Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Somalia: A State in Search of Exceptional Leadership waa buug uu qoray Prof. Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo ka mid ah mutacalimiinta iyo indheergaradka Soomaaliyeed kuwooda ugu saameynta badan marka la joogo cilmibaarista Soomaalida (Somali studies). Waxa uu wax ka qoraa arrimaha la xiriira taariikhda Islaamka ee Soomaaliyeed, nabadeynta iyo dib u heshiisiinta, dowlad-dhiska iwm.

Buuggu marne waa xusuusqor, marne waa taariikh, marne waxa uu dhiirrigelin iyo marjac u yahay jiilka maanta. Mar waa xusuusqor oo qoraagu waxa uu kaga hadlayaa waaya-aragnimo uu goobjoob ka ahaa inta badan, marne waa taariikh oo waxa uu inooga sheekeynayaa sooyaalkii siyaasadeed ee madaxdii dalka soo martay iyo halka ay ka soo bilaabatay mushkiladda Soomaaliya.

Buuggu waxa uu ka kooban yahay saddex qaybood oo uu mid walba qoraagu kaga hadlayo mowduuc xiriir la leh dowlad-dhiska dalka. Qaybta koowaad, waxa uu dib inoo xusuusinayaa waayihii wanaagsanaa ee siyaasadda Soomaaliya soo martay iyo hoggaamiyeyaal ka tegay dhaxal siyaasadeed oo ay tahay in jiilka maanta tusaale ka dhigtaan. Waa madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan, RW Cabdullaahi Ciise, iyo RW Cabdirizaaq Xaaji Xuseen oo uu qoraagu ku sifeeyey in ay ahaayeen hoggaamiyeyaal moraal fiican leh, kana tegay dhaqan siyaasadeed loo riyaaqay.

Qaybta labaad, waxa uu ka jawaabayaa su’aasha ah maxaa keenay in burburka iyo colaadda Soomaaliya ay dabadheeraato? Waxa uu qoraagu ku andacoonayaa in dhaqan siyaasadeedka madaxyaweynta siyaasadda ay keentay in Soomaaliya ay ku sii jirto xaaladdan iskadabo wareegga ah. Qaybta saddexaad oo ugu dambeeya waxa uu qoraagu ku soo bandhigayaa xalka mushkiladda Soomaaliya iyo sida lagu heshiisiin karo bulshada iyo dowladnimada casriga ah iyada oo la is waafajinayo haybta qabiilka, diinta, iyo Soomaalinimada. Sidoo kale, waxa uu soo gudbiyey qaaciddo uu ugu magacdaray xalka waara ee baahsan si Soomaaliya u xasisho, salkana dhulka u dhigato.

Buuggu kuma saabsana oo kali ah taariikhda hoggaamiyayaashii Soomaaliya soo maray balse waa isku darka taariikh siyaasadeed, lafogur hoggaamineed, deraasad ku saabsan dhaqan siyaasadeedka siyaasiyiinta maanta iyo in dood cusub laga furo dowlad-dhiska. Barfasoor Baadiyow marka uu soo faagayey taariikhda madaxdii hore ee dalka waxa uu ka dhex raadinaayey tusaalooyin iyo astaamo muujinaya hoggaaminta qayrul caadiga ah (exceptional leadership).

Farriinta muhiimka ah ee uu qoraaga dirayo, buuggana ku qoran waa in jiilka cusub loo diyaariyo hoggaaminta qayrul caadiga ah iyada oo la fahamsiinayo ciribta dhibaatada Soomaaliya. Si kale u dhig, in jiilka dambe iyo kuwa hadda jooga loo sameeyo tusaalooyin ay ku daydaan sida madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan, RW Cabdullaahi Ciise, iyo RW Cabdirizaaq Xaaji Xuseen. Barfasoor Baadiyow waxa ku doodayaa in badbaadada Soomaaliya ay ku jirto hoggaaminta qayrul caadiga ah. Laakiin ma uusan caddeynin sida lagu gaari karo iyo jidka loo mari karo hoggaaminta noocaas ah.

Buuggu waxa uu ku doodayaa in si khaldan loo fahmay mushkiladda Soomaaliya, lana fududeystay. Waxa uu naqdiyey culummada ku doodda in ciribta mushkiladda Soomaaliya ay tahay qabiilka. Barfasoor Baadiyow waxa uu miiska soo saartay dood ka duwan tan suuqa tiilay oo uu u bixiyey doodda ballaaran (Comprehensive Perspective). Waa dood dhibaatada Soomaaliya ku qeexeysa in ay ka soo bilaabatay is waafajin la’aanta afar arrimood oo kala ah: 1. Dowladnimo casri ah 2. Haybta qabiilka 3. Haybta Soomaalinimada 4. Islaamnimada. Qoraaga waxa uu qabaa in xalka Soomaaliya ay ku jirto in la heshiisiiyo afartaas arrimood ka dibna la baadigoobo hoggaamiye qayrul caadi ah isaga oo ka tusaale qaatay taariikhda hoggaamiyayaashii dalka soo maray. Sidoo kale, qoraaga waxa uu eedda qaran jabka iyo dowlad burburkii dalka dusha kaga tuuray kooxda xukunley ah ee loo yaqaano (Ruling class/political elites).

Doodaha ugu culus ee uu qoraagu miiska soo saartay waxaa ka mid ah in Soomaaliya aysan marnaba qaadi karin xukun ama nidaam dowlo oo ku dhisan majoritarianism (majoritarian rule). Laakiin xalka ugu macquulsan waxaa uu ku jiraa in muxaafad iyo mucaaradba ay iska dhex arkaan xukunka. Si kale u dhig, nidaam dowlo oo heshiis lagu yahay.

Meelaha uu qoraagu ka gaabiyey waxaa ka mid ah in uusan si fiican u qeexin ama u tilmaamin maxaa hoggaamiyaha ka dhiga qayrul caadi ah. Ma daacadnimo, waddaniyad, karti iyo hufnaan, aragti qaran mise natiijo waxqabad oo uu soo saaray ama ka tegay? Buuggu wuxuu bixinayaa tusaalooyin taariikhi ah, laakiin aragtida ah in Soomaaliya ay baadigoobeyso hoggaamin qayrul caadi ah lafteeda waxay u baahan tahay halbeegyo cad cad oo lagu cabbiri karo. Si kale u dhig, astaamaha qofka hoggaamiyaha ah iyo natiijada uu ka tego tee baa halbeeg u noqon karo hoggaaminta?

Dhaliilaha kale ee aan ka tilmaami karo buugga waxaa ka mid ah in qoraagu aad ugu fogaaday hoggaaminta shakhsiga ah, taas oo keentay in uu ka ilduufo muhiimadda ay leedahay in la helo hay’ado qayrul caadi ah oo wanaagsan. Waayo madaxdu way tegaysaa laakiin waxaa ka hari doono hay’adaha dowliga ah. Dooddu waxay tahay ma hoggaamiye wanaagsan mise hay’ado wanaagsan? Si kastaba ha ahaatee, doodda qoraaga ma xumo laakiin waxaa ka dhalan karta khatar ah in loo fahmo in laga maarmo hay’ado xooggan mar haddii la helo hoggaamiye qayrul caadi ah.

Ugu dambeyn, buugga waxa uu kaga duwan yahay buugta kale waa in uu si fiican u qeexay mushkiladda Soomaaliya sidoo kale miiska soo saaray xalka waara ee looga bixi karo walaahowga siyaasadeed ee aan ku soo dhex jirnay soddonkii sano ee la soo dhaafay. Waxa aan ku talinayaa in buugga Af Soomaali loo tarjumo si jiilka maanta ay uga faa’ideystaan, una fahmaan fikradaha ku dhigan. Sidoo kale, waxaan dhallinyarada xiiseyneysa siyaasadda iyo hoggaaminta dalka kula talinayaa in ay akhriyaan buuggan, marjac, iyo hage siyaasadeedna ka dhigtaan.

Xasan Mudane waa Aasaasaha iyo Maamulaha BPoL. Academy waxaadna ka heli kartaa: Mudanep5@gmail.com

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More