Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka Xukuumadda xil-gaarsiinta ay kala noqotay ruqsaddii ay ku shaqaynaysay Geedfadhi Radio oo xarunteedu tahay magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed uu soo saaray xisbigu ayuu tallaabadan ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo qayb ka ah isku-dayada lagu cabburinayo warbaahinta madaxa-bannaan, laguna xaddidayo xorriyadda hadalka iyo xaqa ay bulshada u leedahay helitaanka xog madax-bannaan.

Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in dowladda aysan ruqsadaha warbaahinta u adeegsan karin aalad lagu ciqaabo ama lagu aamusiiyo warbaahinta ka madax-bannaan aragtideeda siyaasadeed, isagoo hay’adaha dowladda ugu baaqay inay ku shaqeeyaan sharciga, dhexdhexaadnimada iyo ilaalinta xorriyadda saxaafadda.

Sidoo kale, xisbigu wuxuu xusuusiyay hoggaanka dowladda in xorriyadda saxaafaddu ay tahay tiir aasaasi u ah dowladnimada, isla xisaabtanka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, iyagoo sheegay in tallaabo kasta oo lagu wiiqayo madax-bannaanida warbaahintu ay dhaawacayso kalsoonida bulshada iyo mabaadi’da dimuqraadiyadda.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More