Madaxweynaha laga qabsaday Baydhabo ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa shaaca ka qaaday arrin xasaasi ah oo la xiriirta musuq-maasuqa ku dhaca lacagaha uu Bangiga Adduunku siiyo maamullada dalka, isagoo sheegay in qayb ka mid ah lacagahaas dib loogu celin jiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Cabdicasiis oo marti ku ahaa Wadashakaysiga GeedFadhi ee warbaahinta Somali stream iyo Kaartalk ka baxa ayaa si cad oo furan markii ugu horraysay banaanka u keenay daahfurnaan la’aanta iyo musuqa haleela lacagaha adduunku ku kabo dalka Soomaaliya.
Lafta-gareen wuxuu sheegay in maamullada taabacsan dowladda Federaalka lagu qasbi jiray inay dib u celiyaan lacago gaaraya min hal milyan oo doolar, taas oo uu ku tilmaamay mid sharci-darro ah. Wuxuu xusay in lacagta kabka miisaaniyaddu marka ay ku dhacdo akoonnada maamullada, lagu amri jiray inay dib ugu diraan Madaxweynaha Soomaaliya lacag hal milyan oo doolar ah. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in habkan uu ahaa mid musuq-maasuq oo aanay ka warqabin Bangiga Adduunka.
“Lacagta Budget Support-ga ee Bangiga Adduunka bixiyo sanadkiiba mar ayaa dib nalooga sii qaadi jiray. Waxaa nala dhihi jiray ‘midkiinba hal milyan bixiya, dagaal ayaa lagu jiraa’; haddii aadan bixinna malyaankaas, lacagta kabka ah laguma siinayo. Si tuuganimo ah ayaan ugu celin jirnay, Bangiga Adduunkana arrintaas kama warqabin,” ayuu yiri Lafta-gareen.
Eedeymaha loo soo jeediyay Madaxweyne Xasan
Madaxweynaha laga qabsaday Koonfur Galbeed ayaa qiray in lacagta kabka miisaaniyadda ee Bangiga Adduunku ku taageero Soomaaliya ay gasho gacan shaqsi, isagoo caddeeyay in loo adeegsado qaab ka duwan sidii loogu talagalay. Wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Xasan inuu lacagtaas u adeegsado dhibaataynta dadka Soomaaliyeed iyo burburinta hay’adaha dowlad goboleedyada.
Lafta-gareen ayaa xusay, intii uu ku guda jiray wadasheekaysiga Geed-Fadhi, in lacagtaas darteed ugu hoos jireen gacanta Madaxweyne Xasan, isagoo tilmaamay in kabka miisaaniyadda loo isticmaali jiray hub lagu cadaadiyo maamulkiisa.
Baaq uu diray Beesha Caalamka
Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa ugu baaqay beesha caalamka iyo Bangiga Adduunka inaysan sii wadin lacag hal shaqsi gacantiisa ku dhacaysa, taas oo loo adeegsanayo dhibaataynta bulshada halkii ay wax ka tari lahayd baahiyaha adeegyada dowladeed.
Warkan ka soo baxay Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa taageeraya warbixin gaar ah oo Somali Stream horay u daabacday, halkan ka daawo, taas oo lagu kashifay meertada musuq-maasuqa ah ee ay marto lacagta kabka miisaaniyadeed ee lagu taageero Soomaaliya.

