Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa markii ugu horreysay soo saaray digniin culus oo ku aaddan jihada ay u socoto siyaasadda dalka, isagoo si dadban u tilmaamay inay jirto kalsooni darro soo kala dhex gashay saaxiibadii siyaasadda ku midoobay.
Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Sanbaloolshe ku sheegay in qaabka ay hadda wax u socdaan aanay ahayn mid sax ah, wuxuuna ku baaqay in isbeddel degdeg ah lagu sameeyo hannaanka hadda lagu jiro.
“Xaaladda siyaasadeed ee dalka sida lagu wado sax ma ahan. Haddii aan wax laga beddelin dad horay iskula socday kuma sii wada socon karaan sidaan.” Ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe.
Hadalka Xildhibaanka ayaa imaanaya xilli xasaasi ah, waxaana muuqata inuu fariin u dirayo madaxda sare ee dalka, taasoo ka dhigan in xulafadii hore ee siyaasadda ay hadda wajahayaan kala fikir duwanaansho dhinaca hoggaanka iyo maamulka xaaladda dalka ah.

