Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa Mukhtaar Sheekh Axmed Cabdulle u magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Labaad ee Dowladd gobleedka Jubaland, xilkaas oo muddo ku dhow 17 bilood bannaanaa, kaddib geeridii Suldaan Lugadheere oo xilkan hayay, kaas oo geeriyooday 28-kii Juun 2025.

Mukhtaar Sheekh Axmed Cabdulle ayaa ah ganacsade si weyn looga yaqaan deegaannada Jubaland, wuxuuna ka mid yahay ganacsatada maamulkaas. Waxa uu sidoo kale xiriir dhow la lahaa Madaxtooyada Jubaland, isagoo dhowr jeer kaalin ka qaatay abaabulka iyo uruurinta dhaqaale ay Madaxtooyadu uga baahatay ganacsatada.

Magacaabistan ayaa soo afjareysa muddo dheer oo xilka Madaxweyne Ku-xigeenka Labaad uu bannaanaa, xilli ay jireen siyaasiyiin iyo shaqsiyaad dhowr ah oo doonayay in loo magacaabo xilkan, kuwaas oo ka kala socday dhinacyo iyo kooxo kala duwan oo siyaasadeed.

Mudada 17-kaas bilood ah, magacaabista xilkan ee maanta ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo deegaanada Jubaland, iyadoo tira badnida musharrixiinta xilkaas raadineysay ay ka mid eheyd sababaha dib u dhigay dhowr jeer go’aanka Madaxweynaha, sida ay tilmaamayaan xogaha laga helayo madaxda maamulka.

Dhinaca kale, Siyaasiyiin ayaa qaba in magacaabistan ay sidoo kale la xiriirto khilaafaadka siyaasadeed ee bilihii u dambeeyay soo jiitamayay oo u dhexeeya Madaxweyne Axmed Madoobe iyo ku-xigeenkiisa koowaad, Maxamuud Sayid Aadan.

Khilaafka labada mas’uul ayaa la sheegay inuu salka ku hayo kala aragti duwanaanshaha ku saabsan habka loo wajahayo xaaladda gobolka Gedo iyo sida loo maareynayo arrimaha siyaasadeed iyo maamul ee halkaas ka taagan. Maxamuud Sayid Aadan ayaa la sheegay inuusan ku qanacsanayn qaabka uu Madaxweyne Axmed Madoobe u maareynayo xaaladda gobolkaas.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More