Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Wafdi heer sare ah oo ka socda Somaliland ayaa booqasho diblomaasiyadeed ku jooga dalka Eswatini (oo horay loo oran jiray Swaziland). Socdaalkan ayaa la xiriira dadaallada ay Somaliland ugu jirto raadinta aqoonsi caalami ah iyo xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka ku yaalla Koonfurta Afrika.

Sida ay xogtu sheegayso, wafdigan waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland. In kasta oo saraakiil ka tirsan xukuumadda Somaliland oo diiday inaan magacooda xiganno ay xaqiijiyeen jiritaanka wafdigan, haddana waxay ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan magacyada xubnaha wafdiga iyo qorshaha rasmiga ah ee ay halkaas u tageen.

Xiriirka labada dhinac

Dalka Eswatini waxa uu caan ku yahay inuu yahay dalka keliya ee qaaradda Afrika ka tirsan ee aqoonsan madax-bannaanida Taiwan. Sannadihii ugu dambeeyey, waxaa soo kordhayay xiriirka hoose iyo iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Eswatini, iyadoo labada dhinacba ay u muuqdaan kuwo wadaaga dano siyaasadeed oo isku mid ah.

Ilaha xogteenu waxay intaas ku darayaan in Somaliland ay hadda ku jirto xilli ay waddo dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo ballaaran. Marka laga tago Eswatini, Somali Stream waxay dabagal ku haysaa warar sheegaya in Somaliland ay xiriirro qarsoon oo dhanka aqoonsi raadiska ah la leedahay dalal kale oo dhowr ah.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More