Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Nidaamka Federalka waa hanaan dawladdeed oo leh labo heer, awooduhuna ay si sharci ah ugu qaybsan yihiin labada heer ee dawladda dhexe iyo dawlad gobaleedyada.

Doorashada hanaanka Federalka ee dal kasta wax ay ku xirantahay duruufo dalkaasi la gaar yahay, sida kala duwanaanta qoomiyadeed, diimeed, Baaxada iyo Juquraafiga dhulka iyo dagaalo sokeeyo oo abuuray kalsooni daro bulsho. Ka sakoow duruufaha noocaas hanaanka Federalism-ku mar walba waa dookha u fiican si  la isugu hayo dal kala tagaaya ama ay kala duwanyihiin duruufaha nolaleed iyo masaalixda bulshooyinka dalkaas ku wada nool.

Waxaa jira qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida oo laga yaabo marar badan in aad aragteen ayaga oo duraaya Hanaanka Federalka ee Soomaaliya qaadatay sanadkii 2004. Siyaasiyiintaas waxa ay Federal-ka ku tilmaamaan mashruuc Soomaaliya dibada looga soo waariday mar kale waxa ay dhahaan dadka Soomaaliyeed waa dad wax walba wadaaga sida diinta, dhaqanka iyo luuqada mana jirin sabab iyo baahi looqabay in la qaato hanaanka Federalka ah.

Nidaamka Federalka ah ee Soomaalidu isku raacday, ma ahan barnaamij ku hirgalay qaab laab la kac ah, mana ahan Fikir dibada la inooga soo waariday ee waa heshiis bulsho iyo nidaam maamul oo xal loo arkay, kadib khibradii laga dhaxley; afganbigii lagu sameeyay dawladii rayidka ahayd ee sida Democracy loo doortay sanadkii 1969 iyo ficiladii dawladdii kacaanka ee dadka Soomaaliyeed oo dhan Waqooyi, Bari iyo Koonfur ay dhibanaha ka yihiin dhibaatadii iyo tacadigii loogu gaystay hubkii  dawladii ay ku tabceen, Federalku waa natiijo ka dhalatay dhibkii iyo mahadhooyinkii ay gaysteen Jabhadihii Xukunka la wareegay 1991, gaar ahaan dadkii Soomaaliyeed ee Muqdisho ku noolaa ee laga dhacay wixii tacab ay 60 sano Muqdisho galiyeen, sidoo kale in badan oo dadkaas kamid ahaana la dilay bilaa sabab.

Federalku waa hanaanka kaliya ee dalka Soomaaliya isku hayn kara, keenina kara xasilooni siyaasaddeed iyo hormar dhaqaale oo siman waa hadii ay hirgalintiisa daacad ka noqdaan madaxda is bad badasha ee Villa Soomaaliya, lana dhamaystiro shuruucdii kala xadaynta awoodaha iyo shuruucdii kala hagi lahayd 2 ama 3 heer dawladdeed (Federal, State and Local Government)

Saddex arimood oo lagama maarmaan ka dhigaysa qaadashada hanaanka Federalka ah ee Soomaaliya:

  1. Federalku waa xal dhexe oo la isugu keeni karo aragtiyaha Gooni-goosadka, Confederation-ka iyo Centralized, si loo ilaaliyo sii jritaanka Jamhuuriyada Soomaaliya.
  2. In lagu xakameeyo damaca awood boobka ku dhisan ee siyaasiga Soomaaliga ah taas oo inaga baajin doonta soolaabashada hogaamiye xukunka maroorsada awooda dawladnimadana inagu dhiba mar kale. Mar kasta oo awoodu hal meel ku aruursantahay haykalka hay’adda dawladuna yihiin kuwa kudhisan nidaam dhexe (Central) waa fududahay in awooda laboobo.
  3. In dawladnimada la daadajiyo si hufana adeega dawladdeed loo gaarsiiyo guud ahaan shicibka Soomaaliya hormarka dalkuna uu u socdo si siman, maadaamoo Soomaaliya tahay dal baaxad ahaan weyn filiqsanaanta dadkuna ay yartahay, labadaas caqabadood dartoodna ay adegtahay in dawlad dhexe adeega iyo hormarka ay si siman u gaarsiiso dalka oo dhan.

 

Dadka inta badan ka ceeb sheega hanaanka Federal-ka ee Soomaaliya waxa ay isugu jiraan laba kooxood, kuwa hanaanka Federalka ku diidan sheekooyin mala awaal ah sida in qabiilo gooni ah dan gaar ah ku qabaan ama in deegaanada qabiiladood ay faa’iido ku qabi karaan nidaamka dawladda dhexe (Centralism). Qolyaha kale waa dad aana fahmi karin waaqaca dhabta ah ee Soomaaliya, oo ah dal soo maray 21 sano xukun dawlad military ah, barakac iyo kala miiran bulsho oo ay sababeen Jabhadihii qabiilaysnaa iyo 36 sano oo dawlad la’aan. Xasuusaha iyo daruufaha noocaas ee lasoomaray waxa ay keeneen in dareenka iyo xiisaha jiilka maanta nool ay u qabaan dawlad dhexe uu aad u hooseeyo, maadaamoo dadka maanta nool 75% ama 80% kamid ah aanay waligood arkin wax dawladd ah oo midaysa Soomaalida Jamhuuriyada oo dhan. Duruufa kala duwan ee looga noolyahay qaybaha kala duwan ee Soomaaliya iyo dareenka kala buskashada ee dhacay 36 sano ee u danbeeyay ee nin waliba ku celiyay deegaankii awoowayaashiis, waxa kaliya ee la isugu soo celin karaa waa hanaanka Federal-ka oo saamaxaaya in qofku dawladnimadii iyo adeegii uu uga baahnaa ay tuuladiisa ugu tagto asaga oo aana lagu khasbin in uu u hijroodo Muqdisho martina uu ka noqdo awooda iyo Khayraadka (Power and resources) dalka ee halkaas ku aruursan.

Aragtiyaha hirgalinta Dawlad dhexe oo xoog leh iyo damaca ka muuqday madaxda Villa ee Minjo-xaabinta nidaamka Federalka ee Soomaalidu ku heshiisay Maahan mid lagu gaarayo dawladnimo wanaagsan iyo midnimo toona ee kaliya waxa uu sii baabi’in doonaa rajadii yarayd ee laga qabay in dalkaan la isku sii hayo ayada oo laga faa’iidaysanaayo hanaanka Federalka ee ogolaanaya in waxna la wada yeesho waxna la kala yeesho.

 

W/Q: MUSTAFA AWALE AHMED

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More