Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Todobaad ka hor, waxaa la baahiyay warar sheegaya in Daxnuun Bin Zaayid (Tahnoun) loo diiday inuu soo galo dalka Sucuudiga. Warkan waxaa soo dusiyay warbaahinta aan rasmiga ahayn ee Imaaraadka.

Markiiba, Wasiirka Warfaafinta ee Sucuudiga ayaa soo baxay isagoo beeninaya warkaas, wuxuuna ku dhawaaqay in Boqortooyadu ay tahay dalkiisa iyo gurigiisaba, laguna soo dhoweynayo wakhti kasta. Dadka qaar ayaa u qaatay in tani ay tahay fariin Sucuudigu u dirayo Daxnuun si uu inqilaab uga sameeyo gudaha Imaaraadka.

Maxaa dhacay intaas kaddib?

24 saac kaddib, Maxamed Binu Saayid (MBZ) ayaa yareeyay awooddii Daxnuun wuxuuna sare usoo qaaday wiilkiisa ahna dhaxalsugaha, Khaalid, isagoo ku daray hoggaanka Sanduuqa Maalgashiga Imaaraadka oo qiimihiisu yahay $260 bilyan, halka uu meesha ka saaray Daxnuun oo kamid ahaa hoggaanka Sanduuqa Maalgashiga Imaaraadka.

Hadda, dhaxal sugaha Imaaraadka Khaalid Bin Maxamed, 41jir uu dhalay MBZ, ayaa ah shaqsiga ugu sarreeya maalgelinta, dhaqaalaha iyo maaliyadda dalkaas, waxaana la hoos geeyay shirkaddo badan oo maalgashiga iyo dhaqaalaha ka shaqeeya. Awood siinta Khaalid waxaa ay hoos u dhigtay Daxnuun oo hadda kaalintiisa uun lagu soo koobay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Imaaraadka.

Warbaahinta iyo Fallanqeeyayaasha gobolka Khaliijka ayaa dhacdadan ku sifeeyay inay Tahay halgan awoodeed oo gudaha Imaaraadka ah, kaas oo Maxamed Binu Saayid uu ku doonayo inuu ku xaqiijiyo amniga naftiisa iyo mustaqbalka wiilkiisa.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More