Tan iyo markii ay Soomaaliya si rasmi ah u dhammaystirtay ku biiritaankeeda Ururka Iskaashiga Bariga Afrika (EAC) 4-tii Maarso 2024, waxaa soo baxayay waydiimo ku saabsan faa’iidada dhabta ah ee ay xubinnimadaas u leedahay dadka Soomaaliyeed.
Inkasta oo Baarlamaanka Soomaaliya uu si degdeg ah u ansixiyay heshiiska kamid noqashada ururka, 10-kii Febraayo 2024, Madaxweynaha Soomaaliyana uu marar kala duwan difaacay qorshaha uu dalka ugu hoggaamiyay inuu kamid noqdo ururka EAC, kuna sheegay xubinnimada ururkaas inay dowladdiisa u ahayd yool wayn oo la xaqiijiyay, haddana weli waxaa muuqata in hamigii weynaa ee Madaxweyne Xasan Sheekh dadkiisa u sheegay inuusan weli dhab noqon.
Sidii aan hore u baahinay, waxaa jira waajibaad ka dhasha xubinnimada Ururka, kuwaas oo ay khasab tahay in laga soo baxo si loo helo xuquuqda ururka oo ka bilaabanta metaaladda ilaa iyo is-dhexgalka gobolka.
Xuquuqda iyo Waajibaadka Xubinnimada
Xubinnimada EAC ma ahan mid bilaash ah. Dowlad walba waxaa laga rabaa inay sannad walba bixiso qaaraan lacageed oo gaadhaya ku dhawaad $7–9milyan oo Doollar. Lacagtan ayaa fure u ah in dalku helo xuquuqdiisa dhabta ah, sida in Xubnaha Baarlamaanka ee loo doortay matalaadda dalka ee Est Africa Legislative Assembly (EALA) la dhaariyo, lana siiyo miisaaniyadda iyo awoodda ay kaga qayb-gali lahaayeen go’aannada gobolka.
Ka hor inta aysan xubin buuxda noqon, Soomaaliya waxay si rasmi ah u bixisay qaraankii sannadkii 2024, dalkuna ma lahayn xubno xaq u leh inay fadhiistaan Baarlamaanka Bariga Afrika, taas oo muujinaysa in bixintaas ay ahayd mid degdeg ah oo ujeeddo kale lahayd, sida aan gadaal qormadan qeybteeda dambe ku sheegi doonno.
Sannad kaddib markii Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay inay Soomaaliya ay ku biirto ururka Bulshada Bariga Afrika, weli lama dhammaystirin xubinimada. Lama dhaarin xubinihii Soomaaliya meteli lahaa.
Maxaa loo dhaarin waayay Xubnaha Soomaaliya ee EALA?
Inkasta oo doorashada xubnaha matalaya Soomaaliya ay qabsoontay 15-16 Oktoobar 2025, ilaa maanta xubnahaas ma helin dhaarintii rasmiga ahayd. Xog ay Somali Stream ay heshay ayaa xaqiijinaysa in caqabadda ugu wayn ay tahay dowladda Federaalka Soomaaliya oo diiddan inay bixiso qaraankii sannad laha ahaa ee 2025 iyo 2026.
Sharci ahaan, xubnaha Soomaaliya loo doortay waa kuwa buuxiyay shuruudihii laga rabay, una qalma matalaadda, balse Ururka EAC ayaa ku adkaysanaya inaan dhaarinta la samayn karin ilaa inta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka bixinayso lacagaha lagu leeyahay.
Waxaa intaas dheer, kiis dacwo ah oo la geeyay Maxkamadda EACJ 21-kii Noofambar 2025 inuu fursad u siiyay dowladda inay ku marmarsiyooto “khilaaf sharci” si ay uga fogaato bixinta malaayiinta doollar ee laga rabo qasnadda dowladda.
Olole aan qorshe qahayn—qabyo
Mid kamid ah Xildhibaannada Soomaaliya ku metalaya EAC oo ka niyad jabsan dhaqanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ku wajahan ururka EAC ayaa inoo sheegay inuu ogaaday in bixintii lacagta qaaraankii 2024 ay ahayd olole siyaasadeed oo uu Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud doonayay inuu ku helo magac iyo guul dibloomaasiyadeed oo degdeg ah isagoo aan qorsheynin cawaaqibka dambe.
Sikastaba, xogta soo baxday oo lagu daray hab dhaqanka Dowladda Federaalka ah waxaa muuqata in dowladda aysan lahayn istiraatiijiyad fog oo ay ku bixinayso kharashaadka joogtada ah ee xubinnimada, bixintii kowaadna ay ahayd dan siyaasadeed oo xilligaas u muuqata. Lacagaha xilligaas la bixiyay waxay ka yimaadeen dhaqaalihii ay Madaxtooyadu ka samaysay dhulalkii danta guud, mana ahayn qoondo ku cad Miisaaniyadda Qaranka ee sanadlaha ah.
Haddaba, dadka Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin inay iswaydiiyaan sababta lacagtii canshuurta laga soo ururiyay sannadkii 2024 loogu khasaariyay xubinnimo aan weli wax natiijo ah dhalin? Jawaabta ugu kooban oo soo baxaysa ayaa ah in Madaxweynuhu uu qabyaynayo ama ka gaabinayo hawl kasta oo aan si toos ah ugu adeegayn dantiisa siyaasadeed ee xilligan. Laakiin si taas ka duwan, waxaa uu Madaxwaynuhu ka dhabaynayaa hal-hayskii uu ku caanbaxay ee Qabyo, waana ta horseeday in xubnihii dalka u matali lahaa EAC ay noqdaan kuwa dowladdoodu hortaagan tahay, halkii ay taageeri lahayd.

