Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Masar ayaa maanta magaalada xeebta ah ee El-Alamein ee waqooyiga dalkaasi ku martigelineysa madaxda Eritrea, Sudan iyo Soomaaliya, si ay uga wada hadlaan xaaladda gobolka, xilli ay dib usoo cusboonaadeen dagaallada Itoobiya, cirkana sii galayo khilaafka diblomaasiyadeed ee Itoobiya la leedahay deriskeeda, taasoo laga cabsi qabo iney abuurto colaado ka ballaaran mudan oo ka qaraxda Geeska Afrika.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa saaka gaaray hoolka Shirka Wadatashiga El-Alamein ee afarta dal, isaga oo ay dhinac fadhiyaan madaxda saddexda dal, waxaana Madaxtooyada Masar sheegtay in shirka looga gol leeyahay “wada-tashi iyo isku-duwid ku saabsan arrimaha gobolka ee danaha wadajirka ah.”

Sida wararku sheegayaan, Sudan waxaa shirka Axadda ku matali doona taliyaha ciidanka Abdel Fattah Al-Burhan.

Kulankan ayaa dhacaya xilli xaaladda Geeska Afrika ay aad u kacsan tahay. Dagaallada u dhexeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo isbahaysi mucaarad ah oo ay hoggaaminayaan Tigreegu ayaa sii xoogeysanayay tan iyo 23-kii Sebtembar, waana xaaladdii ugu halista badnayd tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii sokeeye ee Itoobiya la gashay TPLF 2020–2022.

Addis Ababa ayaa ku eedeysay Eritrea, Masar iyo Sudan inay taageerayaan isbahaysiga uu hoggaaminayo Tigreegu, eedeymahaas oo saddexda dalba ay beeniyeen. Itoobiya ayaa toddobaadkan xirtay safaaraddeedii Asmara, waxayna dalkeeda ka eriday 10 diblomaasi oo Eritrean ah, taasoo Eritrea ku kalliftay inay xiriirka diblomaasiyadeed u jarto Addis-ababa.

Xiisadda ayaa sidoo kale saameysay xiriirka u dhexeeya Qaahira iyo Addis Ababa. Itoobiya ayaa eriday diblomaasi Masri ah, halka Masarna ay ka jawaabtay iyadoo eriday sarkaal ka tirsan safaaradda Itoobiya.

Midowga Afrika ayaa Jimcihii ugu baaqay Itoobiya, Eritrea iyo Masar inay ka fogaadaan tallaabooyin ama hadallo sii kordhin kara xiisadaha, waxaana loogu baaqay dhinacyada inay khilaafaadkooda ku xalliyaan wada-hadal.

Xiriirka Masar iyo Itoobiya ayaa muddo sanado ah xumaa, waxaana u dhexeeyay khilaaf salka ku haya Biyo-xireenka Weyn oo laga dhisayo webiga Nile. Qaahira waxay ku doodeysaa in mashruucu khatar ku yahay amnigeeda biyaha, halka Addis Ababa ay ku adkeysaneyso inuu muhiim u yahay horumarka Itoobiya.

Dadaalka Itoobiya ay ku doonayso inay hesho marin weyn oo ay ku gaarto Badda Cas ayaa sidoo kale noqday il kale oo xiisad gobolka ka dhalisa. Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea oo hore u ahaa xulafo, ayaa si weyn u xumaaday, iyadoo Asmara ay shaki weyn ka qabto damaca Itoobiya ee ah inay hesho marin ay uga isticmaasho dekedda Eritrea ee Assab.

Dhanka kale, Masar, Eritrea iyo Soomaaliya ayaa sannadihii u dambeeyay xoojiyay xiriirkkkda iyo isku-duwidda siyaasadeed iyo amni ee ka dhaxeeya.

Saddexdaasi dal ayaa shir ku yeeshay Asmara bishii Oktoobar 2024, waxaana hoggaamiyayaashoodu isku raaceen ixtiraamka madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka gobolka, iyagoo sidoo kale isku raacay in la xoojiyo iskaashiga amniga ee Soomaaliya, Sudan iyo Badda Cas.

Xiriirka saddex-geesoodka ah ayaa sii xoogeysanayay kadib khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay heshiiskii Addis Ababa ay la gashay Somaliland, kaas oo Itoobiya siinayay marin ay ku gaarto Badda Cas.

Ka hor shirka maanta, Madaxweyne El-Sisi ayaa Sabtidii magaalada El-Alamein kula kulmay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, wuxuuna mar kale xaqiijiyay taageerada Masar ee “amniga iyo xasilloonida” Eritrea iyo madaxbannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.

Sida ay sheegtay Madaxtooyada Masar, El-Sisi wuxuu diiday xadgudub kasta oo lagu sameeyo madaxbannaanida ama midnimada dhuleed ee dalalkan, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Masar iyo Eritrea ay sii wadaan isku-duwidda si si nabad ah loogu xalliyo dhibaatooyinka gobolka, loona xoojiyo amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Afwerki ayaa sheegay in Masar iyo Eritrea ay si xoogan isaga soo dhawaanayaa arrimaha gobolka oo ay ku jiraan muhiimadda ixtiraamka madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka iyo ka fogaanshaha faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka kale.

El-Sisi ayaa sidoo kale Sabtidii la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna mar kale xaqiijiyay taageerada Qaahira ee madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Labada dal ayaa xiriirkooda u beddelay iskaashi istiraatiiji ah oo dhammaystiran bishii Janaayo 2025.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More