Bishii Abriil ee 2021-kii ayay ahayd markii Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo mucaarad ah lagu weeraray xaafadda Marinaayo ee Waqooyiga Muqdisho. Waa muddo kaddib kolkii dawladdii madxweyne hore Farmaajo ay ka shaqaysay in ay muddo kororsi sameeyaan. Waxa ugu weyn ee ay mucaaradku waqtigaa ka qaylinayeen waxa uu ahaa in Farmaajo xukunka sii dheeraysto iyada oo aan lagu heshiin, waxa ayna abaabul ciidan oo ay horboodayeen laba madaxweyne, Shariifka iyo Xasan, ka sameeyeen Muqdisho. Xilligaa ka horow Febraayo 2021 ayaa ay midowga musharixiintu soo abaabuleen bannaanbax looga soo horjeedo muddo kororsigaas. Maalinkaa loo ballansanaa bannaanbaxa waxa ay badi murashixiintu u soo dhawaadeen goobta bannaanbaxa oo ahayd Daljirka, iyada oo ay sabab u ahayd cabsi laga qabo in ay dawladdu bandow ku soo rogayso magaalada oo ay waddooyinka oo dhan xirayso, waa ayna dhacday. Xasan iyo Shariif Xasan waxa ay degeen hoteel Maaida, halkaas ayayna hawlaha badidood ka abaabulayeen. Ka hor inta aanu dhicin bannaanbaxu ayayse dawladdu ku weerartay hoteel Maa’ida, sida la sheegay, inaksta oo uu Madaxweyne hore Farmaajo gadaal ka sheegay in ay Maa’ida xabadi ka dhicin. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhacdooyinkaas ka waramayana waxa uu yidhi, “Waxaa maalintaa isoo wacay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxuu igu yidhi xabad kasta oo aniga iyo Shariif nagu socota waxaa ka muhiimsan in uusan mudaharaadkii baaqan.” Waxa uuna intaa ku darray, “Aad ayaan kaaga mahadcelinayaa in aad maanta na furatay.”
Shan sanno kaddib, waxaa mudaharaad soo abaabulay mucaaradka ama murashaxiinta madaxtinimada dalka, waxaase isbeddelay in Madaxweyne Xasan Sheikh oo mucaarad ahaa uu hadda yahay madaxweynaha dalka iyo qofka lagu mucaaradayo, Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo ahaa kii shan sanno ka hor lagu mudaharaadayayna uu maanta isagu boorinayo mudaharaadka iyo xaqa shacabka, sidoo kale waxaa isbeddelay mawduuca mudaharaadka, awal waxa uu ahaa muddo kororsi haddase waa arrimo dhul, qodobkan oo uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur si waadaxa u adkaynaya ayaa ku sheegay la dirir dhul boob, waxa uuna tilmaamay in shan sanno ka hor ay Farmaajo isku haysteen xukun, laakiin Xasan ay isku haystaan “dadka masaakiinta ah ha barakicin”. Waxa aan isbeddelin waa matalayaashii uu ugu horreeyo Shariifku iyo murashaxiinta kale, kolka laga reebo Xasan iyo Maxamed oo Villada isku beddelay.
Sheikh Shariif waxa uu u hoyday habeen hore oo ay bishu ahayd May 9, 2026 xaafadda Marinaayo oo shan sanno ka hor lagu weeraray Madaxweynaha hadda xilka haya ee Xasan Sheikh Maxamuud. Wadahadal aan daadihinayay oo ay qabatay Dhaqdhaqaaqa Gurmad Qaran ayuu Madaxweyne hore Shariif Sheikh Axmed iigaga jawaabay su’aal ku aadanayd jawiga mudaharaadka ee ay u ballansanaayeen, waxa uuna sheegay in isla tabtii loo weeraray Xasan ay ciidanka dawladda ee uu Madaxweyne Xasan hoggaamiyo ay jidgooyo iyo ciidan ugu daabushay guriga Shariifka, una xannibay cidda u galaysa, waxa uuna yidhi, “Annaga waa nala yaqaanaa, dagaal uma socono … caawa [May 9] magaalada meesha aan ka deganahay waa la wada xidhay oo caraa [ciid] lagu jaray, ciidamaa la soo tuuray, haddana waxaa naloo sheegay in ciidamo kala duwan la soo wado, beebayaal jidadka lagu xidhayo.” Waxa uu intaa ku daray Sheekh Shariif, “Annaga oo wadahadallo kula jirna bulshada rayidka ah oo ay dawladdu soo dirtay, ayaa xildhibaano aniga ii socday waxa laga qaatay kaamirooyin, waxaa laga qaatay alaab ay wateen, baabuurtoodii waa la xayiray, dhawr xildhibaan [oo kale] oo ii soo socdayna baabuuroodii waa laga celiyay gurigayga in ay soo gaaraan. Marka, aniga waxaa ii muuqata nidaamkaan hadda jira ee sii dhammanaya wuxuu u socdo waa in uu dhiig daadiyo. Fursaddaan waxaan doonayaa in aan uga faa’idaysto in aan dhoho; war hoy dhiig ha daadina.”
Shalay kolkii uu waagu dillaacay, wax aay mucaaradku isku raaceen in mudaharaadka lagu qabto goobtii loogu talagalay. Xubnihii isu qaybiyay magaaladana waxa ay u soo dhaqaaqeen goobtii mudaharaadka, balse waxa ay qaar badan oo musharixiinta ka mid ahi sheegeen in la is hortaagay oo aan loo ogolaan in ay u soo dhaqaaqaan dhanka garoonka koonis, sidoo kale, Dayniile oo ay ka soo dhaqaaqeen shacab weyne badan ayay dawladdu xabad ku kala eriday sida ay muujinayaan muuqaalo la baahiyay, Raysalwasaare hore Xasan Cali Khayrena waxa uu sheegay in ay dhaawacyo iyo dhimasho ay jiraan. Weli xiisaddu waa ay taagan tahay, labada dhinacbana waxa ay eedda saarayaan dhinaca kale.
Maxay adiga kuugu muuqataa, maxaa isbeddelay shan sanno kaddib?
W/Q: Axmed Sanwilwilo

