Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xilli dambe ku baraarugtay dhaqdhaqaaqa siyaasadeed iyo dublumaasiyadeed ee uu gudaha Mareykanka ka wado Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Villa Soomaaliya ayaa horay u qorsheysay wafdi kooban oo heer dhexe ah oo uu hoggaaminayo Wasiir Dawlaha Arrimaha Dibadda, Cali Cumar (Balcad), si uu u sameeyo diyaarinta shirarka iyo ajandayaasha Madaxweynaha Soomaaliya muddada uu joogo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee loo madlan yahay dhammaadka bishan Sebteembar. Hase yeeshee, Dawladda Federaalka ah ayaa wafdigaas kordhisay kuna xoojisay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac.

Sida aan ogaannay, wafdiga dawladda ee u baxaya Mareykanka, oo safarkooda la qorsheeyay 9-ka bishan, waxaa hoggaaminaya Saalax Jaamac, waxaana ka mid ah Wasiir Cali Balcad iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Cabdixakiim Maxamed Yuusuf. Wafdiga oo tiradiisa la kordhiyay, waxaa ka mid ah saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, waxaana qorshaha safarka laga wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyadoo xafiiska Madaxweynaha si toos ah looga maamulayo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo khubarada dublamaasiyadda ee Soomaaliya ayaa laga reebay safarkan muhiimka ah. Saraakiil katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka ayaa inoo xaqiijiyay in Wasiir Cabdisalaam Axmed Cali uusan kamid ahayn wadfigan dublamaasiyadeed ee loo xilsaaray arrinta Somaliland, wasaaradana laga ilaashay qorshaha iyo xogta socdaalka. Saraakiisha aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in laga yaabo in Wasiirka keligiis uu kamid noqdo safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee qorshaysan 20-ka bishan inuu u socdaalo New York.

Maalin ka hor safarka wafdiga Soomaaliya, waxaa Washington gaaraya Madaxweynaha maamulka Somaliland. Inkastoo uu safar gaar ah oo aan casuumaad ahayn ku tagayo dalka Mareykanka, haddana socdaalkiisa waxaa ku lammaan ajandayaal siyaasadeed oo ay gadaal ka riixayso Israa’iil oo 26-kii Diisambar ee sannadkii tagay u aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.

Dawladda Soomaaliya ayaa ogaatay in safarka Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, uu ka culus yahay sidii hore, waxaana xogaha ay Villa Somalia heshay ka mid ah in Cabdiraxmaan Cirro loo diyaariyay kulamo hay’ado dawladeed iyo kuwa gaar ah oo saameyn ku leh siyaasadda Washington, si uu u iibgeeyo siyaasaddiisa gooni-goosadka ah.

Madaxweynaha Somaliland ayaa bishii Juun ee sannadkan ku tagay socdaal shaqo Israa’iil, isaga oo kulamo la qaatay madaxda nidaamkaas oo ay ku jiraan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil. Socdaalkaas uu Tel Aviv ku tagay Cabdiraxmaan Cirro ayuu ku dhawaaqay inuu u aqoonsaday Qudus inay tahay caasimadda joogtada ah ee Israa’iil — fal ay dhammaan dalalka caalamku ku dhiiran waayeen laguna tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa 5-tii Agoosto booqasho toban maalmood qaadatay ku tagay magaalada Nairobi, halkaas oo uu kula soo kulmay hay’adaha iyo ergooyinka daneeya arrimaha Soomaaliya. Muddadii uu halkaas joogay wuxuu soo qaatay dal kugalka Mareykanka. Inkastoo Cabdiraxmaan Cirro uu haysto jinsiyadda Finland, haddana ilo ku dhow xafiiskiisa ayaa warbaahinta u dusiyay in Cirro uu ku safrayo baasaboorka Somaliland. Madaxdii ka horreysay ee Somaliland ayaa marar badan sheegay inay ku safraan baasaboorkooda, ahaatee marna looma helin xaqiiqo taageeraysa sheegashadooda.

Dawladda Soomaaliya ayaa maalmahani dedaal xoog leh gelinaysa sidii ay uga hortagi lahayd dhaqdhaqaaqa aqoonsi-raadinta ee Somaliland iyo sidii ay u hor istaagi lahayd inuu saameyn yeesho safarka Cabdiraxmaan Cirro ku tagayo Mareykanka.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More