Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Haweeneyda Diblomaasiyadda ah ee u dhalatay Imaaraadka Carabta, Lana Nusseibeh, ayaa wajahaysa mucaaradado culus kk kaga imaanaysa wadamo waaweyn sida Ingiriiska, Faransiiska iyo Shiinaha, kuwaas oo ka soo horjeeda dadaalkeeda ay ku doonayso inay ku noqoto Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

London, Paris iyo Beijing ayaa dhammaantood codkooda dhiibtay iyagoo ka soo horjeeda diblomaasiyadda Imaaraadka, codbixintii ugu dambeysay ee aan rasmiga ahayn ee loo qaaday musharraxiinta u tartamaya xilka ruuxa bedelaya Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee hadda, António Guterres.

Nusseibeh, oo ah Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka, horayna safiir uga soo noqotay Qaramada Midoobay, ayaa wajahday dhaleeceyn la xiriirta taageerada ay siiso siyaasadda arrimaha dibadda ee Imaaraadka, gaar ahaan tan ku saabsan dalka Suudaan.

Imaaraadka ayaa taageero milatari siiyay xoogagga RSF oo ah maleeshiyaad lagu eedeeyay inay xasuuq ka geysteen gobolka Daarfuur ee dalka Suudaan.

“Sanado badan, Lana Nusseibeh waxay xilkeeda u adeegsanaysay inay si adag u beeniso, isla markaana dareenka looga weeciyo dambiyada dagaal ee Imaaraadku ka geystay Yemen iyo taageerada uu siiyo xoogagga RSF ee ku kacay tacaddiyada Suudaan,” ayuu bishii hore yiri Stagno Ugarte oo ka tirsan hay’adda Human Rights Watch.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu ka kooban yahay 15 xubnood, kuwaas oo shan ka mid ahi yihiin xubno joogto ah, halka 10-ka kalena ay yihiin xubno aan joogto ahayn.
Mid kasta oo ka mid ah shanta xubnood ee joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee pa isku yiraahdo (P5), kuwaas oo kala ah Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Ingiriiska iyo Faransiiska, wuxuu awood u leeyahay inuu diidmada qayaxan (Veto) ku hor istaago musharrax u tartamaya xilka Xoghayaha Guud.

Diblomaasiyiin iyo ilo xog-ogaal u ah Golaha Ammaanka ayaa u sheegay warbaahinta MEE ee xogtan dusiyay in Ingiriiska, Shiinaha iyo Faransiisku ay ahaayeen saddexda dal ee joogtada ah ee codkooda ku muujiyay inay doonayaan in la hor-istaago musharraxnimada Nusseibeh.

Dhanka kale, Mareykanka iyo Ruushka ayaa taageeraya musharraxnimadeeda, sida ay sidoo kale sheegeen ilaha xogta bixiyay. Israa’iil ayaa iyaduna taageersan, inkasta oo aysan ka mid ahayn shanta xubnood ee joogtada ah ee Golaha Ammaanka.

Guud ahaan, codbixintii hordhaca ahayd ee aan rasmiga ahayn, Nusseibeh waxay heshay toddobo cod oo taageero ah (“Encourage”), lix cod oo diidmo ah (“Discourage”) iyo laba cod oo aan mowqif cad laga qaadan (“No Opinion”).

Musharraxa waxaa looga baahan yahay ugu yaraan sagaal cod oo taageero ah, isla markaana and aa inuusan helin wax cod ah oo muujinaya in laga soo horjeedo, si magaciisa ama magaceeda loogu gudbiyo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Waqtigan xaadirka ah, dhaqaaleyahanad iyo diblomaasiyadad u dhalatay Costa Rica, Rebeca Grynspan, ayaa loo arkaa musharraxa ugu cadcad ee ku guuleysan karta xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Grynspan waxay Costa Rica ku dhalatay sannadkii 1955-kii, waxaana waalidkeed ay ahaayeen Yuhuud asal ahaan ka soo jeeda Poland oo ka qaxay Yurub xilligii Naasiyiinta.

Musharrax kale oo miisaan leh, Rafael Grossi oo u dhashay Argentina, isla markaana taageero ka haysta Mareykanka, ahna madaxa hadda ee Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka (IAEA), ayaa isaguna saddex cod oo diidmo ah ka helay xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka. Grossi wuxuu xulafo la yahay madaxweynaha midigta fog ee Argentina, Javier Milei.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More