Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Imaanshiyaha xukunka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee bishii May 2022 waxaa la socotay rajo iyo yididiilo ku aaddan isku haynta dalka iyo  abuurista xasillooni siyaasadeed taas oo dalka u horseeda deganaansho dhammaystiran.

Ku dhawaad saddex sano oo uu xukunka joogo Madaxweynuhu, waxaa markii ugu horraysay kor usoo baxaya codka kala tagga Dowlad Gobolleedyada iyo Dowladda Federaalka, khilaafka u dhaxeeya labada heer ee dowladda ayaa gaadhay halkii ugu sarraysay, waxaana calanka usida muranka u dhaxeeya Villa Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe Hoggaamiyo.

Khilaafka Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ahaa mid lasii odorasayey, laakiin waqtiga uu soo shaacbaxay ayaa noqday mid aan u wanaagsanayn dhanka Madaxtooyada Soomaaliya, maadaama ay meesha ka saartay mashruucii ugu weynaa ee ay Madaxtooyadu ka shaqaynaysay ee doorasho dadweyne, oo ay weheliyaan Dastuur beddelka iyo muddo kororsiga xukunka.

Inkasta oo aysan filan-waa ahayn dagaalka labada dhan ee Jubaland iyo Dowladda Dhexe, waxaa la qiyaasayey In loollanka uu qaadan karo muddo dheer. Hase yeeshee, sida hadda muuqata waxaa natiijadii dagaalka u muuqda inuu ka lib keenayo Axmed Madoobe kaddib markii qorshihi Xukuumadda uu ku dhammaaday natiijo la’aan.

Fashilka Mashruucii Villa Soomaaliya

Laga soo bilaabo bishii Nofeembar ee sanadkii dhammaaday, wixii ka danbeeyey doorashadii uu dib isugu caleema-saaray Axmed Madoobe, Dowladda Federaalka ayaa qaaday dhawr tallaabo oo ay ku caddaadinayso nidaamka Jubaland, si meesha looga saaro sharcinimada doorashada Jubaland.

Dowladda Federaalka waxaa ka fashilmay seddex isku-day oo ku doonaysay inay meesha uga saarto Madoobe, kuwaas oo kala ahaa xayiraaddii safarka, dagaalkii Raas-Kambooni iyo tartankii madaxtinimadda ee Senator Ilyaas Baddal Gabboose, kuwaas oo dhammaantood saqiiray kaddib markii Axmed ciidan ahaan u jebiyey doonistii Xukuumadda ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan sheekh.

Jidka Wadahadalka oo Furmaya

Axmed Madoobe iyo maamulkiisu waxay ilaa iminka guulo hordhac ah ka haystaan dagaal siyaasadeedka labada dhinac dhexmaray, taas oo u muuqata in Jubaland-ta Axmed Madoobe ay qaadanayso natiijada guusha ee dagaalka iyo maxsuulka siyaasadeed ee kasoo baxaya loollanka Muqdisho iyo Kismaayo.

Socdaalkii Axmed Madoobe uu asbuucan ku tegay magaalada Nayroobi ayaa ahaa mid soo afjaray wajigii khilaafka ee awoodda ciidan ku dhisnaa iyo culayskii siyaasadeed ee Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ku doonaysay inay meesha uga saarto hoggaamiyaha Jubaland. Fasiraadaha laga bixiyey ee tegista Madoobe ayaa loo arkaa inay tahay in albaabka  wadahadalku furmay, maadaamaa uu Madoobe tagay Kenya isagoo gacan ku haysta dhibco siyaasadeed oo uu ka helay dagaalkii hubaysnaa iyo kii siyaasadeed ee uu la galay Madaxtooyada Soomaliya,  gacanta kalana ku haysta taageeradda seddex ka mid dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya kuwaas oo laba kamid ah ay tirsanaysay Villa Soomaaliya, balse natiijada khilaafka Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh ku riixday inay maraan dhanka Jubaland.

Haysashada Axmed ee guusha dagaalka Raas-kaambooni, qabsashada qaybo kamid ah gobolka Gedo oo ay ku jirto magaalada muhiimka ah Dooloow, jabinta xayiraadda safarka ee saarnayd iyo inuu helay taageero ka baxsan Soomaaliya ayaa loo arkaa inaysan jirin dariiq kale oo Dowlada Madaxweyne Xasan u furan oo aan ahayn inay qaadato kaadhka wadahadalka si looga gudbo khilaafka taagan.

Sida ay u xaqiijiyeen Somali Stream siyaasiyiin ku dhaw Axmed Madoobe, dowladaha deriska la ah Soomaaliya ayaa xilligan ku hawlan sidii loo bilaabi lahaa wada hadallo u dhaxeeya labada dhinac kuwaas oo uu garwadeen ka yahay Ururka IGAD. Hase yeeshee, horumar laga sameeyo khilaafka ayaa ku xidhan waxa uu Madoobe kala soo laabto safaradiisa uu dalka dibaddiisa ku joogo iyo sida Madaxda Dowladda Federaalka ay ula falgalaan waaqaca taagan oo ah in Madoobe uu yahay xaqiiqo aan la iska indha tiri karin.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More