Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Dawladda Mareykanka ayaa Ruth Anne Stevens-Klitz u magacowday Safiir Ku-xigeenka cusub ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya. Diblomaasiyaddan sare oo durba si rasmi ah u bilowday shaqadeeda ayaa la filayaa inay dhawaan soo gaarto magaalada Muqdisho, si ay u guda-gasho hawlaheeda diblomaasiyadeed.

Stevens-Klitz waxay leedahay waayo-aragnimo ka badan 25 sano oo dhanka Arrimaha Dibadda Mareykanka ah, iyadoo xilal kala duwan ka soo qabatay dalal ku yaalla Afrika, Yurub, iyo Bariga Dhexe. Ka hor inta aan xilkan cusub loo magacaabin, waxay ahayd La-taliyaha Arrimaha Bulshada ee safaaradaha Mareykanka ee dalalka Senegal iyo Guinea-Bissau, iyadoo sidoo kale shaqooyinkan oo kale ka soo qabatay wadamada Itoobiya, Masar, Morocco, Jarmalka, Israa’iil, Armenia, iyo xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Washington.

Aqoonta iyo khibradda diblomaasiyadeed ee Stevens-Klitz waxaa sii xoojinaya luuqadaha badan ee ay ku hadasho, sida Faransiiska, Jarmalka, Ruushka, iyo Carabiga, taas oo u sahlaysa inay si dhow ula xiriirto bulshooyinka iyo dhaqamada kala duwan ee ay ka shaqeyso. Sidoo kale, dhanka aqoonta jaamacadeed, waxay shahaadada koowaad ee Diblomaasiyadda ka qaadatay Jaamacadda Georgetown, halka shahaadada labaad ee Master-ka ee Daraasaadka Istaraatiijiga ah ay ka heshay Kolejka Dagaalka ee Ciidanka Mareykanka (U.S. Army War College).

Imaanshaheeda iyo ka hawlgalkeeda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli dalku ku jira cakirnaan siyaasadeed oo ka dhalatay dhamaadka muddo xileedka hay’adaha dawladda, waxaana socdo deddaalo uu hormuud ka yahay Maraykanku oo dhinacyada Soomaalida la isugu keenayo. Danjire Ruth ayaa laga sugayaa inay xal u hesho isdiidooyinka siyaasadeed ee dalka ayna sii ambqaado deddaaladii socday ee uu mas’uulka ah safiir ku xigeenka ay beddelayso, Justin Davies, kaas oo todobaadkan ka guuraya magaalada Muqisho.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More