Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Kaddib markii uu dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, safar qarsoodi ah oo ilaa hadda aan xogtiisa rasmiga ah la shaacin, Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa bilaabay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo xidhiidho is-daba-joog ah.

Xidhiidhadan ayaa u dhexeeya Laftagareen, saaxiibadiisa hore ee xisbiga JSP, iyo dhinacyada kale ee saamaynta ku leh siyaasadda dalka.

Warbixintan wwxaa ku eegaynaa wada hadallada dhacay, shuruudaha Laftagareen iyo quusta Vila Somaliya.

1. U-kala-dabqaadista Villa Somalia iyo Koonfur Galbeed

Xog hoose oo ay heshay Somali Stream ayaa muujinaysa in uu jiro wadahadal bilow ah oo ujeeddadiisu tahay in la isku soo dhoweeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiye Cabdicasiis Laftagareen. Wadahadalkan oo ku qabsoomay khadka teleefanka, waxaa garwadeen ka ahaa saaxiibo ku dhow labada dhinacba oo xiriir la leh, kuwaas oo isku dayayey in ay dib u soo celiyaan isfahamkii iyo wadashaqayntii ka dhexaysay labada mas’uul.

Si kastaba ha ahaatee, xogta aan helnay ayaa xaqiijinaysa in Madaxweyne Laftagareen uu mawqif aad u adag ka istaagay wadashaqayn kasta oo mustaqbalka dhexmarta labada dhinac, isagoo miiska soo saaray afar shuruudood oo aan gorgortan geli karin, kuwaas oo kala ah:

1. Xil-ka-qaadis iyo La-xisaabtan: In si degdeg ah xilka looga qaado, baaris iyo la-xisaabtan dhab ahna lagu sameeyo labada Wasiir ee kala ah Cabdulqaadir Maxamed (Jaamac) iyo Xasan Xuseen (Eelay)2. Arrimaha Dastuurka: In si rasmi ah looga laabto isbeddellada lagu sameeyay dastuurka, dibna loogu laabto heshiiskii iyo dastuurkii qabyada ahaa ee sanadkii 2012.
3. Doorashooyinka Maamul Goboleedyada: In Dowladda Federaalku ay si cad u fasaxdo in Dowlad Goboleedyada kale ay qabsadaan doorashooyinkooda ka hor 15-ka May.
4. Shirka Wadatashiga Qaranka: In kaddib marka qodobadaas la fuliyo, la isugu yimaado magaalo dhexdhexaad ah sida Dhuusamareeb si looga wadahadlo nooca ay noqonayso doorashada heer Federaal ee dalka ka dhacaysa.

Jawaabta Villa Somalia iyo Quusashada Mucaaradka Laftagareen

Intii lagu jiray wadahadalka dhinaca matalayay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyay inay ka xun yihiin wixii dhacay, iyagoo muujiyay diyaar u yihiin wadashaqyan cusub oo ay dib isugu soo laabanayaan, balse waxaa gabi ahaanba arrinkaas gashaanka ku dhuftay Madaxweyne Laftagareen ilaa shuruudihiisa laga fulinayo.

Dhanka kale, magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan ay yeesheen qaar ka mid ah siyaasiyiinta Koonfur Galbeed, labada Wasiir (Eelaay iyo Jaamac), iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Kulankan ayaa lagu laf-guray isku-daygii fashilmay ee ahaa in talada looga tuuro Cabdicasiis Laftagareen. Wararka ayaa sheegaya in kooxdan ay isla qaateen in la raadiyo farsamooyin cusub iyo waqti kale, maadaama qorshahoodii hore uu u muuqdo mid gebi ahaanba fashilmay.

War-saxaafadeed Adag oo Socda

Sida aan ogaannay Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa qorshaynaya inuu saacadaha soo socda soo saaro war-saxaafadeedkii koowaad ee uu kaga hadlo isbaddalka uu qaatay.

Qoraalkan ayaa la filayaa inuu ku qoran yahay luuqad aad u adag oo ka turjumaysa xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan masiirka Koonfur Galbeed, taas oo fariin cad u noqon doonta jihada siyaasadeed ee uu dalku u socdo.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More