Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Muddo 60 Sano ka badan gobolka Soomaalida ee dalka Kenya waxaa uu ahaa mid aan la meeqaam ahayn dalka intiisa kale, waxaana uu dheeraa tacaddiga iyo ku tumashada xuquuqda dadkaasi ay ku lahaayeen Kenya. Xorriyaddii keddib, bulshada Soomaaaliyeed ee dalkaasi waxay ahaayeen kuwa ku hoos jira mugdi lamid ah kii gumaystaha, waxaana Soomaalidu ay la kulmayeen nooc kasta oo fuquuq, hoosayn, duudsi iyo xassuuq ah. Dhammaan falalkaas gurracan waxaa horseed u ahaa madaxdii Kenya soomartay lixdankii sanno ee tagay.

Booqashadii uu ku tagay gobolka Soomaalida usbuucan Madaxweynaha xilligan ee Kenya, William Ruto ayaa ka dhignayd in deegaanka Waqooyi Bari ee Soomaalidu degto uu xorriyadiisa helay, sababta ayaa ah in Madaxweynaha Kenya oo waqtigan ee ku dhaqaaqay tallaabooyin Madaxweyneyaashii horre aysan qaadin.

Haddaba maxay booqashada Ruto u tahay mid taariikhiya oo macno weyn ugu fadhida Soomaalida gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Kenyaan hadda ayaad tihiin

Inkastoo uu Ruto ku dhawaaqay mashaariic badan oo laga hirgalinayo deegaanka Soomaalida muddada xilhayntiisa ka hadhay, oo ay kamid tahay waddada dheer ee isku xidha Marsabiit iyo Mandheera oo dherarkeedu yahay in kabadan 750KM, sidoo kalana uu taxay tiro kale oo adeeg dowladdeed ah sida kuwa caafimaadka, kuwa waxbarashada ah iyo kuwa la xidhiidha biyaha iyo horomarinta nolosha dadka, haddana ma ahayn waxa macnaha samaynayey ee booqashada Ruto kadhigtay mid gaar ah.

Hadalkii uu ka jeediyey fagaaraha Oraxeey ee Madaxweyne Ruto ku qiray in dadka Soomaalida ahi ay la kulmi jireen faquuq iyo takoor, ay u gaysato dowladdooda Kenya ayaa ahayd waxa keenay dhawaaqa beddelay hadal haynta guud ee dalka Kenya.

“Dadka walaalaheena ah ee ka soo jeeda Waqooyiga Kenya kuma sii jiri doonaan sharaf-darro dheeraad ah oo ku saabsan baadhista iyo beegsiga qowmiyadeed ay la kulmaan, kuna saabsan si aad u heshaan dukumentiyada aqoonsiga qaranka.” Ayuu Madaxweyne Ruto ka sheegay Fagaaraha.

Erayadan, waxaa uu Madaxweynuhu si aan leex-leexad lahayn ugu soo afjaray tobbanaan sanno oo takoor dowladdu geysanaysay ah, taas oo ahayd xanuun xasuustiisu darran tahay oo ay Soomaalidu la noolayd, xornimada Kenya kaddib.

Si aan u fahamno miisanka iyo muhiimmadda ay erayada Ruto u leeyihiin bulshada Waqooyi Bari Kenya aan xasuusteenna ku celinno xasuuqyadii iyo dambiyadii ay Kenya iyo madaxdeedu u gaysteen Soomaalida.

Dagaalkii Shuftada: Ciqaab Wadareedkii Xanuunka badnaa

Sannooyinka ay Kenya xorta tahay, dadka Soomaaliyeed waxay soo mareen xanuunno aad u darran oo raad xun ku reebay deegaanka, waxayna kala kulmayeen madaxdii isbdeddeshay ee dalkaasi soo hoggaamisay, mid kamid ah xasuusaha aan farxadda wadan; waa dagaalkii shuftada ay u bixisay oo ay Kenya ku qaadday bulshada gobolkaas si aan kala sooc lahayn sannadihii u dhaxeeyey 1963-1967, kaddib markii sannadkii 1963 dadka Soomaalida ah Afti dadweyne lagu waydiiyey masiirkooda mustaqbalka ay intooda badan si aan kala hadh lahayn ugu coddeeyeen inay ku biirayaan dalka Soomaaliya, hase ahaatee xukuumaddii Madaxweynihii koowaad ee Kenya, Jommo Kenyatta ayaa iska diiday doonista dadkaasi, waxayna  beegsi aan kala sooc lahayn ku qaaday Soomaalida, oo dhammaantood lagu xukumay inay yihiin shufto ama budh-cad ay tahay in la dilo. Waa dhaxal xanuun badan oo ay soo mareen dadka deegaanka Soomaalidu, waana Mahadho loogu gaystay dadka Soomaaliyeed xaqa ay u leeyihiin inay go’aansadeen mustaqbalkooda.

Xasuuqii Wagaalla

Bishan bisheedii 41 sanno kahor, waa 1984, Madaxweynihii Kenya ee waqtigaas Danial Arap Moi ayaa amray xassuuq baahsan oo loo geystay dadka Degmada Wajeer, kaddib markii ciidanka Milateriga ee dalka Kenya oo fullinaya amarka Madaxweynahooda ay ku dhaqaaqeen wax lagu sheegay hawlgal amni, ayna soo uruuriyeen kummanaan rag Soomaaliyeed ah, dharka ka saareen kaddibna ay halkaas ku toogteen. Wagaalla waa xasuuqa ugu dhimashada badan oo halmar ka dhacay deegaanka Soomaalida, carruurta iyo dumarka ayaa la  kufsaday, waxaana loo geystay dhaawacyo daran, inkasta oo dadka xasuuqaas ku dhintay tirradooda rasmiga ah hoos loo dhigay, haddana waxaa la isku raacsanyahay in Wagaalla lagu dilay 5kun ilaa 10kun oo rag Soomaaliyeed ah.

Intaas kaliya kuma eekeyn tacadiga haleelay dadka Soomaaliyeed, Madaxweyne kasta oo soomaray Kenya ayaa geysanayey tacaddi ku kooban dadka Soomaaliyeed.

Sannadihii uu tallinayey Mwai Kibaki (2002-2013) dadka Soomaaliyeed ayaa la beegsanayey iyadoo loogu gabbanayo la dagaallanka mashruucii argagixisada, waxaana lagula kacay bulshada Soomaaliyeed nooc kasta oo bahdilaad ah oo ay kujirto dil, dhaawac, barakacin iyo hanti kala wareegid, loomana kala eegayn qaxooti ama muwaadin, maadaaama xili hore bulshadan laga qaaday xaqii wadanka oo ay lahaayeen oo laaji laga dhigay.

Waqtigii uu xilka hayey Madaxweyne Uhuro Kenyatta (2013-2022) waxaa uu bilaabay hawlgalkii xasilinta dalka ee loogu magacdaray Usalaama, kaas oo lagu bartilmaameedsaday dadka Soomaalida oo keliya, waxaana kumannaan bulshada Soomaaliyeed ah lagu guray xabsiyada, saldhigyada iyo xarumaha dowladda oo markii ay buuxsameen loo daad-gureeyey garoommada kubbada lagu ciyaaro sida Kasaraani.

Dadka Soomaaliyeed hal sabab ayaa loo beegsanayey waana inaysan ahayn Keenyaan xaq leh, waxaana loo diiday inay helaan kaadhka iyo jinsiyadda dalka, taas oo keentay in lagu ciqaabo oo xaqooda laduudsiyey.

Ruto oo dabarka faquuqa Jebiyey

Markii uu xafiiska yimid Madaxweynaha Kenya William Ruto, waxaa uu qaaday tallaabo ay ku dhiiran waayeen Madaxweynayaashii  ka horeeeyay, waxaana uu markii ugu horraysay taariikhda Kenya, xilal muhiim ah u dhiibay siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari, inkasta oo ay xaq u lahaayeen, kuna mutaysteen kartidooda iyo shaqada ay Kenya u hayaan, haddana in Wasiirka Deegaanka, Taliyaha Sirdoonka Qaran iyo Hoggaanka Dambi blBaadhista Guud ee dalka Kenya, Soomaali loo magacaabo, waxaa ku ammaanan Ruto.

Madaxweynaha Kenya keliya ma qiranin in Soomaalidu faquuq la kulmaan, hase ahaatee waxaa uu saxiixay xeer soo afajaraya takoorka, waxaana uu meel fagaare ah ku amray in meesha laga saaro tallaabo kasta oo caqabad ku ahayd in dadka Soomaalidu ee dalka Kenya ay helaan xaqqoodda jinsiyada iyo muwaadinimmadda dalkaas.

Inkasta oo Ruto qaaday ficil muddan in la bogaadiyo, haddana waxaa jira shaki ay dad badan oo Soomaali ah qabaan kuwaas oo cuskanaya taariikh, waxayna ku andoocanayaan in Ruto ballanqaad aan rumoobayn uu codka dadka deegaankooda ku gadanayo si uu kursiga usii haysto.

Inkasta oo Ruto dabciyey dabbarkii ku xidhnaa Soomaalida, haddana wax kastase waxay kala caddaanayaan sida looga dhabeeyo dhismaha waddada Marsabiit-Mandheera, waxaana xilligan dhaxalka Ruto hortaal xujo ah inuu sameeyo taariikh cusub ama inuu dhigaalka taariikhda ka galo bogga saaxiibbadiisii xukunka uga horreeyey.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More