Muddooyinkii u danbeysay waxaa suuqa siyaasadda Soomaaliya ku jiray eray caan baxay kaas oo ah “Bixinta karaka (Card-ka) Musharaxnimada” ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee Maamuladda Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo Hirshabelle. Markii Dowladda Federaalka ay soo bandhigtay nidaamka kaarka musharraxnimada ee qofka noqonaya Hogaanka Mamuladaas, mucaaradku waxay ku tilmaameen tallaabo khatar ku ah furfurnaanta siyaasadda iyo xuquuqda muwaadiniinta. Waxay ku doodeen in dowladdu aysan lahayn awood ay ku kala saarto cidda siyaasadda geli karta iyo cidda aan geli karin. Taas oo dad badan u riyaaqeen doododa ku saabsan xoriyadda saaxadda siyaasadda.
Maanta se waxaa muuqata sawir kale. Isla kooxihii diidanaa in dowladdu bixiso “kaarka musharraxnimada” ayaa hadda wada qorshe lagu aqoonsanayo cidda xaqa u leh inay ku hadasho magaca mucaaradka iyo cidda aan xaqa u lahayn. Su’aashu waxay tahay: maxay ku kala duwan yihiin labada kaar? Kii Dowladda iyo kan Mucaaradka.
Soomaaliya Ma Waxay Ku Sii Socotaa Siyaasadda Ruqsadaha?
Haddii dowladda lagu eedeeyay inay siyaasadda u beddeshay nidaam ruqsado lagu bixiyo, muxuu yahay farqiga u dhexeeya taas iyo in mucaaradku bixiyo “kaarka mucaaradnimada”? Haddii mabda’a la difaacayay uu ahaa furfurnaan siyaasadeed, waa inuu qof walba quseeyaa; haddii kale wuxuu isu beddelayaa dano kooxeed oo keliya.
Waxaa jirta dood qaran oo mudan in la isweydiiyo: Soomaaliya ma waxay u guureysaa nidaam ay koox walba sameysaneyso albaabkeeda gaarka ah, kadibna ay iyadu go’aaminayso cidda soo geli karta? Dowladda waxay rabtaa inay aqoonsato musharraxiinta kahor inta doorashada lagaarin, mucaaradkuna wuxuu rabaa inuu aqoonsado cida mucaaradka noqoneysa e wada hadalada doorashada ka qeybgalaya. Labaduba waxay ku tartamayaan cidda leh awoodda bixinta shahaadada siyaasadeed.
Mucaaradku wuxuu xaq u leeyahay inuu is abaabulo, sida dowladduna xaq ugu leedahay inay nidaam dejiso. Laakiin labada dhinacba ma laha xaq ay ku go’aamiyaan cidda keliya ee matali karta shacabka Soomaaliyeed. Awooddaas waxaa iska leh shacabka iyo dastuurka, mana aha gole siyaasadeed ama koox dano gaar ah leh.
Waxa ugu yaabka badan ayaa ah in dooddii shalay lagu weerarayay Villa Soomaaliya maanta lagu difaacayo hoolalka mucaaradka. Weedhihii laga sheegayay “xannibaadda siyaasadda”, “cid gaar ah oo go’aaminaysa ka-qaybgalka”, iyo “kooxaysiga awoodda” ayaa maanta dib ugu soo laabanaya jihadii kale.
Soomaaliya waxay u baahan tahay doorasho lagu heshiiyo, ma aha kaarar lagu kala saaro dadka siyaasadda ku jira iyo kuwa soogali kara. Waxay u baahan tahay tartan furan, ma aha ruqsado siyaasadeed oo koox walba gacanteeda ku samaysato. Haddii mucaaradku ka heshiin wayaan is haysiga dhexdooda ah, waxay fursad mar la arag u tahay dhanka Dowlada taas oo sababi karta in wada hadaladu sii daba dheeradaan.
Taariikhdu waxay xusi doontaa in dhibaatadu aysan ahayn kaarkii musharraxa ama kaarkii mucaaradka, balse ay tahay dhaqanka siyaasadeed ee rumaysan in awoodda lagu ilaashan karo albaabbo la xiro halkii lagu kasban lahaa kalsoonida shacabka.
W/Q: Cabdifataax Faarax Cabdi

