Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Jabhadda M23 oo lagu eedeeyo inay gacansaar la leedahay Rwanda ayaa gudaha u gashay magaalada Gooma oo ah tan ugu weyn Bariga dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo. Subaxnimadii Isniinta ayaa  xoogagga fallaagadu soo gaadheen badhtamaha magaalada, waxaana socda dagaal, goobjoogayaal kusugan Gooma ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in dagaallamayaasha M23 oo aad u hubaysan lagu arkayo suuqyada waa weyn ee magaalada.

Fallaagadda M23 ayaa tobankii Sanno ee ugu danbeeyey dagaal kula jirtay xukuumadda Kinshaasa, waxayna inta badan ka dagaalantaa gobolka Waqooyiga Kivu, ee Bariga dalkaas dhaca, halkaas oo ay ku badan yihiin dadka laga tirada badan yahay Ee Tuutsiga. M23 waxay taageero weyn ka haysataa dalalka Rwanda iyo Uganda, kuwaas oo uu dalka DR Congo ku eedeeyo inay xasillooni dareada gobolka Waqooyiga Kivu uga faa’iidaysanayaan si ay u gurtaan kheyraadka gobolkaasi qaniga ku yahay.

Ciidamada dalka Rwanda ayaa la soo wariyey inay gudaha u galeen xadka dalka Congo, iyaga oo ka barbar dagaalamaya kuwa M23, waxaana afhayeen u hadlay dhanka Kinsasha uu sheegay in dalkiisu uu galay xaalad dagaal oo ay la galayaan dalka Rwnada.

Saraakiil Sare oo katirsan Qaramada Midowbay ayaa la wadaagay warbaahinta caalamiga ah in saddex kun ilaa afar kun oo ciidan gaar u tababaran kuna hubaysan qoryaha shiishka leh ee toogashada ku habboon oo u dhashay Rwanda ah ay ka barbar dagaalamayaan M23 si ay uga gacan siiyaan dagaalka ay kula jiraan ciidanka DRC, QM war saxafadeed ka soo baxay waxaa loogu baaqay in dhinacyada shisheeye ay isaga baxaan dagaalka, inkasta oo aysan QM magac dhabin dhinacyada shisheeye waxa ay ula jeeddo, haddana waxaa la fahamsanyahay in ay u duur xuleyso Rwanda.

Wasiirka Arrimaha Dibbadda ee dalka DRC oo hadlay waxaa uu ku eedayey Ruwaanda dagaalka, waxaana uu sheegay inay tahay weerar qaawan oo kabaxsan curfiga diblumaasiyadda ayna kaga jawaabayaan dagaal, dhankiisa wasiirka Arrimaha Dibbada ee Rwanda ayaa Congo ku eedeeyey inay ku fashilantay inay wax ka qabato xaalka, xilliganna ay ku hawlan-yihiin inay suggaan amnigooda maadaama rabshadaha xudduudka ka socdaa ay saamayn ku leeyihiin.

Gooma oo ah magaalo ay dad badani ku noolyihin waxay Qaramada Midoobay xaqiijisay inay ka barakaceen dad ka badan hal malyuun oo qof kaddib markii jabhadu ay gashay badhtanka magalaadaas, Soomaali ganacsi halkaas kulahaa ayaa la sheegay inay ka mid noqdeen dadka ka barakacay magaalada iyaga oo dhanka Galbeed magalaada uga baxay.

Ganacsatada Soomaalida iyo Saameynta uu ku Yeeshay dagaalka DRC

Dagaaalka dib uga qarxay gobolka Kivu ee Bariga Koongo, ayaa sababay qax iyo barakac weyn sida ay QM shaacisay, waxaana magaalada ugu weyn gobolkaas oo Isniin-ta maanta ah gacanta u gashay Jabhadda M23 ka barakacay dad ka badan hal malyan oo qof.

Soomaalida oo kamid ah bulshooyinka ku noolaa magaalada, kuna lahaa ganacsiga ayaa kamid noqday dadka barakacay kaddib markii ay ciidanka Jabhaddu gaadheen faras-Magaalaha Gooma oo ay ku yaalleen ganacsiyadda Soomaalidu.

Mid kamid ah ganacsatada ku sugan wali gudaha Gooma oo magaciisa ku gaabsaday Cabdinaasir ayaa noo xaqiijiyay inay guryahooda ku jiraan balse ay dhinac walba ka socoto rasaasta, wuxuuse rajo ka muujiyay inaysan muuqan beegsi gaar ah oo laga filayo labada dhinac ee dagaallamaya.

Ganacsato kale oo ku sugan magaalada Kinsasha, balse ka gaabsaday inaan magacooda shaacinno ayaa ayagana noo sheeegay in tirada ugu badan ee ganacsatadii ku sugnaa Goomaa ay uga baxeen dhanka magaalada Bukavu oo isla Bariga dalkaasi dhacda.

Inkasta oo ay M23 ku dhawaaqday inay dadka nabad gelinayso, magaaladana aan laga bixi karin, haddana Ganacsade kale oo magaalada banaanka uga baxay ayaa inoo sheegay inay naftooda kala baxdeen magaalada, hanti iyo ganacsi u badan shiidaal iyo dukaamana ay ka tageen, waxaa uu sheegay inaysan weli xaalku ahayn mid la isku hallayn karo, oo fallaago aad u hubaysan magaalada dhan kasta u socoto.

Ganacsiga Soomaalida kuma eka badeecadaha iyo bagaashka oo kaliya ee dagaalkan wuxuu saameyn xooggan oo taban ku yeelanayaa gawaarida xamuulka ah ee raashinka iyo shiidaalka u kala gudbiya qeybaha kala duwan ee dalkaasi.

Waxaa kale oo jira dhimasha iyo dhaawac marar badan kasoo gaartay darawallada gawaarida xamuulka ee u kala goosha deegaannada ku teedsan xuduudaha Rwanda iyo Uganda, waxaana la filan karaa weeraro iga iman kara dhinacyda haatan isku haya collaadda Goma.

Soomaalida ayaa sanadihii danbe aad u maalgashanayey gobolka Waqooyiga Kivu , waxaana ay ganacsigooda inta badan ku leeyihiin marka laga tago Gooma deegaannada ku teedsan xudduudka Uganda kuwaas oo ka degan xiligan xadka dhanka Rwanda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaan wax war ah wali kasoo saarin dagaalladan oo saameyn ku yeelanaya nafta iyo maalma muwaadiniinteeda, mana jiro digniino iyo jihayn ay la wadaagtay, xilli dalalka Gobolka oo dhan ay ka hadleen dagaalkan soo cusboonaaday.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More