Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

W/Q: MAXAMUUD CALI AADAN HOORRI

MUCDA QORMADA 

Ummad kasta oo jirrab iyo hantaawilif ka muuqdo waa bulsho ilaashan weydey haybteeda afeed, bedqabkeeda sooyaal, dhaxalkeeda isirnimo, toosnaanteeda diimeed, cududdeeda ciidan, karaamadeeda dadnimo, hab-dhaqankeeda akhlaaqeed iyo kobaceeda dhaqaale. Haddaba, kolka uu afku ka badbaado dhalan-rogga, barabixidda, barxidda iyo dhimaalka, uuna helo bedqab iyo ilaalin (language security)waxa badbaadaya kasmada iyo kasiista qofka (intellectual security). Sidaas darteed, haddii la helo bedqab afeed iyo mid fikir ba, waxaa la heli karaa bedqab qaran (national security).

Mushkiladda qormadani, (Research problem) lagu bidhaaminayo iyo weyddiinta ay ka jawaabeyso waa; kaalin intee le eg ayey suugaantu ku leedahay bedqabka qofka Soomaaliga ah iyo ilaalinta qarannimada? Sidoo kale, suurtagal ma tahay in la soo bandhigo tusaalayaal muujinaya doorka suugaanta Soomaaliyeed ku leedahay qaabaynta qofka Soomaaliga ah haybtiisa (identity).  Qiimaynta maaddada suugaanta dugsiyada sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia (JFS) sida ay tahay iyo sida laga rabay? Ma tahay mid ka turjumeysa dib-u-dhiska dalka & dadka, nabadda, horumaraka bulshada, foolxumada xagjirka, nacaybka iyo hurgumada qabyaaladda, hoggaaminta, cadaalladda, fahanka doorashooshinka, xeerarka iyo heshiisyada dalka u qoran iyo ilaalinta danaha qaranka Soomaaliyeed.

Ujeeddada (Objectives) bidhaamintani waa  in la iftiimiyo kaalinta suugaantu ku leedahay dhowridda jiritaanka bulshada iyo ilaalinta danaha qaranka. Waxa kale oo iyana mudan in lagu soo bandhigo in ay suugaantu tahay mareegta iyo giraanta lagu kaydin karo afka, caadooyinka, dhaqanka, ciyaaraha, farshaxanka, hiddaha, fanka, taariikhda iyo hoggaaminta wanaagsan.  Natiijada (results) qormadan ayaa tilmaamaysa in suugaantu tahay halbowlaha isku haya xidhiidhka ka dheexaya bulshada Soomaaliyeed iyo in suugaantu tarmiso afka hooyo, jihayso aragtida dadweynaha, keydiso dhaxal-dhaqameedka hoggaamineed. Sidoo kale, suugaanta lagu dhigto dugsiyada sare ayaa ah mid u janjeerta; dhaqanka miyiga— raacatada iyo waayaheeda—, kana fogtahay la jaanqaadka nidaamka dowladniamda casriga ah. Sidoo kale, suugaanta lagu dhigo Dugsiyada Sare ee dalka  ayaa ah mid ka fog nololmaalmeedka ardayga Soomaaliga ah.

Qormadan kooban, ayaa ku talabixinaysa (recommendations); in la sameeyo cilmibaaris lagu sahminayo natiijada iyo yoolka laga rabo ardayga baranaya afka iyo suugaanta. In casriyayn lagu sameeyo suugaanta lagu baranayo dugsiyada sare sida; riwaayadaha, sheekooyinka, gabayada, geeraarada, sheeka-faneedda iyo heesaha ku jira manhajka. In ay keeni karto cufnaanta iyo kakanaanta ku jirta suugaanta sida; dhismaha ereyada, dhuxidda dulucda ujeeddaada guud ee maansadu xanbaarsantahay dib-u-dhac waxbarasho, qallooc fahan, gaaggax-maskaxeed iyo gudasha la’aan waajib qaran.

 HORDHAC

Suugaantu waa hogorka “weelka” keydiya dhaqanka, hiddaha, haybta, sowraca firka, fanka, masraxa, anshaxa, caadooyinka, degelbaarka, raad-raaca, muyuusigga, ciyaaraha fardafuulka, dhugtanka, xeer-dhaqameedka, aqoonta deegaanka, cilmiga xidaarka, ilbaxnimada iyo taariikhda ummadi leedahay. Sidoo kale, suugaantu waxa ay kaalin mug leh ku leedahay bedqabka qofka Soomaaliga iyo ilaalinta qarannimada. Haddaba, in qofka Soomaaliga ah lagu ilaaliyo seeraha danaha qaranka iyo xayndaabka ummadnimo waa qorshe dowladeed oo mudan in dhinacyada laga istaago.

Marka aan ka hadleyno laan-cilmiyeedda suugaanta; labeenta iyo miidda hadalku waa godlashada hal-abuurka iyo burqashada suugaanyahanka mudhbaxay. Fahanka, dhuuxidda, falanqaynta iyo faaqidaadda gunta gabayga, seeska masafada, nuxurka shiribka, cuddoonaanta guurowga, quruxda jilitaanka, xuddunta geeraarka, madiixa giishka, dananka heesaha, lafagurka iyo gorfaynta tiraab-suugaaneedda iyo jaadadka kale ee badweynta fanka iyo suugaanta ayaa ah tiirarka iyo kaabayaasha dhaabadda u ah jihaynta bulshada iyo ku hoggaaminta dowga dowladnimada mira dhasha.

IFTIIMIN

Qomadani, waa mid kooban, wax uunna ka tilmaamaysa aqoonta la xidhiidha lafagurka iyo gorfaynta suugaanta si guud iyadoo bidhaaminayo maaddada suugaanta dugsiyada sare ee Jamhuuriyadda: sida ay tahay iyo sida laga rabey? Sidoo kale, waxa ay tibaaxeysaa aqoonta derista fanka  lagu ogaado faaqidaadda iyo naqdinta oraal-suugaaneedka (النص الأدبي) ee ku jirta manhajka dugsiyada sare.  Cilmiga Lafagurka Suugaantu waa laan cilmiyeed aad u baaxad weyn oo si ama siyaalo cilmiyaysan u faaqidda, una lafagurta suugaanta taas oo aanay cid kastaa  qaban karin.  Waa laan cilmiyeed isku hawsha kala furfuridda iyo falanqaynta suugaanta sida; dhismaha, nuxurka, farshaxanka, afmaldahyada, aftahamada, farriinta iyo ujeeddada.

 Lafagurka suugaantu waa lafdhabarta isku xiriirisa ujeeddooyinka daahsoon ama durugsan ee hal-abuurka iyo fahanka dadweynaha.  Marka aan lafagurayno jaad ka mid ah jaadadka suugaanta, waxaa habboon  in aan isku akhrinno waayihii ay ku curatay iyo duruufihii ku gadaannaa. Marka laga faalloonayo badweynta cilmiga lafagurka suugaanta waxa laga dhaxlaa ama la gunaynsan karaa ricirradan soo socda sida;

  • In la tilmaamo, farta lagu fiiqo “ma jiraa hab ama qaab laga rabey suugaanta dugisayada sare lgu dhigto? Marka la ogaado, jawaabcelnta weyddiintaas ayaa waxa inoo soo baxaysa su’aasha ah imina, hadda sidee bay tahay suugaanta lagu dhigaa dugsiyada sare?
  • Iftiiminta oraah-suugaaneedda ama nas-suugaaneedka  qofka laga werinayo, laga qorayo, laga qiimaynayo iyo kan loo tiirinayoba iyo qaabka loogu xirayo nolosha casriga ha.
  • In bartaha loo bisleeyo, lana siiyo suugaan la buushabixiyey, la quraaray, la saxartiray, la lafaguray dhan kasta ba laga istaagey.
  • In daaha laga qaado macnaha qarsoon ee suugaantu xanbaarsantahay iyo in la tilmaamo ujeeddooyinka maangalka ah iyo kuwa aan ahayn ba.
  • In la sahmiyo aragtiyaha suugaanta u gaarka iyo muujinta waxsoosaarka natiijada ka dhalan karta dhambaalka suugaanyahanka  tix iyo tiraabba.
  • In si fudud loo ogaado hilinnada iyo dowga loo mari karoiskuullada (madaahibta) iyo  ma’baaddida guud ee Cilmiga Lafagurka
  • In la juheeyo habweynta suugaant, iyadoo aan la dhaawacay xorriyadda hal-abuurka iyo suugaanyahanka kala duwan.

 BIDHAAMIN

 Kaabayaasha, agabka iyo hababka  aan u deegsanney  iftiiminta qormadan kooban waxa ka mid ah; waraysi  kooban (Interview) oo aan la yeelannay tiro macallimiin ah, qiimayn aan ku samaynay bugaagta manhajka lagu dhigto dugsiyada sare ee dalka maaddada af Soomaaliga – qaybta suugaanta si indha-ka-cabbir ah (Observation). Sidoo kale, waxa iyana baahsan (shaacsane) oo jirta  inta badan ardayda dhigataa dugsiyada sare ee JFS  waa ubad aad u yaryar oo weliba  ku hanaqaaday ka-soo kabasho burbur dhan kastaba ah, masaafo fog oo dheer  u jira fahanka laamaha Maansada Soomaaliyeed sida gabayga, geeraarka, guurowga, buraanburka, saarka, heesaha, shiribka, masafada iyo suugaanta kale ee ku jira manhajka qaranka Soomaaliyeed.  Waxa aan si guud uga cudurdaaraneynaa  inaanan wakhti ku filan u weynay qaybinta weyddiimaale ay mudnayd in loo qaybiyo tiro cayiman oo ka mid ah barayaasha iskuullada ku yaallaa caasumadda dalka.

 EREYFUR

  Ricirkani waa iftiimin iyo bidhaamin la xidhiidha ereyada ugu mudan, xidhiidhkana la hel mowduuca Lafagurka & Gorfaynta Suugaanta — iftiimin ku saabsan maaddada suugaanta ee dugsiyada sare — oo si kooban loo jidbixinayo  ayaan  halkan, ku  sharraxeynnaa.

(1) Qiimayn: ereygani waxa uu leeyahay macnayaal kala duwan marka laga hadlayo afka Soomaaliga iyo hodontinnimadiisa. Marka aan eegno Qaamuuska Afka Soomaaliga waxa aad ka arki kartaa ereyo kale oo la macne ah sida; sheegid, sharfid, cabbirid, hal-beegid, tixgelin, muunayn, maamuusid, milgayn, karaamayn iyo sharfid. Inta lagu jiro daraasaddan ereyga (Qiimayn) waxa loola jeedaa hannaanka iyo halbeegyada loo maro ka gungaarkan cilmibaarisyada iyo daraasadaha lagu ogaanayo  waxa markaas la baarayo ama laga biya-keenayo. Inta waxa jira kaabayaal iyo agabyo loo adeegsado cilmibaarista  iyo IWM.

 (2) Lafaggur: ereygani, waxa uu  leeyahay macaani kala duwan sida Qaamuuska Afka Soomaaligutilmaamayo,waxaana ka mid; bixinta meel jabtay lafaha laga bixiyo iyo  ka baaraandegga arrin  laga salgaarayo. Sdioo kale, 1970-kii  ayaa ereyga “lafagur” lagu Soomaaliyeeyey ereyga Afka Carabiga ku ah (النقد الأدبي) ama waxa loo yaqaan (Literary Criticism).

 (3) Gorfayn: ereygani, waxa uu leeyahay  fasiraado kala duwan oo ay ugu mudan tahay,  in arrin laga doodayey, si fiican looga hadlo ama loo dhilo. Waxa laga istaagayaa xagal kasta oo ay liici karto, waxa laga gufaynayaa misciliil kasta oo mudan in la awdo, waxaana laga taarayaa dheelli kasta oo dhaliil u keeni kara.

(4) Suugaan: ereygani,waa mid hodon ah marka laga hadlayo aqoonta suugaanta iyo cilmiga afka. Mar waa naq, doog, cosob, qurux, nuxur, goosaar, qurxin, xardhin, quraarid, dux iyo labeen. Marna waa  hadal tix ama tiraab ah oo murti hugan.  Sidoo kale, ereyga suugaan waxa 1972-dii iyo wixii ka dambeeyey— oo loo aqoonsaday   laan-cilmeed  aqoonta ka mid ah—, oo la barto, laguna takhasuuso si looga salgaaro culuumta ku gadaaman suugaanta iyo hal-abuurka dadka. Ereybixintani,  waxa ay  mudhbaxday ka dib markii lagu turjumey ereyga suugaan ama lagu afnaqay kelmadda (الأدب) ama (Literature) oo ah erey xanbaarsan aqoon iyo cilmi lagu derso goobaha iyo kadimada aqoonta ku suntan, sida iskuullada, kulliyadaha, jaamacadaha IWM.

UBUCDA IYO FAHANKA CILMIGA LAFAGURKA SUUGAANTA

 Waa maxay cilmiga lafagurka suugaantu? Waa maxay xidhiidhka ka dhexeeya suugaanyahanka iyo lafaguraha aqoonta ku gadaaman suugaanta? Ma jiraa dow iyo hilinno u gaar ah laan-cilmiyeeddan aan soo sheegnay? Qaabkee ugu hufan, fudud, ugu kooban oo loo qiimayn karaa MAADDADA SUUGAANTA DUGSIYADA SARE EE (JFS) SIDA AY TAHAY IYO SIDA LAGA RABEY?

 Suugaantu waa diiwaanka ugu mudan, uguna faca weyn ee laga dheehan karo wax walba oo Soomaali ku saabsan. Waa diiwaanka qura ee laga akhrisan karo dhaqanka iyo hiddaha, soojireenka, ab-ka-soogaarka, ilbaxnimada, sooyaalka iyo taariikhda qarada weyn ee Soomaalida u keydsan. Sidaas daraaddeed, suugaanta Soomaalidu waxa ay qeyb lixaad leh ku lahayd dhinacyo badan oo nolosheeda ka mid ah. Haddii aan nuxurka iyo fahanka ku soo durugno oraahda lafagure suugaaneed waxaa loo la jeedaa ruuxa maansada iyo sheekooyinka la xiriira suugaanta u qali kara  sida dadka kale si ka qotadheer, inna tusi kara qiimiga ay xanbaarsan  iyo meelaha ay dhaliilaha ku leedahay. Ruuxaas qudhiisu maansayahan wuu noqon karaa, khasab se ma aha oo isaga oo aan labo isa saari karin ayuu lafagure suugaaneed ahaan karaa. Naqdigu, mar waa faafreebka suugaanta iyo sahminta ereyada ama waa qaabka loo ogaado rajada iyo nolosha suugaanta firka leh, welina waa qabyo qaybtani “laantani” marka laga hadlayo Suugaanta Ummadda Soomaaliyeed.  Haddii aan soo koobno laan-cilmiyeeddan waxa aan oran karnaa; lafagurka suugaantu waa habka loo falanqeeyo (analysis تحليل), loo fasiro (Interpretationتفسير ), laguna qiimeeyo (Evaluation تقييم) hawlaha suugaanta iyo waxqabdka suugaanyahaka.

Marxaladda kowaad waxa la akhriyaa qoraalka suugaanta oo la isku dayo in la fahmo micnaha uu xambaarsan yahay. Marxaladda labaad, waxa uu lafagurku uu gorfeeyaa qoraalka suugaanta, isaga oo u kala saaraya qaybihiisa aasaasiga ah. Marxaladda saddexaad, lafagurku waxa uu sharraxayaa xidhiidhka ka dhexeeya qaybaha iyo curiyayaasha isaga oo ogaanaya rabitaanka qoraaga, gabyaaga, farshaxamaystaha  iyo filinsameeyaha. Ugu dambayntana  waxa uu soo saarayaa go’aankiisa isaga oo ka duulaya fahamkiisa guud ee la xidhiidha suugaanta.

 SUUGAANTA IYO HAL-ABUURKA

 Marka laga hadlayo ama laga faalloonayo unugyada falkiya suugaanta iyo bedweynta curinta hal-abuurka waxa la sheegaya qaybo kala duwan. Inta badan, waxa uu qofku is weyddiin karaa ma jiraan unugyo saameeya curinta suugaanta? Carinta hal-abuurka, gaasabaxa gabayaaga iyo mudhbaxa farashaxanka, cabqarinimada qoraaga bulshada afkeeda ku hadla. Waxa jira arrimo kale oo inta badan lasyu weriyo oo ay ka mid yihiin; in suugaanta ay keento arrimo kala duwan sida hiba-keentay, hidda-raac iyo howli-keentay. Waxa se xooggan in abla-ablayntani tahay mid aan ku dhisnayn aqoon iyo ogaal-cilmiyeed.

 Caaddifaddda iyo Tijaaba-faneedda: Hal-abuur kasta, waxa uu leeyahay dareen iyo caaddifad xadataysa, carisa rooxaantiisa suugaaned. Waxa jira inta badan, in suugaantu ku timaaddo dareen xanbaarsan farxad, murugo, colaad, nacayb, kalgacayl, jamasho, holow, buseelid, daltabyo iyo galti, faan iyo tookh. Qof kasta oo leh khibrad iyo tajruba-nololeed ah dhanka fanka iyo suugaanta waa mahwi mar uun burqan kara.

Dhab-ka-hadal (الحقيقة أو الفكرة):  Xaqiiqada iyo dhab-ka-hadlaku waxa ay ka mid tahay unugyada laga falkiyo suugaanta iyo hal-abuurka kala duwan. Suugaan kasta oo la curiyo waa mid xanbaarsan aragti, ogaal, duluc muujinaysa fahanka iyo doonista curiyaha. Dulucda iyo fikraddu waa; giraanta ugu weyn ee uu ku dabaasho suugaanyahanku.  Dhacda kasta oo uu tibaaxo hal-abuuku maaha mid ka turjumaysa dareenkiisa qofnimo. Waxa se la tilmaama inuu mararka qaarkood qabbaan u noqdo dadweynaha intiisa kale.

Fan-masraxiyeedka ugu facawa weyn ee laysu weriyo ayaa waxa lagu sheegaa suugaanta Faransiiska, suugaanta Giriigga, suugaanta Roomaanka iyo suugaanta Carabta oo ay caddahay in ay ka shidaal qaadatay dhanka masraxaha suugaanta Faransiiska. Fikrad kasta oo suugaaneed waa mid xanbaarsan ujeeddo, aragti, ogaal iyo dhadhan gaar ah—waana mid leh mala’awaal iyo ku-dabaalasho-khayaaleed oo mug leh.

Xulashada iyo Xalladaynta Oraahda: Hal-abuurku waxa u doorta inta badan ereyga iyo meesha uu dhigayo. Waxa uu doorta habka iyo usluubka uu u soo gudbinayo. Habku waa usluubka ama qaabka loo qaabeeyo gudbinta suugaanta iyo ridmada oraahda. Waa hannaanka qoraagu uu u gudbiyo waxa ka guuxaya laabtiisa isagoo ku muujinaya  qormo iyo sadarro u xardhan si miisaaman, u qoran si toolmoon, u tidcan si xirfadaysan. Halka gabayaaguna uu u mariyo tix cuddoon, nuxur xanbaarsan, huwan murti iyo suugaan leh dhud iyo dhadhan.

 DHUUXIDDA SUUGAANTA IYO HILLINNADA LOO TIBAAXO

Suugaanta Soomaalidu waa geed ay saarantahay, hoobaan iyo miro dhuguc ah. Had iyo jeer, waxa aad ogaaneysaa inaad ku dhex jirto ama dhex maaxayso badweyn. Abwaannada Soomaalidu waxa ay u egyihiin ama u dhowyihiin abwaanada Carbeed, dhanka maansada iyo midabbada loo sameeyo sida tilmaanta deegaanka, muujinta bilicda, xulashada xayawaanka qurxoon.  Sidoo kale, maansadu waxa ay ka qaybqaadataa dhammaan qaybaha nolosha bulshada. waxaana ugu muhiimsan hilinnadeeda kala duwan, ammaanta, calaacalka, cayda, digasha, faanka, guubaabada, waanada, kaftanka, xikmadda, durrraanta iyo guubaabada.  Aqoonta, khayrka iyo quruxda waxaa lagu tilmaama yoolka iyo qaayaha  dhimirku ku taamo, waana ujeedka anshaxa cuddoon ee lagu gaaro kadimada aqoonta iyo farshaxanka ku dheehan xirfadda iyo itaal-faneedka.

Tix-suugaaneed: Suugaanta waxa loo qaybiyaa laba qaybood (laamood) oo kal ah “tix” iyo “tiraab” ama “howraar” iyo “hadal”. Wixii leh qaafiyad (xaraf-rac), miisaan (sargoyn), hoojis, jiib, jaan, reen   iyo luuq waxaa lagu tiriyaa bahada tixda (النظم). Qayabaha tixda waxa ugu muhimsan; gabayga, geerarka, guurowga, masafada, giishka (madiix), shiribka, buraanburka iyo jaadadka heesaha. Suugaanta ugu badan oo dadweynuhu aadka u garanayaan, ula falgalaan, isu weriyaan, lasyku qaddriyo. Kolka aan rabno inaan tusaale ka bixinno laantan waxa ka mid dhammaan diiwaannada iyo maansooyinka kala duwan ee inoo qoran —taa soo la oran karo waa mid innoo ku filan tusaalayn iyo muujin ba haddii loo baahdo.

Tiraab-suugaaneed: Waa laanta ugu saamaynta badan marka la joogo fanka masraxa iyo gudbinta farriimaha ku gadaaman arrimaha bulshada gaar ahaan marka laga hadlayo nolosha casriga ah. Inta badan tiraab-suugaaneeddu(النثر)  ma laha qaafiyad joogta ah, hoojis iyo hooris, luuq, jiib iyo jaan sida tixda. Waxaase ay leedahay jinjimaynta hadalka, ereyo gundheer, weedho gaagaaban, duluc fog, waxayna noqon kartaa mid mid qotonta dhab (الأدب الواقعي) ah iyo mid dhayal ah (الخيال الأدبي). Qaybaheeda ugu waa weyn waxaa ka mid ah sheeka-faneedda, sheeka-xariirta, Sheeka-hiddeedda, riwaayadaha, masaraxiyadda jilitaanka, qorista farriimaha, khudbadaha iyo dhambaallada  oo loo qoro si farshaxamaysan. Haddii aan tusaale ka soo qaadanno badweynta tiraab-suugaaneedda  Soomaalida waxa ka mid; Maana-faay: Qiso|Noval— Maxamed Daahir Afrax, Dhibbanaha aan dhalan— Faarax-cadde Maxamed  Jaamac (Cowl), Aqoonddaro waa u nacab jacayl — Faarax-cadde Maxamed  Jaamac (Cowl), Aanadii Negeeye— Ibraahin Yuusuf Axmed (Ibraahin-hawd), Koorara Dadab: Cishqi &  Colaad”—Axmed Maxamed Cabdi-kulunbo, Warsame iyo Waasuge: Socdaalkii 30ka maalmood—Dr. Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare), Aqoon & Afgarad—Prof. Siciid Saalax Axmed, Siraha Jacaylka: Riwaayad|Drama—Abwaan Saalax Xaashi Carab, Qaranjab: Malxamad—Abwaan Saalax Xaashi Carab, Wanqalkii Nabsiga: Riwaayad|Drama—Abwaan Saalax Xaashi Carab, Qab & Quursi: Halggankii Koonbe—Cabddi Faarax Juxa, Xurmo Daran: 1-2, Maxamed-deeq Cabdi-madar (Haldhaa), Ayaan-Daran: Qiso dhab ah—Cabdullaahi Sh. Xuseen (Hantiwadaag), Guure: Hanka Soomaalida & hadimada Gumeysiga—Xasan Maxamuud Qorane, Geylame: sheekho—Xasan Maxamuud Qorane, Saynabeey Salaamaad: Baadigoob jacayl, Faarax Biniin Boos (Faarax-sariic), Jannadoon & Jidkii Cadaata—Khadar A. Cabdullaahi , IWM.   Sidoo kale, waxa jira — jirina doonta riwaayado iyo masraxiyado (jilliin) caanbaxay oo lagu jilay Wakaalladdii Hanuunta Dadweynaha, Murtida iyo Madaddaalada (Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed).

 HAL-ABUURKA IYO SAAMAYNTIISA FANEED

Fanku waxa uu figta sare kagaga jiraa unugyada bila saabka guud ee nolosha aadanaha. Sidoo kale, waxa la tilmaamaa inuu yahay; fikrad ama dareen lagu muujiyey sawir qurux badan. Marka laga cabbir-qaato halbeeggaas guud, suugaantu waa fikrad ama dareen lagu sawiray erayada afka oo loo adeegsaday si qurux badan oo ka duwan hadalka caadiga ah. Marka aan ka hadleyno, nuxurka suugaanta waxa aan arki karnaa in suugaantu tahay; masrax-qoraaleed ama hadal murti iyo xigmad la jeclaysto ku aslan, kuna waari kara, galalka taariikhda. Marna waaba keydka xanbaarsan dhaqanka iyo hadda bulsho leedahay. Kolna waaba teed ku dhisan, ku unkan, xigmad xeeldheer, aragti soohan, raad-raac bilcan, murti muunad leh iyo sooyaal.

Suugaantu waxa ay ka curataa dareenka bulshada iyo giraanta nolosha. Meertada suugaantu waa mid ku lifaaqan ama ku taaran guuxaha dadweynaha (الأدب طاهرة اجتماعية). Marka aan si guud u tilmaanno unugyada curiya ama falkiya suugaanta waxa ka mid ah;

Bulshada: Bulshadu waa halbowlaha ugu weyn ee sababa horumarka suugaanta iyo taabbaqaadka fanka. Ummad kasta oo ku nool daafaha adduunyada iyada ayaa jihaysa fankeeda iyo qaabka uu noqonayo marax-dhaqameedkeedu. Colaadda iyo dagaalladu waxa ay falkiyaan suugaanta, barwaaqada iyo abaaruhu waxa ay jara baraan hal-abuurka, is dhexgalka iyo ilbaxnimadu waxa ay carbiyaan unugyada suugaanta iyo masraxa. Nuxurka iyo ubucdu waa in bulshadu tahay layliyaha iyo gardaaddihayaha saanqaaka fanka iyo quruxdiisa suugaaneed.

 Siyaasadda iyo Hoggaanka: Bulshooyinka adduunku waxa ay isu weriyaan dhaqanka, hoggaaminta, sancada, kaabayaasha iyo farsamada jihaynta ummad loogu sahantago. Siyaasaddu waxa ay leedahay midabo iyo xeerar jaangooya nolosha bulsha iyo qaabka ay u noolaaneyso. Bulsha kasta oo la nool siyaasad qallafsan waxa laga dheehdaa fankeeda iyo raad-raaceeda taariikheed.

 Ummad kasta oo ku nool jirrab iyo jaanjaan waxa laga daawan karaa suugaanteeda iyo muraayadda masraxeeda faneed. Waxa hubaal in siyaasaddu hoggaamiso, sahmiso, hilaadiso, oddorosto heerkeeda aqoomeed, tayadeeda maammul, qaab-suugaaneedka iyo sida uu noqonayo fankeeda guud— kaa soo ah summadda lagag sooci karo dadyowga kale ee qaafilka ah.

 Dhaqaalaha: Dhaqaaluhu waa udub-dhexaadka ugu weyn ee ka qaybqaata curasha suugaanta, burqashada hal-abuurka, jaangoynta nooca fanku noqonayo. Dabaqad kasta oo ka mid ah bahweynta dhaqaalaha hagta, meelaysa suuqa iyo macdaarka dadweynaha waxa boogahooda taabta oo farta ku fiiqa waa suugaanyahanka iyo masraxa guud. Saboolnimada bolshooyinka iyo jaranjarada nolashu na waa mid laga dheehan karo wax-soosarka iyo fanka bulsho lagu majeerto. Waxa hubaal ah, inuu dhaqaaluhu yahay dabarka iyo qabbirka dadka lagu ragaadin karo hankeeda ama lagu horumarin karo milgaheeda jiritaan.

 Goobta iyo Barada: Hal-abuur kasta waxa saamayn mug leh ku yeesha goobta iyo barada uu ku dhashay, ku noolyahay, ku barbaaray, ku kacaamay IWM. Dabeecadda iyo deegaanku waa kaaliyaha kowaad ee cariya suugaanyahanka, afyaqaaanka, afshaxanka, farshaxanka, qurux kasta iyo foolxuma kasta oo la xidhiidha nolosha iyo gadaankeeda, iyana waa mid soofayneysa hummaagga iyo aragtida hal-abuurka. Sidaa awgeed, waxa mudan inaan ka fekernno goobta iyo deegaanka lagu baranayo suugaanta iyo saabka guud ee hab-nololeedkeenna. Innagoo og in geyiga Soomaaliya yahay; mid colaadi ku raagtey, burbur ku baahey, saboolnimo dabratay — taasina waxa ay xakame iyo dhaad u noqonaysaa waayaheenna faneed.

 Goorta iyo Wakhtiga: Aminta iyo hilaaddu waxa ay ka qayb qaatadaa kobcinta suugaanta iyo garaadka maansayahanka, bilicda hal-abuurka, farshaxanka fanka, culidda masraxa iyo quruxda uu yeelanayo fan-masraxeedka bulsha uun waa natiijo milaygu unkayo. Wakhtigu waxa aleelo ku xardhaa sadarrada suugaanta, waxa gan iyo man ba u yahay qabax-dhismeedka fanka, maalmuhu waxa kashkaashaan ardaaga lagu gorfeeyo dhambaallada farshaxanka. Haddii aad dib u milicsato sooyaalka suugaanta waxa aad arkaysaa ama ogaaneysaa in wakhtu yahay ababiyaha hal-abuurka, godliyaha farshaxaka iyo taabbageliyaha masraxa waara.

 Dhalashada iyo Jaadqofeedka: Qodob kani, waa mid leh dooddiisa gaarka a, marka la joogo badweynta aqoonta suugaanta iyo indheer-gadka baara ricirrada laan-cilmiyeedda suugaanta. Dad badan ayaa laga yaabaa in ay ka qaadaan baydad, ka muujiyaan anfariir iyo amakaag. Jaad-qofeeda (jinsiga) uu qof noqonayo iyo suugaanta maxaa xiriiriyey? Xiriir taban iyo mid togani sidee uga dhexayn karaa?  Labnimada iyo dheddignimadu sidee ayey saamayn ugu yeeshaan curasha hal-abuurka iyo hanaqaadka fanka. Si kastoo dood iyo diidmo looga keeno; haddana waxa muuqata in ay xoogweyntahay doodda oranaysa dhalashada iyo jaadqofeedka (jinsiga) waa unug weyn oo ka qayb lixaad le ku leh burqashada hal-abuur, xoodaaminta foolaadka bulshada, godlinta maanka qofnimo iyo fahanka dhuuxidda suugaanta.

 Dareen-xaaladeedka: Xowliga dabiiciga ah iyo xawaaraha uu qofku ku socdo ayaa ah mid mid qardhaaseeya cabbir fekirkiisa, kaladuwaanshaha qofnimo ayaa isna ah dhardhaar weyn oo muujiya siiridnaanta hal-abuurka waa marka laga eego xagasha xamaasadda (العاطفة الأدبية). Dareen-caadifeedka hal-abuurka, godlidda ogaalleyda, carinta abwaanka, ararta baanaha, dhiraandhirinta buuniga, gola-ka-fuulka gabayaaga iyo qalin-maalka qoraaga wanaagsan waxa takoorin-gooya soofaynta dareenka qofnimo oo darara.

Qof kasta waxa uu leeyahay dareen iyo damac ku lammaan oo ka guuxaya naftiisa, rooxaantiisa, dubaaqiisa, kaas oo laga dheehan karo hal-abuurkiisa iyo muraayadda bandhig-faneedkiisa.  Marka uu qof dareemayo ciriiri nololeed, cadaadis bulsho, cuqdad qofnimo, cudur adduun iyo cood la’amid xanbaarsanaha, in laga dheehan karo  tuducyada suugaantiisa, shacuurtiisa hal-abuur, baaxaaddiisa nololeed ee uu ku maanshoon karo. Waa hagaage, marka uu qof dareemayo badhaadhe nololeed, barwaaqo deegaan, gaasabax semen, galtibax cilimo, bara-riyaaqayn, raxlayn iyo tamashlayn magool iyo tigaad og waa hubaal, waa dhab, oo waa geed-ka-go’an   in suugaantiisu tahay mid  xanbaarsan  dareen-xaaladeedkiisa shakhsi  iyo basar-noloshiisa guud.

AKHRINTA SUUGAANTA: BIDHAAMIN IYO IFTIIMIN

Mar uu ka faallooday (AHUN ) Dr. Maxamed Daahir (Afarx) qiimaha suugaanta  iyo labeenteeda ayuu yidhi; Ummdaha dunida ummad kasta suugaanteedu waxay u leedahay qiime aad u weyn. Afku waa udub-dhexaadka dhaqanka, suugaantuna waa halbowlaha nolosha afka. Af la’aan dhaqan ma hanaqaadi karo, suugaan la’aanna af ma noolaan karo ama ma kobci karo. Gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed suugaantu waxay u leedahay qiime aan la soo koobi karin oo ay uga duwantahay ummado kale oo badan.

Maxay u habboontay inaan akhrinno suugaanta? Waa se maxay nuxurka ku jiraa  inuu qofku caadayso joogtaynta daalacashada suugaanta? Ma jiraa hab iyo qaab laysla yaqaan oo loo akhriyo?  Suugaanii hore ee berisaamaadkii (الأدب الكلاسيكي) iyo tan casriga ah (الأدب الحديث) ma isku si baa loo akhrinayaa, loo faaqidayaa, loo gorfaynayaa, loo lafagurayaa?  Suugaanta marax-dhaqameedka xanbaarsan—keydisana afka, haybta, isirka, asuulka, abka, dirka, walcanka, jiritaanka, sinjiga, hiddaha, dhaqanka, caadooyin, ciyaaraha, sooyaalka, fanka iyo dhammaan wixii la halmaala ee bulsho lagu garto, astaanna u ah lagaga sooco bulshooyinka kale.

Waa hagaag, haddii se aan rabo inaan akhrinno, daalacanno, faaqidnno, gorfaynno, abal-balaynno, lafagurno dhammaan wixii aan ab iyo sinji u lahayn; waa hubaal in suugaanteennu noqonayso mid leh summaddeeda iyo astaamaheeda baadi-sooceed. Xulashada suugaanta aad akhrineyso ama uu qofku dooranayo waxa mudan in ay tahay mid qorshaysan leh na dhabbe cad (المنهج) oo weliba leh  dhaabad iyo sees ku dhisan aqoon iyo cilmibaaris maanggal ah. Ma gabay baad akhrin, mise geeraar, hees, buraanbur, masafo, sheeka-faneed, sheeka-xariir, riwaayad iyo masrax-faneed qoran? Sooyaalka, sheekooyinka, waaya-waayaha gola-ka-fuulka iyo dhacdooyinka oo la akhriyaa ma suugaan baa? Suugaanta Inaan akhrinno, maxaa ku jira oo laga dheefayaa? Weydiintani, waa mid qof kasta is weyddiin karo. Kolka aan soo koobno warcelinteeda  su’aashan;  waxaan ka gunteyno  galalka suugaanta iyo  diiwaannada lagu keydiyey jaadadka suugaanta, faa’iidadeeda  iyo dheefta laga kororsanayo sida;

  1. Xoojinta garaadka iyo aqoonta qofka.
  2. Taya-siinta xusuusta iyo waayaha qofka.
  3. Kordhinta ereyada afka iyo mala-waalka qofka.
  4. Kobcinta xirfadaha afka & hab-curinta toolmoon.
  5. Korint a& barbaarinta qofnimada dhanka kasmada iyo kasiista (garaadka.)
  6. Qurxinta iyo bilidda farshaxanka iyo qalabkiisa.
  7. Barashada taariikhda iyo sooyaalka (tagtada, taagaanta iyo timaatada) iyo
  8. Xoojinta is dhexgalka bulshooyinka kala duwan.

Marka laga hadlayo kobcinta suugaanta ardayga iyo qof kasta oo raba  inuu wax ka barto badweynteeda faneed. Waxa la gudboon inuu wax badan akhriyo, daawado, dhegaysto, qoro, curiyo si uu u  helo awood hala-buur oo kaabi karta garashadiisa ardaynimo. Waxa jira ilo maraajic loo noqon karo, marka aan rabno inaan kor u qaadno fahanka ardayga ee dhanka ereyada, ujeedka maansada, dulucda iyo abbaarta ku jirta, afshaxamaynta iyo hummaagaynta sida; ekaynta, sarbeebta, shareeraynta, ergashada, isticaarada, kinaayada,  duurxulka, qofaynta,  sillan-suganta iyo dhammaan afbilayaasha ceegaaga maaddada suugaanta manhajka dugsiyada sare ee dalka Soomaaliya. Waxaan halkan  ku taxayaa masaadir iyo ilo aan u arko in wuxuun  ay ka qaadan karaan kana geysan karaan  kobcinta hodontinnimada afkeed ee baraha iyo bartaha.

  1. Diiwaannada suugaanta (sida silsiladaha caanka ahaa).
  2. Buugaagta sooyaalka iyo taariikhda laga qoray.
  3. Sheeka-faneedda (sheeko gaaban & sheeko dheer).
  4. Sheeka-xariirta iyo sheeka baralleyda
  5. Qaamuuska Afka Soomaaliga.
  6. Qaamuuska Dugsiyada Sare ee Ardayga
  7. Taxanihii ereybixintii wasaaradaha oo kala ah;
  8. Diiwaanka Ereybixnta af Soomaaliga (1)
  9. Diiwaanka Ereybixinta af Soomaaliga (2)
  10. Diiwaanka Ereybixnta af Soomaaliga (3)
  11. Buugaagta laga qoray; naxwaha, sarfaha iyo  cilmi-afeedka.
  12. Daawashada doodaha iyo gorfaynta laga sameeyey fanka iyo suugaanta Saoomaaliyeed.
  13. Daawashada riwaayadihii hore iyo masraxii Soomaaliyeed
  14. Dhegaysiga sheeka-dhaqameedka ama sheeka-hiddeedda Soomaaliyeed.
  15. Daawashada iyo joogtaynta muuqaalbaahiya  u adeega aqoonta dhallaanka iyo suugaanta carruurta
  16. Buug-suuneedka tayada iyo xikmadda leh ee lagu afnaqo  (tutjumey) afkeenna hooyo.

SUUGAANTA KU JIRTA MANHAJKA DUGSIYADA SARE EE JFS

Qodobkani, waa mid leh tixgelintiisa iyo muunayntiisa ba. Waxa cad oo bedka yaal in manhajku yahay mid ku dhisan falsafad u adeegaysa DANAHA AMNIGA QARANA SOOMAALIYEED. Sidaa darteed, waa in qofka Soomaaliga ah ama ardayga Soomaaliga ah lagu ilaasho seeraha danaha qaranka, xayndaaba bedqabka bulsheed sida afka, dhaqanka, suugaanta, diinta Islaamka, haybta ummadnimo iyo ku dhaadashada qarannimo ku dhisan xorriyad iyo gobannimo. Ujeeddda guud ee laga rabo inuu manhajku xaqiijiyo, marka la joogo, lagana hadlayo Maaddada Suugaanta Dugsiyada Sare ee Manhajka (JFS) waxa ugu mudan lib-ka- gaaridda qodobbadan soo sacda iyo wixii la mid ah;

  1. Inuu ardaygu ogaado, barto dabeecadda guud ee deegaanka aqoonta suugaanta iyo mowduucyada ku gadaaman qaybaheeda suugaaneed.
  2. Inuu ardaygu dhug iyo dareen u lahaado dhardhaarrada, rukumada iyo kaabayaasha bila, qurxiya, cula, asla fahanka, barasha, xalladaynta  iyo xiisagelinta barashada suugaanta.
  3. Inuu ardaygu xog ku filan ka heli karo xidhiidhka ka dhexeeya suugaanta iyo qaab-nololeedka bulshada uu ka midka
  4. Inuu ardaygu u hiloobo, jeclaado, ku muraaqoodo, ku taamo, ku dhaadan karo duxda farshaxanka suugaaneed iyo ilaha ugu waxtarka badan  laanta suugaanta iyo foolaadka  safka hore kaga jira bahda suugaanlleyda Soomaaliyeed.

Habboonaanta iyo xulasahda suugaanta: Suugaanta ku jirta Manhajka dugsiyada sare ee Soomaaliya waa mid mudan in la bogaadiyo, lana tixgeliyo, iyadoo la eegayo duruufaha iyo baahida ka jira dalka. Soomaalliya oo ah dal ka soo kabanaya colaado, burbur, khilaaf iyo loollan salka ku haya doodo siyaasadeed iyo herddan ka dhashay fahan qalloocday oo ah mid diimeed. Waxa mudan in la helo manhaj xanbaarsan suugaan ka turjumaysa dib-u-dhiska dalka & dadka ba. Sidoo kale, waxa  iyana habboon in xoogga la saaro suugaan ka hadlaysa nabadda, horumaraka bulshada, kocinta dhaqaalaha, qurxinta dhulka, ilaalinta goobaha iyo danaha guud, ku baraarujinta dhallinyarada dhibaatada argagixisada, foolxumada xagjirka, nacaybka iyo hurgumada qabyaaladda.

Sidoo kale, waa in ay tahay mid ka hadlaysa jacaylka dalka iyo dhibaatada tahriibka,  wada noolaanshaha, tabcashada dhulka, dhiirrigelinta shaqada, hufnaanta, sinnaanta iyo cadaaladda, dowlad-wanaagga, qiimaha hoggaanka wanaagsan, fahanka doorashooshinka, bidhaaminta qaab-dhismeedka siyaasadda guud ee dalka, fahanka xeerarka iyo heshiisyada dalka u qoran, ujeedka dastuurka iyo  ilaalinta danaha qaranka Soomaaliyeed.

Marka aan isha marinnayno suugaanta lagu barto dugsiyada sare waxa ay u badan tahay suugaan xanbaarsan wacyi ka duwan kan maanta lagu jiro.Tusaale haddii aan u soo qaadanno riwaayadaha ku jira sida; shabeel-naagood, aqoon iyo afgarad, gabayo ka hadlaya halgankii Soomaalida, garbadduubkii gumeysiga, jihayn ku dhisan aragtiyo isku dhafan, wax-qabadkii dolwaddii dhexe, gaar ahaan xilligii Kacaanka. Sidaa darteed waxa muuqata in ay jirto baahi ah dhanka wacyi-dhiska iyo bedqabka qofka Soomaaliga ah.

Maanta waxa jira cuduro ku cusub saaxadda iyo wacyiga ardayga Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay argigixasa, badeecadda dhacday oo ka tifka ah goobaha ganacsiga, daawo dhacday oo dalka loo soo dhoofiyo, shaqo la’aan baahsan, warbaahin xor ah oo waxa ay rabto baahisa, isku-furanka adduunka gaar ahaan, dhanka il-baxnimada iyo xadaaradaha kala duwan. Haddaba, waxa mudan inaan is weyddiino ma tahay suugaanta maanta lagu dhiganayaa dugsiyada mid ku habboon garaadka iyo wacyiga ardayga Soomaaliyeed? Muddadii u dhexaysey 1960-kii iyo 1990-kii   Soomaaliya waxa soo maray isbeddelo waaweyn oo saamayn muuqata kulahaa arrimaha fanka iyo suugaanta. Marka aan milicsanno waayahaas iyo wixii jirey ee la soo maray ma tahay maangal in suugaantii ka hadleysey hilaaddaas hore lagu dhigo dugsiyada maanta? Taas macnaheedu maaha in la dhaliilayo suugaantii hore, fankii hore, masraxii hore ee u jeeddadu waa ma tahay mid la jaanqaadi karta wacyiga maanta iyo dareenka dhallinta Soomaaliyeed?  Waxa muuqata oo ah mid aan caad saarnayn in suugaantu tahay, diiwaanaka sooyaalka iyo giraanta taariikhda ummadda Soomaaliyeed.

Baraha iyo Bartaha: Macallinku, waa halbowlaha ugu mudan marka la jeego meertada waxbarashada iyo jihaynta ardayga Soomaaliyeed iyo ka gungaarka ilaalinta garaadka ardayga. Baraha waxa laga doonaya in uu ka soo baxo waajibaadkiisa ay ka midka tahay la socodka ardayda xagga fikirka iyo wacyigiisa, fahansiinta casharrada ku saabsan maaddada suuganata iyo hiddaha ba. Macallinka dhigayaa suugaanta waxa uu leeyahay kaalin weyn marka la joogo hagidda bulshada iyo wacyigelinta dadweynaha.

Sidoo kale, bartahu (ardaygu) waa inuu yahay mid u qaabaysan dabeecadda maaddada iyo farriimaha lagu gudbinayo. Waxaana laga rabaa inuu kobciyo garaadkiisa qofood, fahankiisa suugaaneed, xifdinta maansooyinka, badiyo dhegaysiga suugaanata duuban, xoojiyo akhrinta buugaagta suuganta iyo sheekooyinka la xidhiidha.

Caqabadaha haysta macallinka Suugaan:  Waxa hubaal ah in ay jiraan wax uun oo caqabado ah. Inta badan, waxa ay sheegeen barayaashu caqabado la xidhiidha dhanka manhajka, wakhtiga, da’ada iyo wacyiga ardayga wax baranaya. Dhibaatadani waa mid aan la qarin karin, la dhayalsan karin, mudan in wax laga qabto sida ugu habboon, ugu dhow, ugu fudud, ugu kharash yar, ugu muddo gaaban. Waxaana ka mid ah caqabadihii ay carrabka ku dhifteen kuwan kuwan soo socda.

  1. Cufnaanta suugaanta ku jirta manhajka dhaka ereyda, dulucda, ujeeddaada iyo fahanka guud ay maansadu xanbaarsantahay.
  2. Suugaanta lagu dhigto dugsiyada sare oo ah mid aad u badan; dhanka dhaqanka miyiga iyo baadiyaha, xoola-dhaqatada iyo waayahooda, kana fog nidaamka dowladniamda casriga ah iyo la jaanqaadka arrimaha hoggaamineed ee adduunka ka jira.
  3. Caqabadaha ugu waaweyn waxa ka mid ah; farshaxanka iyo hummaagyada, sarbeebta, duurxulka, qofaynta, sillan-suganta, ku jirta suugaanta qaarkeed — oo ah mid aan dhaqso loo fahmi karin, loo dhuuxi karin, loo gaari karin dulucda iyo ujeedka— gaar ahaan dhanka baraha iyo bartahaba (ardayga iyo macallinka).
  4. Sidoo kale, waxa ka mid caqabadaha ay sheegeen barayaashu in aysan helin tababar ku saabsan habka loo dhigo suugaanta, loo gudbiyo dulucda iyo ujeeddada fanku xanbaarsanyahay. Tani waxa ay caddayneysaa in si degdeg ah loogu baahanyahay in tababar iyo laylin loo furo dhammaan barayaasha dhiga maaddada suugaanta intii suurtaggal ah.
  5. Suugaanata ku jirta manhajka dugsiyada sare iyo wakhtiga loo asteeyey maaddada Afka Soomaaliga ma aha mid isu dheellitiran. Sidaa awgeed, dhankaa waxa ka jira dayac iyo gaabis keeni kara in wax badan oo ka mid ah maaddada ay ka baaqdaan ardayga dhiganaya. Arrinkani waxa uu yimaada inta oo la dareemaa maalmaha imtixaanka guud ee dalka.

 GEBAGEBO &GUNAANAD

Marka aan soo gunaanadno bidhaamintan  iyo saabka guud ee qormadan (QIIMAYNTA MAADDADASUUGAANTA DUGSIYADA SARE EE (JFS): SIDA AY TAHAY IYO SIDA LAGA RABEY?) Waxa aan ogaaaneynaa ama innoo soo baxaysa  in suugaantu ahayd welina tahay warbaahin aad u muhiim ah, si wayna loogu kalsoon yahay. Suugaantu waxa ay  ahayd qalabka keliya ee laysugu tebiyo xaaladaha kolba ka soo cusboonaada nolosha bulshada ee lagu go’aan qaato, maaddaama kalsooni badan lagu qabo.

Suugaanta waxa lagu baahin jiray ololaha colaadaha sida joogtada ah uga dhex holca deegaannada dhexdooda iyo dadka ba. Marna waxa lagu raadin jiray daminta colaadaha iyo xallinta qalalaasaha. Kola waxa loogu xarig xiri jiray nabadda iyo wadanoolaanshaha bulshada. Suugaanta waxa loo adeegsan jiray doodaha iyo isdhaafsiga aaraada iyo iyo laabxaadhashada bulshada.Waa hubaal in ay  door wayn ku lahayd isdhexgalka bulshada iyo kaftanka iyo haashaawaha dhalinyarada.Sidoo kale, waxay suugaantu u ahayd ummadda Soomaaliyeed  marinka keliya ee bulshooyinka caalamka ugu gudbiso qiimaha dhaqankooda iyo horumarka ilbaxnimadooda.

Suugaantu waa midda sababta u hayd, in bulshooyinka caalamku  ugu  yeedhaan ama uga dhigaan naanays Soomaalida  Ummaddii Gabayga ama  Ummaddii Suugaanta. Marka aan eegno cufnaanta suugtaan lagu dhigto dugsiyada iyo durugsanaanta dulucda iyo fogaanta fahanka waxa aan ku soo afmeerayaa in macalinka dhigaya maaddada suugaanta xil weyn dowladdu iska saarto,  helo na tababbaro ku habboon kobcinta aqoontiisa  la xidhiidha sooyaalka “taariikhda”, barasha afka iyo aqoonta, barashada miisaanka maansada, barashada sargoynta afka  “Sarfaha ”, hab-dhiska hadalka “naxwaha”, dhaqanka iyo hiddaha, raadadka meelaha taariikhiga ah  “aasaarta”, meesiyada xoolaha  la dhaqdo, ciyaaraha iyo jaadadkooda, caadooyinka iyo  guurka, hab-xiriirka bulshada, garsoorka iyo  qaybihiisa, suugaanta dhallaanka, hooyada iyo  kaalinta  ay afka ku leedahay, aqal-soomaaliga iyo hogarka (weelka) Soomaalidu ay leedahay iyo qaybaha hubka la xidhiidha dhaqanka iyo hiddaha, sida; waranka, gamaska, gumuca, hootada,  fallaarta, tooreyda “abley” godinta, warafka, usha, dhengedda (serbbi – serged), garruunka “huur” iyo IWM .

 TALABIXIN & TUSAALAYN

 Waxa aan halkan ku soo gudbinayaa  ama aan ku  muujinayaa talo iyo tusaalayn ka dhalatay  bidhaamintan kooban  ee ku  dhisan dulkaxaadinta iyo idha-ka-cabbirka  lagu qiimaynayey maaddada suugaanta ee lagu dhigtigo manhajka  dugsiyada sare ee dalka (QIIMAYNTA MAADDADASUUGAANTA DUGSIYADA SARE EE (JFS): SIDA AY TAHAY & SIDA LAGA RABEY?). Kama dhigna in ay tahay cilmibaaris biya-kama-dhibcaan ah iyo daraasad kulansatay dhammaan kaabayaasha loo adeegsado cilmibaarista guulaysatey  iyo ka gungaarka xogta la doonayo.  Iyadoo taasi ay jirto waxa aan halkan  ku soo  gudbinayaa tala-bixin iyo tusaalayn kooban oo ay  mudan tahay in la tixgeliyo, waxana ka mid ah;

  1. Koobnaanta mawduuca suugaanta: qormadani waxa ay muujisay in suugaanta lagu daray manhajka Af Soomaaliga ay si weyn ugu kooban tahay noloshii raacatada iyo suugaantii miyiga, taasoo inta badan ku dhisan erayo duug ah iyo kuwo kakan. Arrintani waxa ay keentay in arday badani ku adkaato fahamka dulucda suugaanta, isla markaana ay hoos u dhacdo xiisahooda barashada af Soomaaliga.
  2. Astayn la’aanta heerarka suugaanta: bidhaaminta qormadani waxa ay farta ku fiiqeysaa in aan si nidaamsan loo kala heerin suugaanta lagu dhigo Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare. Suugaanta heerar kala duwan loo dhigayo marar badan waa isku heer ama isku adkaansho, taasoo keentay in ardayda da’doodu yar tahay la hor dhigo suugaan ka sarraysa garaadkooda, halka ardayda waaweyni ay la kulmaan suugaan aan caqabad aqooneed lahayn.
  3. Suugaanta iyo nolosha casriga ah: qormadu waxa ay muujisay in suugaanta, manhajka iyo hababka waxbariddu aanay si ku filan ula jaanqaadsanayn waaqaca nolosha casriga ah ee dhallinyarada. Mawduucyada, qaababka suugaaneed iyo tusaalooyinka la adeegsado badankood ma taabanayaan nolol-maalmeedka ardayda, taas oo yaraynaysa doorka suugaantu ku leedahay kobcinta fekerka iyo hal-abuurka.
  4. Isku-dhexyaaca suugaanta iyo Af Soomaaliga: waxaa la ogaaday in suugaanta aan loo dhigin maaddo madax-bannaan, balse lagu dhex daray naxwaha iyo qaybo kale oo luqadeed. Tani waxay hoos u dhigtay wakhtiga iyo mudnaanta la siiyo falanqaynta suugaanta, isla markaana xaddidday awoodda macallinka ee ku aaddan xaqiijinta yoolalka waxbarasho ee suugaanta.
  5. Maqnaanshaha erey-fur iyo erey-bixin nidaamsan: natiijooyinka qormadani waxa ay muujiyeen in inta badan maansooyinka, sheekooyinka iyo riwaayadaha ku jira manhajka dugsiyada sare aan loo diyaarin erey-fur iyo erey-bixin faahfaahsan. Taas beddelkeeda, ardayda iyo macallimiintu waxa ay la kulmaan caqabado faham oo joogto ah, gaar ahaan erayada macnahoodu adag yahay ama duugga ah.
  6. Tababar la’aanta gaarka ah ee macallimiinta suugaanta: qormadu waxa ay muujisay in macallimiinta badankood ee dhiga Afka iyo Suugaanta aanay helin tababar ama shahaado gaar ah oo ku saabsan baridda suugaanta. Waxaa sidoo kale la arkay in fursadaha tababarka joogtada ah ee ay bixiyaan hay’adaha aqoonta iyo dhaqanka ay yihiin kuwo kooban ama aan si nidaamsan loo hirgelin.
  7. Habraaca xulashada suugaanta manhajka: natiijooyinka waxa ay tilmaameen in suugaanta lagu daro manhajka mararka qaar aan si buuxda loogu xulin halbeegyo cilmiyeed oo cad, sida tayada suugaaneed, qiyamka akhlaaqeed iyo qiimaha waddaninimo. Tani waxay keentay su’aalo la xiriira hufnaanta iyo ujeeddada xulashada suugaanta qaarkeed.
  8. Heerka aqooneed ee ardayda qalin-jabiya: biya-dhaca qormadani waxa ay muujisay in arday badan oo dhammeeya dugsiyada sare aanay si buuxda u gaadhin heerka la filayo ee xirfadaha Af-Soomaaliga, sida qorista af Soomaali sax ah, falanqaynta maanso ama sheeko, jeedinta khudbad iyo curinta qoraallo dheer.
  9. Aragtida ardayga iyo saamaynta manhajka: ugu dambayn, natiijooyinka qormadani waxa ay tilmaameen in suugaanta hadda lagu dhigo dugsiyada sare (JFS) ay si taban u saamaysay aragtida ardayda ee ku aaddan Af Soomaaliga iyo suugaantiisa. Halkii ay ka dhisi lahayd jacayl iyo faham qoto dheer, manhajku marar badan waxa uu sababay in ardaydu u arkaan suugaanta mid culays ah oo ka fog noloshooda dhabta ah.

TIXRAACYADA (REFERENCES)

  1. Keenadiid, Yaasiin Cismaan. (1976). Qaamuuska Af-Soomaaliga. Muqdisho: Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare / Akadeemiyadda Dhaqanka.
  2. Mansuur, Cabdalla Cumar. (2016). Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed.
  3. Mansuur, Cabdalla Cumar & Puglielli, Annarita. (2012). Qaamuuska Afka Soomaaliga. Roma: Carocci Editore.
  4. Mansuur, Cabdalla Cumar. (2024). Habdhigaalka Af-Soomaaliga Guud: Midayn, Horumarin iyo Casriyayn.
  5. Macallin, Maxamed Xuseen. (2023). Haldoorka Afka iyo Dhaqanka Soomaalida ee Qurbaha: Ingiriiska iyo Waqooyiga Yurub.
  6. Fiqi, Bilaal Qaasin. (2023). Lafagurka Suugaanta (Maqaal).
  7. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare (W.W.H.T.S). (2019). Maaddada Af-Soomaaliga: Fasalka 1aad.
  8. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare (W.W.H.T.S). (2019). Maaddada Af-Soomaaliga: Fasalka 2aad.
  9. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare (W.W.H.T.S). (2019). Maaddada Af-Soomaaliga: Fasalka 3aad.
  10. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare (W.W.H.T.S). (2019). Maaddada Af-Soomaaliga: Fasalka 4aad.
  11. زراقط، عبد المجيد. (2019). النقد الأدبي: مفهومه ومساره التاريخي ومناهجه. عمّان: دار المسيرة.
  12. ضيف، شوقي. (2012). في النقد الأدبي. القاهرة: دار المعارف، مكتبة الدراسات الإسلامية (26).
  13. يوسف، دزعقيل مهدي. (2011). الفكرة الجمالية في الفن. أربيل: دار أربيل.
  14. يلحو، علي الشيخ عبد الله. (2010). الأدب الصومالي المعاصر. منشورات المنظمة الإسلامية للتربية والعلوم والثقافة (الإيسيسكو).
  15. عز الدين إسماعيل. (2005). الأسس الجمالية في النقد العربي. القاهرة: دار الفكر العربي.
  16. مندور، محمد. (1996). النقد المنهجي عند العرب. القاهرة: دار نهضة مصر.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More