Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Muddadii 21-ka bilood ahayd ee uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro xafiiska joogay, waxaa Somaliland lagu xiray 47 wariye—taas oo ka dhigan in celcelis ahaan bishii la xiro 2-3wariye, waa in lamid ah in 13-kii maalmood oo kasta wariye loo taxaabo xabsiga.

Weriyihii ugu dambeeyay ee liiskan lagu daro waa Xasan Saleebaan Haaruun (Galaydh), oo xabsiga loo taxaabay maanta kaddib markii uu hadlay xorriyad siinta laba maxbuus oo kala ah Weriye Cabdiqani Baylood iyo Abwaan Ismaaciil Jiheeye oo isagu waraysi uu siiyay saxaafadda uga cabanayay dhul boob uu sheegay inuu kala kulmay Madaxweynaha maamulkaas.

Somaliland oo hormuud ugu ahayd Soomalida xorriyadda hadalka ayaa hadda noqotay meesha ugu badan ee qof aragtidiisa loogu xiro. Cabdiraxmaan Cirro ayaa noqday mas’uulkii ugu badnaa ee weriyayaasha xabsiga wehel uga dhiga, marka loo eego muddada uu xilka hayo oo ka yar laba sabo. Waa tira kabadan madaxweyne kasta oo Somaliland soomara labadiisa sano ee ugu horraysay xukunka.

Waxa ugu badan ee weriyayaasha loo beegsanayo ayaa ah inay waraystaan dadka ka cabanaya xadgudub dawladded ama maciishadda nololeed oo qaali sii noqonaysa gudaha Somaliland.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More