Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Duqeyn diyaaradeed oo Imaaraadka loo aaneynayo ayaa Puntland ku dishay afar qof oo isku qoys ah oo ay ku jiraan saddex carruur ah, halka shan qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Duqeynta ayaa ka dhacday 26-kii Janaayo sanadkii hore meel u dhow Togga-Xarago ee buuraha Cal Miskaad, xilli ay socdeen howlgallo ka dhan ah kooxda Daacish. Baaritaan ay Jimcihii baahisay warbaahinta Drop Site News oo wareysatay dadkii ka badbaaday weerarka iyo saraakiil amni oo Puntland ah ayaa sheegay in diyaaradaha Imaaraadku ay duqeynta fuliyeen, iyagoo ka soo duulay garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Weerarka waxaa ku dhintay Laadan Cabdi Ismaaciil, wiil 13 jir ah, wiil toddoba jir ah iyo gabar 17 jir ahayd oo uur lahayd. Waxaa sidoo kale khasaare gaaray boqollaal neef oo xoolo ah oo qoysku lahaa.

Ilaa hadda, Imaaraadku kama uusan jawaabin codsiyo ku saabsanaa inuu ka hadlo dhacdadan, mana jiro xaqiijin madax-bannaan oo dhammaystiran oo ku saabsan duruufaha duqeynta iyo khasaaraha rayidka.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More