Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamuud Nuur, Aadan Madoobe ayaa Talaadadii, 3-da bisha safar ugu baxay dalka Itoobiya.
Socdaalka Aadan Madoobe ayaa yimid hal maalin kaddib markii uu ku fashilmay inuu Guddoomiyo mid kamid ah kulamadii Baarlamaanka ee ugu xasilloonida darnaa ee abid u qabsooma Baarlaamka Soomaaliya, kaas oo ay ku dhawaacantay Xildhibaan Cadar Xareed oo katirsan Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.
Safarka Aadan Madoobe oo aan markii hore tafaasiil dheeraad ah laga hayn, ayaa Xildhibaanno Baarlamaanka ka tirsan oo ku dhow Gudoomiyaha Golaha Shacabka u xaqiijiyeen Somali Stream ujeedada safarka Aadan Madoobe.
Sida aan xogta ku helnay Aadan Madoobe ayaa Adis Ababa u tegay inuu kulamo kula soo qaado saraakiil sirdoon iyo siyaasadeed oo ka socda dalka Imaaraadka Carabta oo dhawaan ay dalka ka saartay Dowladda Federaalk ah ee Soomaaliya.
Itoobiya ayaa tan iyo markii uu khilaafka dublumaasiyaadeed ka dhex qarxay Soomaaliya iyo Imaaraadka waday dedaal ay isugu soo dhawayanyso labada dhinac.
Kulamo qorshaysnaa in labada dhinac l, waa Muqdisho iyo Abu Dhabi ay isku arkaan Addis Ababa ayaa baaqday kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliy, Xasan Sheekh Maxamuud uu ka baaqday safar uu ku tegi lahaa Addis dhammaadkii bishii hore si uu halkaas ugaga qaybagalo xaflad ciidan oo ay Itoobiya lahayd doonaysayna inuu labada dhinac ku kulmiso.
Markale kulamo la xaqiijiyay in ku ballansan yihiin labada dhinac inay ka dhacaan Jigjiga ayaa war sugan laga hayn, waxaana ilo dublumaasiyadeed xaqiijinayaan in Madaxtooyada Soomaaliya ay weli xeeladaysanayo, balse aysan diidanayn in albaabka dublumaasiyadda la xirin
Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo kulamada uu halkaas kula leeyahay Imaaraadka ayaa lagu sheegay inay tahay dabin siyaasadeed oo loo dhigayo Madaxweyne Xasan oo ilaa iyo haatan laga kala furi la’yahay isku duubnida Golaha Fulinta iyo Sharcidejinta. Waxay heshiis dhexmara Aadan Madoobe iyo Imaaradaka soo dadajin kartaa dagaal siyaasadeed oo ka dhex qarxa Dowladda Federaalka gudaheeda.

