Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Mararka qaar intaan keligey fikiro baan waxaan is weydiyaa “Kamaaloow! Kawaran hadaad PhD iska deyso gebigeedba?”. Sababtoo ah waxaan ka baqayaa inaan noqdo doqon iska qosla, iskana hadla, oon hadaladiisa nuxur iyo miisaan midna laheyn, wixii uu shalay ku hadlay ay ka hor imaanayaan wixii uu maanta ku hadlay.

Madaxweynaha waqtigiisu dhammaadey, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 17-kii Nofeembar jeediyey khudbad, waxaana cajiib ah in uusan inoo sheegin wax nagu cusub. Wuxuu Imaaraadka Carabta oo xukuumaddii hore 2018-kii xariirkeeda hoos udhigtay, isla isagiina 2022-kii soo ceshtay kuna eedeeyey faragelin midnimada iyo madax-bannaanida dalka, ka hor inta uusan Xeer Madaxweyne LR.265 ku tirtirin magaca halyeeyga General Gordon.

Wuxuu tusaale u soo qaatay xaaladaha Liibiya, Suudan iyo Yemen, isagoo sheegay in Imaaraadku dalalkaas kala qaybsanaan uga tagay, sidoo kalana doonaya in xaalad la mid ah uu ka abuuro Soomaaliya. In maanta wadamadaas laga hadlo waxaa ka habboon in la is weydiiyo: maxay dowladda Soomaaliya ka baratay dhacdooyinkaas? Arimahaasi looma adeegsan karo si laab lakac ah oo keliya aan maqalno xilliga khilaafku kululaado.

Xasan shalay iyo Xasan maanta kolay waad ka wada dharagsantihiin, sidaas darteed ma rabo inaan halkan mid mid ugu xuso oo waxaa laga yaabaa in maqaalkan uu kor udhaafo 20 bog.

Madax-bannaanida Soomaaliya waa arrin aan cidna ku murmi karin. Dal kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu difaaco midnimadiisa iyo madax-bannaanidiisa. Laakiin waxaa jirta su’aal ka weyn khilaafka diblomaasiyadeed ee maanta taagan: Sidee dowlad u difaaci kartaa midnimada qaranka iyadoo aan weli xal u helin kala qaybsanaanta siyaasadeed ee gudaha dalka oo ay iyadu sababtay? Sababtoo ah hadaan taariikhda dib u eegno bilawgii muddo xileedka, dhamaan kuwa gadoodsan waxay garab taagnaayeen Xasan Sheekh.

Nin Soomaali ah oo ajnabi u cararaaya hadaad aragtaan nin kale ayaa ku qasbay oo walaalkiisa ah. Waa hadal xaqiiq ah uu Xasan Sheekh beenin karin. Soomaaliya waxay sidoo kale la tacaalaysaa khilaafyo siyaasadeed, oo waxaa jira siyaasiyiin badan oo tabasho qaba. Maxay tahay duruufta diideysa in Xasan Sheekh dhamaan siyaasiyiinta tabashada qaba uu boogahooda dhayo halkii meelo kale looga gacan haatin lahaa?! Dowladda Soomaaliya weli ma isweydiisey sida laga yeelayo tabashooyinka iyo khilaafaadka Puntland, KGS, Hiiraan, Jubbaland iyo Muqdisho.

Kahor inta aan muuqaalka daawan waxaan is lahaa, miyuu ka hadli doonaa arimaha muhiimka ah sida doorashada, gogoshii la cidleeyay ee 14-ka Nofeembar, heshiis siyaasadeed iyo in talada dhulka dhigo laakiin dhamaan intaas muhiimad uma laheyn.

Dowladdu waxay marar badan ku celcelisay muhiimadda dastuurka iyo dowladnimada. Laakiin dowladnimadu ma aha in dastuurka la xuso marka uu go’aankaagu taageerayo oo keliya. Waa in la ixtiraamaa hay’adaha garsoorka, la aqbalaa isla xisaabtanka, lana raadiyaa xal sharci iyo mid siyaasadeed marka khilaaf yimaado.

Ila Meereyso aan Dhammaad Lahayn

Dowladdu waxay marar kala duwan ku baaqday wadahadal, hase yeeshee, dadaalladaasi ma aysan keenin heshiis siyaasadeed oo waara. Wadahadal macnihiisu ma aha in mucaaradku yimaado goobta, muuqal leyska duubo, balse wadahadal dhab ah wuxuu u baahan yahay niyad-wanaag, tanaasul, daahfurnaan iyo in dhinac walba dareemo in la tixgelinayo, aan tabashooyinka lagu xallin cadaadis ama eedeyn.

Ma la dhisi karaa hannaan doorasho iyadoo aan heshiis laga gaarin cidda maamulaysa, shuruucda lagu salaynayo, awoodaha hay’adaha iyo sida dowlad-goboleedyadu uga qayb qaadanayaan? Doorasho qof iyo cod ah waa inay noqotaa mashruuc qaran, ee aysan noqon mashruuc siyaasadeed oo hal dhinac leeyahay.

Haddii dowladda federaalku dhab ka tahay hirgelinta nidaam doorasho, waa inay muujisaa in nidaamkaasi yahay mid dadka Soomaaliyeed isu keenaya, ee uusan noqon mid sii kala fogeynaya. Doorasho aan kalsooni, aqbalaad siyaasadeed iyo mid bulsho ku dhisnayn waxay dhalin kartaa khilaaf cusub, halkii ay ka xallin lahayd kii hore, sida aan ku aragney Hirshabeelle iyo KGS.

Soomaali Heshiis Aheyn!

Doolow, Raas Kambooni, Marinaayo, Barmuuda, Baydhaba, Hiiran waxay tusaale iyo cadeyn u noqotey in Soomaali heshiis ahayn! laguna kalsoonaan karin hay’adaha amniga dalka.

Dowladdu waxay xaq u leedahay inay ilaaliso amniga, laakiin xaqaas ma siinayo awood ay ku cabburiso cid kasta oo ka aragti duwan.

Waxaa xusid mudan in marka ciidamada iyo madaxda siyaasadeed ay ku mashquulaan loollan gudaha ah, awoodda lagu wajihi karo khatarta argagixisada way sii yaraaneysaa. Waa arrin murugo leh in Soomaaliya ay weli u baahan tahay taageero amni oo caalami ah. Waana fashil ay inoo horseedeen kuwa talada lagu aaminey.

Dowlad laguma socodsiin karo khudbado, qosol been ah ama ballanqaadyo siyaasadeed. Waxaa lagu dhisaa heshiis, wadar-ogol, caddaalad, kalsooni iyo in muwaadiniinta oo dhan ay dareemaan inay leeyihiin dowlad u adeegaysa. Sidaas darteed Soomaaliya waxay u baahan tahay doorasho si ay u hesho hoggaamiye aan caadi ahayn oo bedela Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu weli haystaa fursad uu ku muujiyo hoggaan ka duwan kan lagu xusuusto, laakiin fursaddaasi waxay u baahan tahay tallaabooyin dhab ah, sababtoo ah shacabka Soomaaliyeed way ka daaleen dabeecadda ah qawda maqashii!

 

Taas beddelkeeda shacabka Soomaaliyeed waxay rajo ka qabaan in:

  • Ugu horreyn, la helo wadahadal qaran oo dhab ah.
  • Khilaafka muddo-xileedka iyo doorashooyinka lagu xalliyaa hannaan lagu wada qanacsan yahay.
  • La sameeyo baaritaanno madax-bannaan oo ku saabsan dhacdooyinkii Doolow, Baydhabo, Raas Kambooni iyo Muqdisho, si loo helo xaqiiqooyinka, loona xaqiijiyo in dadka rayidka ah iyo siyaasiyiinta mucaaradku helaan ilaalin sharci, si aysan dib dambe falal noocas ah usoo noqon.
  • Dowladda dib u dhistaa kalsoonida dowlad-goboleedyada iyo shacabka, lana joojiyo dhaqanka ah in khilaaf kasta lagu wajaho cadaadis ama awood ciidan.

Gunaanad:

Soomaaliya waxay xaq u leedahay inay diiddo faragelin shisheeye, isla markaana ay xaqiijiso in xiriirada diblomaasiyadeed ay ku dhisanyihiin ixtiraam iyo dan wadaag.

Laakiin dowladda maanta talada haysa waa inay fahamtaa in difaaca madax-bannaanida qaranku ka bilaabmo gudaha dalka. Dowladda waxaa la gudboon inay xafido kalsoonida shacab ee sii laciifeysa sida aan ka wada aragnay baraha bulshada oo caruur iyo ciroolaba qaati ka taaganyihiin dowladdii ay aamineen.

Haddii aan maanta la dooran dhabaha wadahadalka, tanaasulka siyaasadeed iyo heshiis loo dhan yahay, Soomaaliya waxay sii geli kartaa god mugdi ah cidina si fudud uga saari karin. Taasna waxay dhabbaha u xaari doonta, fursadna u tahay cadawga Soomaaliya ee doonaya inuu kala dhantaalo ama kala qoqobo midnimada Dalka.

 

W/Q: Kamal Hassan

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More