W/Q: Cabdiraxmaan Dhuxul
Ku dhowaad afar sano ayaa laga joogaa heshiiskii Pretoria ee lagu soo afjaray dagaalkii u dhexeeyay Dowladda Itoobiya iyo TPLF. Balse, nasiib darro, colaaddii ayaa mar kale soo laba kacleysay. Waxaa hadda laga cabsi qabaa in dagaalkani noqdo mid dabadheeraada, iyadoo aan si fudud loo saadaalin karin halka uu ku dambayn doono.
Kalkii hore, Dowladda Itoobiya, Ereteriya iyo Fano ayaa isku bahaystay sidii TPLF karkaarka loo waydaarin lahaa. Hadda se xaaladdu waxay u muuqataa inay isbeddashay: Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa wajahaysa isbahaysi ay ku jiraan TPLF, Fano, OLA iyo kooxo kale oo hubaysan, kuwaas oo doonaya inay majaxaabiyaan xukuumadda Addis Ababa.
Waxaa sidoo kale jira eedeymo sheegaya in Ereteriya, Suudaan iyo Masar ay si uun uga qayb qaadanayaan ama taageerayaan dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, eedeymahaas dhammaantood si madax-bannaan looma xaqiijin, iyadoo Ereteriya ay eedeymahaas beenisay.
Kahor inta aynaan u guda gelin xaaladda maanta, bal aan dib u milicsanno wixii fashiliyey heshiiskii Pretoria.
Heshiiskii Pretoria wuxuu labada dhinac TPLF iyo Dowladda Federaalka saaray waajibaadyo ay ka mid ahaayeen in TPLF ay hubka dhigto, in la raadiyo caddaalad iyo dib-u-heshiisiin waarta, iyo in ciidammada Ereteriya laga saaro Tigray.
Heshiisku wuxuu sidoo kale dhigayay in TPLF uu matalaad ku yeesho hay’adaha Dowladda Federaalka, oo ay ku jiraan labada aqal ee baarlamaanka. Waxaa sidoo kale lagu heshiiyay in la dhiso maamul kumeelgaar ah oo loo dhan yahay, kaas oo sii shaqaynaya ilaa laga qabto doorashooyinka heer gobol iyo heer federaal.
Nasiib darro, fashil xooggan ayaa ku yimid maamulkii ku-meel-gaarka ahaa ee la dhisay.
Burburkii maamulka ku-meel-gaarka ahaa ee Tigray hal dhinac oo keliya laguma eedayn karo. Waxaa sababay, baa la oran karaa, Dowladda Federaalka oo muddo kordhin samaysay, iyadoo sidoo kale faragelin ku samaysay maamulka kadib markii ay magacaabisyo ku samaysay hoggaanka, taas oo wiiqday sharciyaddii iyo awooddii maamulka.
Sidoo kale, maamulka waxaa wiiqay khilaaf iyo kala-qaybsanaan ka dhex jiray gudaha TPLF. Gaar ahaan, hoggaanka siyaasadda iyo kan militariga kaas oo curyaamiyay awooddii maamulka iyo itaalkii uu ku shaqayn lahaa.
Khilaafkan ayaa ka dhashay in qayb ka mid ah TPLF ay doonaysay in maamulka loo dhiso hab u janjeera dhanka dagaalka, taas oo muujinaysay in weli qaar ka mid ah TPLF ay doonayeen in maamulka la majaxaabiyo. Ugu dambayn, waxaa adkaaday kooxdii colaadda ku hawlanayd, iyadoo la xiray saraakiil sare oo dagaalka kasoo horjeeday.
Muddo yar kahor ayay ahayd markii lagu dhawaaqay isbahaysi hubaysan oo ay ku mideysanyihiin TPLF, Fano iyo OLF.
Waxa keliya ee ururradan mideeyay waa rabitaanka ah in nidaamka jira la tuuro, balse taasi si toos ah uma caddaynayso inay leeyihiin qorshe mideysan oo ku saabsan caddaalad, dimuqraadiyad iyo wada-noolaansho.
Haddii ujeeddadu tahay in dowladda la rido, weli waxaa taagan su’aasha ah: maxaa lagu beddelayaa, sideese loo maamuli doonaa dalka?
Taasina waxay muujinaysaa in xitaa haddii colaadani dhammaato, ay jirto khatar ah in khilaaf kale uu ka dhex qarxo isbahaysiga laftiisa.

