Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Dowladda Maraykanka ayaa mar kale adkaysay in xiriirka ay la leedahay maamulka Somaliland lagu sii wadi doono qaab-dhismeedka madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in muranka maqaamka iyo caqabadaha amnigu ay hor-taagan yihiin maalgashiga iyo ganacsiga caalamiga ah ee maamulkaasi doonayo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraynkanka ayaa u sheegtay Baarlamaanka dalkaas (Congress) in la shaqayn la’aanta Somaliland ee hay’adaha Qaranka Soomaaliya ay caqabad ku tahay in Washignton ay kala shaqayso horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo iskaashiga.

Warbixinta oo ah mid gaar ah oo loo diray koongareeska, ayaa lagu xusay, Inkastoo mas’uuliyiinta Somaliland ay dhiirrigeliyeen maalgashiga Maraykanka ee dhinacyada macdanta, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo horumarinta dekedda iyo garoonka Berbera si ay u noqdaan xarun ganacsi oo u adeegta Somaliland iyo Itoobiya, haddana warbixintu waxay farta ku fiiqday in caqabado waaweyn ay xaddidayaan iskaashigaas.

Gaar ahaan, khilaafka taagan ee ku saabsan maqaamka Somaliland iyo diidmada maamulkaas ee ah inuu la shaqeeyo hay’adaha dowladda dhexe ee Soomaaliya, oo ay weheliso cabsida amni ee ka jirta gobolka Geeska Afrika, ayaa caqabad toos ah ku noqday maalgashiga shisheeye, adeegyada bangiyada, iyo ganacsiga.

Dhanka amniga, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanku in Somaliland loo tixgeliyo hanaanka amni ee Soomaliya. Waxayna sheegtay safarrada ay mas’uuliyiinta dowladda Maraykanku ku tagaan Somaliland lagu dabaqo shuruudaha adag ee amniga ee ka jira Soomaaliya inteeda kale, taas oo khasab ka dhigaysa isticmaalka diyaarado aan ganacsi ahayn iyo tallaabooyin amni oo qaali ah.

Warbixintan rasmiga ah oo loo gudbiyay Kongareeska Maraykanka oo cinwaankeedu yahay “Meelaha Suurtogalka ah ee Lagu Horumarin Karo Xiriirka Maraykanka iyo Somaliland” (Report to Congress on Potential Areas for Improved United States Engagement with Somaliland), ayaa lagu caddeeyay in inkastoo Washington ay sii wado sahaminta fursadaha wada-shaqayn ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, haddana aanay jirin wax isbeddel ah oo ku yimid mowqifkeeda rasmiga ah ee Soomaaliya.

Warbixintu waxay si cad u xustay in Maraykanku aqoonsan yahay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo ay ku jirto gobolka Somaliland, isla markaana qaab-dhismeedkaas dhexdiisa uu Maraykanku kula leeyahay xiriir wanaagsan oo wax ku-ool ah.

Xogta qiimaynta xaaladaha Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanku la wadaagtay aqalkooda Baarlamaanka ayaa meesha ka saaraysa doodda ay qabaan madaxda Somaliland, waxaana si cad loogu xidhay inay la shaqeeyaan hay’adaha Qaranka Soomaaliya si looga caawiyo horumarinta dhaqaale una helaan taageerada Washignton.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More