Golaha Mustaqbalka ayaa si rasmi ah uga laabatay go’aankii hore ee guddiyada loogu xil saaray inay la kulmaan Madaxweynaha, kaddib markii uu hakad ku yimid hannaankii wada-xaajoodka labadii maalmood ee la soo dhaafay.
Shir ay maanta isugu yimaadeen dhammaan xubnaha Golaha Mustaqbalka, ayaa lagu go’aamiyay in dib loo soo nooleeyo wadahadalladii baaqday ee kala dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya.
Labadii maalmood ee la soo dhaafay, shirarku waxay u baaqdeen kala duwanaansho dhanka aragtida ah oo ka dhex jiray Golah Mustqabalka iyo Madaxtooyada. Is-mari-waagu wuxuu salka ku hayay laba qodob oo kala ahaa: in guddi gaar ah loo diro Madaxweynaha iyo diidmo la xiriirtay inaan la hor fariisan guddi wasiirro ah haddii uusan Madaxweynuhu goob-joog ka ahayn oo ay Golaha Mustqabalka Soomaaliyeed soojeediyeen.
Inkasta oo hore loo soo weriyay in Goluhu ku kala qaybsan yahay farsamada doorashada heer Federaal, haddana kulankii maanta waxaa lagu gaaray is-afgarad gaar ah. Waxaa la isku raacay in meesha laga saaro ka hadalka arrimaha farsamada, balse xoogga la saaro in miiska la soo dhigo nuxurka guud ee doorashada si xal looga gaaro.
Ugu dambayn, Golaha Mustaqbalka ayaa isku raacay saddex qodob oo kala ah,
1. In gebi ahaanba laga laabto go’aankii guddida lagu dhisay markii hore.
2. Inay toos ula fariistaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo cid kasta oo uu u soo kaxaysto wada-hadalka.
3. Inaan dhexdooda lagu kala qaybsamin ajandaha, iyadoo wixii farsamo ah dib loo dhigay.
Kaddib, isfahamka dhexmaray xubnaha Golaha Mustaqbalka waxay indhuhu ku jeedaan dhanka madaxtooyada, iyadoo jawaab laga sugayo Madaxweynaha iyo xafiiskiisa si loo dhaqaajiyo wada-hadalladii istaagay maalmihii u dambeeyay.
Si kastaba, waxay u badan tahay in markale dib la isugu soo noqdo, waxayna u muuqataa in dhexdhexaadinta uu ee waday Taliyaha Nabad Sugidda Mahad Maxamed Salaad shalay iyo maanta kaasoo la kulmay xubno kamid ah Golaha Mustaqbalka ay suurtagelinayso in markale Madaxtooyada la isugu yimaado.

