Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Muddo xileed sharciyeeysan oo 4 sano ah iyo dheeri aan sharciyad haysan, miyeysan ku filneen in lagu hirgeliyo ballanqaadkii Soomaali heshiis ah? Dunidu ha inoo dambeysee.

Balanqaadkaas oo ku beenoobay Raas Kambooni, ku beenoobay Baydhaba, ku beenoobay Barmuuda, ku beenoobay Marinaayo, kuna beenoobay miisaska wadahadalo bilaa natiijo ah. Dhacdooyinkaas dhamaantood waxay gudcur ku rideen khayaali  4 sano kahor cinwaan looga dhigay Soomaali Heshiis ah.

Luuqadda Soomaaliga waxay ka mid tahay luuqadaha ugu qanisan oo waxaad ka heleysaa oraahyo, murti iyo maahmaahyoka turjumaya xaaladaha is bedbedela ee nolosha.

Mida igu soo dhacdey ee aan rabo inaan maqaalkeygakan kuxuso kana turjumeysa xaaladda dhabta ah ee Soomaaliya maanta waxay tahay; nin ayaa waxaa isha iyo salka oga taagnaa waran ama fallaar kaddib waxaa lagu yiri mideen kaa bixinaa, isna wuxuu ku jawaabay bal midda salka iga baxsha aan fariistee. Taas oo loo fasiran karo bal Soomaali heshiis ah keena dowladnimada ha inoo sal dhigatee.

9-ka Bisha Abriil ee sannadkan waxaa loo dabaaldagay imaanshiyaha markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey taas oo shacabka gelisey rajo iyo ifafaalo horumar iyo dowladnimo.

Muddo yar kaddib, 3-da Juunyo waxaa weerar lagu qaadey madaxhore oo ku sugnaa hoygooda ku kala yaala Barmuuda iyo Mirinaayo. Midaas oo horseeday in rajadii shacabka burburto oo ay arkaan wax u eg dagaal sokeeyo iyo xasuuso hore oo mugdi ah.

Shacabka waxay mar kale arkeen hubkii iyo awoodii ciidanka halkii dalka lagu xoreyn lahaa bedelkeed la siyaasadeeyey oo laga doorbidey in lagu weeraro siyaasiyiinta ka fakarka duwan ha joogeen Raas Kambooni, Baydhaba ama Caasimadda.

Haddaba Madaxweyne Hore Xasan Sheekh Maxamuud waxaa laga diiwangeliyey oraah caan baxday oo ahaydSoomaaliheshiis ah, dunida heshiis la ah”. Bal dunida ha inoo dambeysee, yaa meel ku sheega Soomaalida heshiiska ah xiligan hadda la joogo?

26-ka Juunyo iyo 1-da Luulyo waxaa loo dabaaldagay madaxbanaani iyadoo madaxda qaar ay makrafoonka kaga dhawaaqeen ereyo dhegaha uroon laakiin aan waaqica la jaanqaadi karin ay ka mid yihiin xornimo iyo midnimo.

Aaway midnimo? Yaa mideysan? Ma inta Villada ku xareeysan mise Soomaali mideysan ayaa jirta?

Halku dhigga ololahii 2022 ee Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu xambaarsanaa rajo weyn oo ku qotonta horusocod, nabadeyn, isu tanaasul, heshiis bulsho, mid siyaasadeed iyo in khilaafaadka siyaasadeed lagu xaliyo miiska wada-hadalka, halkii lagu xalinlahaa xabsi, awood ciidan, cadaadis iyo iska hor imaadyo sababikara dhaawac iyo dhimasho.

Tilaabooyinka noocan oo kale waxay horseedi karaan colaado iyo dagaalo sokeeye ay xakameynteedu adagtahay, fahamka arinkaasna uma baahna qubaro, cilmi gooni ah ama PhD.

Walow aan aragnay in qof PhD haysta uu u dhaqmi karo sida hogaamiye kooxeed ku dhex dagaalama shacabka, rida hoobiye, barakiciya maatada, faagta qabuuraha, xaraasha hantidii qaranka.

Khilaafyada ka dhashay wadatashi la’aanta iyo go’aammada halka dhinac ah waxay dalka u horseedeen burbur siyaasadeedoo ay kamid yihiin:

Intii nidaamka federaalka isla ogoleed oo kala awdan,

Saamileyda siyaasadda aan heshiis ku ahayn doorasho iyo dastuur midna,

Puntland oo gebi ahaanba xiriirka u jartay Dowladda Dhexe,

Weerarada Jubbaland, Baydahaba iyo guryaha madax qaran ee hore,

Isra’iil oo ku xadgudubtey madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,

Cirro oo Talaabiib ka degay, Qudusna Safaarad ka furey, yirinaAm Yisrael Chai”.

Su’aasha waxay tahay Soomaaliya ma ku socotaa dhabihii Soomaali heshiis ah, mise waxay ku socotaa kala fogaansho iyo burbur hor leh?

Dhalinyaro badan maanta waxay ka wayn yihiin da’dii dowladdii dhexe burburtay.

Aniga iyo qaar badan oo ila jiil ah waxaan ku dhalanay, ku kornay, welina ku nool nahay dowlad la’aan, inagoo weli rajo kaqabna in maalin uun helno dowlad xasiloon, Soomaali heshiisah, mid ah.

Waxaan kaloo u baahannahay inaan marka hore helno dowlad salkeena ka saarta fallaarta, kaddib u jiheysata sidii ay fallaartaisha nooga saari lahayd.

Iyadoo caqabadaha jira xal loo helin waxa keliya ee noo muuqda waa Soomaali heshiis ah ahayn.

W/Q: Kamal Hassan.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More