Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Isbitaal ku yaalla magaalada Baydhabo waxaa ku geeriyooday weriye Bashiir Cabdullaahi ooo ka tirsanaa shaqaalaha warbaahinta Arlaadi ee ku hadasha afka Mayga xafiiska ay ku leedahay magaaladaas kaas oo maalmihii la soo dhaafay dhaawac ahaan u yaalay isbitaalka.

Suxufigan ayaa dhaawac halis ah waxa ay ka soo gaartay dagaal  Khamiistii magaalada Baydhabo ku dhaxmaray ciidanka Madaxwaynihii Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen & kuwa maamulka Aadan Madoobe .

Bashiir ayaa rasaastu waxa ay ka haleeshay dhabarka iyadoo dhaawacuna uu gaaray calaaasho. Inta uu ku jiray isbitaalka ayaa lagu sameeyay qaliin lagu doonayay in lagu badbaadiyo hase ahaatee laguma guulaysan.

Qorshaha wuxuu ahaa in dhaawaca wariyaha loo soo qaado magaalada Muqdisho si loola tacaalo isla markaana u helo dabiib dheeraad ah, balse taasi ma suuroobin.

Dhimashada AUN Bashiir Maxamed ayaa murugo iyo walaac ku beertay bahda warbaahinta iyo bulshada magaalada Baydhaba, iyadoo sidoo kale  keenaysa walwalka laga qabi karo badqabka weriyayaasha.

Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa si joogta ah ula kulma dhibaatooyin isugu jira , dil, dhaawac, handaad, xarrig & caburin taas oo saamayn ku yeelata adeegyada warbaahinta ay u hayaan muwaadiiniinta Soomaaliyeed.

Si kasta dagaalkii ka dhacay magaalada Baydhabo  ayaa keenay dhimasho, dhaawac & barakac xoog leh oo soo gaaray dadka magaalada,kuwaas oo qaarkood xitaa soo gaaray duleedyada magaalada Muqdisho.

 

 

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More