Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Warar hoose oo laga helayo marinnada dublamaasiyadda ee gudaha Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweyne Trump u qaabilsan Afrika, Massad Boulos uu qorsheynayo safar weyn oo uu ku yimaado Caasimadda Soomaaliya.

Safarkan waa uu ujeedooyin badan yahay, hase yeeshee waxaan xog hordhac ah ku helnay inay xiriir la leedahay heshiis Macdanta Naadirka ah (Rare Earth Mineralks) oo ay Dowladda Maraykanku doonayso in ay kala heshiisi dhawr dal oo Afrikaan ah oo ay Soomaaliya ku jirto.

Villa Soomaaliya ayaa u aragta in heshiis Macdan Qodis ah oo ay la galaan Maraykanka in ay siin karto awood dheeri ah iyo is qaadasho maamulka Trump ah taas oo culayska siyasaadeed ka dul qaadi karta maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Saraakiil sarsare oo ka tirsan maamulka Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa xaqiijiyey in wefdigani uu yahay kii ugu miisaanka cuslaa ee ka socda maamulka Trump ee soo gaari doona dalka Soomaaliya, ayna socoto diyaar garowga qaabilaadiisa.

Waa maxay ujeeddada safarkiisu?

Massad Boulos, oo dhawaan uun soo gabagabeeyay heshiis nabad loogu raadinayo dalka Suudaan bishan Febraayo 2026, ayaa hadda doonaya inuu Soomaaliya u yimaado dhawr qodob.

1. Dhaqangelinta Siyaasadda Trump:

Safarkiisu wuxuu salka ku hayaa qorshaha cusub ee Mareykanka ee loo yaqaan “Deals, not aid” (kala iibsi, maya kaalmo). Qorshahani wuxuu u rarayaa Soomaaliya in laga caawiyo dhinaca maalgashiga iyo kheyraadka halkii lagu koobnaan lahaa mucawinooyinka bini’aadamnimo.

2. Heshiis Siyaasadeed:

Boulos wuxuu rabaa inuu fududeeyo heshiis dhex mara madaxda Soomaalida iyo mucaaridka is-haya si loo xalliyo is-mari-waaga siyaasadeed, loona hubiyo xasilloonida dalka ka hor doorashooyinka 2026.

3. Amniga iyo Al-Shabaab:

Isbeddelka istaraatiijiyadda Mareykanka ee ku aaddan amniga Geeska Afrika.

Suuragalnimada Safarka

Somali Stream, waxay dedaal gelisay xaqiijinta warkan, hase ahaate uma suuragelin ila rasmi ah oo ay xigan karto oo ka baxsan Madaxtooyada Soomaaliya.

Hase ahaate, sida ku cad qorshaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Boulus ayaa booqanaya dhawaan Jamhuuriyadda Dumuqraaidga ah ee Kongo si uu halkaas uga amba-qaado wada-hadallada nabadda ee gobolka harooyinka waaweyn.

Inkasta oo safarka u muuqdo mid xaqiiqo u dhow, haddana xogta noocan ah waa mid isbeddeli karta (Fluid) marka loo eego xaaladaha amni ee Somaaliya iyo dib-u-dhacyada dublamaasiyadeed ee dhici kara.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More