dhacay aflagaado, eedayn iyo isku xukumid dambiyo.

Hannaanka hogagaaminta Aaden Madoobe ayaa qayb kamid ah Xildhibaanadu wax isku waydiiyeen. Marka la eego sida fadhiga maanta uu u maareeyey ayeey dad badani qabaan inay u tahay caddayn aan marag u baahnayn. Kulankii ayaa ku dhamaaday qaylo iyo buuq.

Fadhiga Baarlamaanka ee maanta qabsoomay ayaa waxaa ajandihiisa lagu soo daray mooshin lagu dalbanayo in la laalo xayiraadda duulimaad ee saaran Maamulka Jubaland. Sidoo kale waxaa ku lamaannaa in loo yeero hay’adaha ammaanka ee mas’uulka ka ah xannibaadda.

Qayb kamid ah Xildhibaannada ayaa keenay cabasho ay ka muujiyeen ishortaag safar oo lagu sameeyey xilli ay u jeedeen dhanka Kismaayo.

Furitaankii kulanka ayaa isku beddelay gole muran, qaylo iyo dhawaaq taban. Xildhibaannadii hadalka qaatay oo u badnaa mucaaradka ayaa eed tiro beel ah dusha ka saaray Xukuumadda. Inkastoo ay ahayd waxay xaq uleeyihiin, haddana doodda ayaa gashay deel qaaf, waxaana si aan metalaadoodu ahayn kasoo baxay golaha ereyo aan dheguhu jeclaysanayn maqalkooda.

Doodda metaalada iyo deegaanka

Doodda Xildhibaanada oo u muuqatay mid ka firfircooni badan sidii looga bartay ayaa kululaatay kaddib markii ay xubnaha Baarlamaanku dooddooda u dhigeen qaab deegaan, qabiil iyo reernimo, taasoo u muuqatay in Xildhibaanadu aysan aragti dowladnimo kudhisin doodda.

Hadalkii uu Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Yare) ku tilmaamay xubnaha kasoo jeeda Soomaaliland inay yihiin barakacayaal ayaa buuq badani dhaliyey. Hase ahaate marka laga tago xanafta hadalkiisa, haddana marka dhanka kale laga istaago, hadalka Xasan Yare waxaa uu xujo ku yahay doorashada qof iyo cod ah.

Eedaymo waa weyn oo la soo bandhigay

Intii uu socday fadhiga Baarlamaanka waxaa u muuqday meel aan xeer iyo xarig lahayn, waxaana Xildhibaanadu ay sii daayeen eedo badan oo qaybtood ay yihiin kuwa waa wayn, ayna ku jiraan dil.

Mid kamid ah xildhibaanada laga soo doorto Jubaland, gaar ahaan Gobolka Gedo, ayaa ku eedeeyey Wasiirka Amniga inuu in ka badan toban jeer dil iyo shirqool u maleegay. Xildhibaanka ayaa Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo isku deegaan yihiin dusha u saaray inuu naftiisa halis ku yahay. Waa eed aad u weyn marka aad tahay Wasiirkii Amnniga Qaran ee u xilsaarnaa badbaadaba bulshada, waxaana arrinkan sii cuslaynaya in Xildhibaan Qaran oo xasaanad leh uu baarlamaanka hortiisa ka jeediyo eeddiisa.

Xeeldheerayaasha sharciga iyo garsoorka oo aan la hadalnay waxay qabaan inaan eeda Xildhibaaanka aan sidaas lagu dhaafi karin, waxayna ku doodeen inaan arrinta laga dhigi karin eed siyaasadeed, ayna tahay in shacabka loo soo bandhigo baaritaan garsoor oo madax banaan.

Baarlamaanka Sida maanta wax uga dhaceen kama turjumeen meeqaamka golaha. Waxaa lasoo jeediyey eed, shirqool dil, xayiraad, cagajuglayn iyo bahdil ay la kulmeen xubanaha goluhu.

Marka la eego dhammaan wixii meesha ka dhacay waxay muujiyeen sida aqalkani u yahay mid fadhiid ah, lagu tilmaami karo Barlamaankii ugu tayada hooseeyay ee dalka soo mara, fashil hoggaamineedna uu haysto, sida ay qabto xildhibaan Cadar oo Jubaland kasoo jeeda.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More