Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

W/Q: Sulaymaan Bashiir Ciise

Buugga Baadigoobkii Nabadda Geeska ma aha xusuus qor siyaasadeed oo caadi ah, mana aha taariikh uun ka warramaysa dhacdooyin isdaba-joog ah. Waa qoraal isku dhafan oo si qoto dheeru dhexgelinaya waayo aragnimo shaqsiyeed, aragti diblumaasiyadeed iyo falanqayn miisaan lehoo ku saabsan fashilka ku noqnoqda dowlad dhiska Soomaaliya iyo guud ahaan nabad raadintaGeeska Afrika. Intii aan ku guda jiray akhrinta buuggan oo ka kooban in ka badan 300 bog, waxaa si cad iigu bidhaantay in ujeeddada qoraagu aysan ahayn is-muujin ama is-difaacsiyaasadeed, balse ay tahay diiwaangelinta khaladaad taariikhi ah si ay u noqdaan casharro lagafaa’iideysto, halkii ay noqon lahaayeen gefaf mar kale lagu celiyo.

Falanqayntani waxay ku dhisan tahay aragti ah in buuggu yahay dukumeenti siyaasadeed oomiisaan leh, lagana dheehan karo casharro qaran, kuwo goboleed iyo kuwo istiraatiiji ah oo aanweli si dhab ah loo qaadan.

Buugga iyo Dulucda Aragtiyadiisa Guud

Marka la akhriyo dhammaan cutubyada buugga, hal aragti oo aasaasi ah ayaa si joogto ah u soonoqnoqota taas oo ah: “Nabadda Geeska Afrika laguma gaari karo hannaan dibadda lagakeeno, haddii uusan jirin heshiis gudaha ah oo dhab ah.” Qoraagu wuxuu si miyir leh u sheegayaa mala awaalka ah in shirar caalami ah, ergooyin tiro badan ama kafaala qaad shisheeyeay si toos ah u horseedi karaan dowlad shaqeysa.

Halkii laga eedeyn lahaa faragelin shisheeye oo keli ah, Danjire Maxamed Cabdi Affey wuxuumuujinayaa in mushkiladdu salka ku hayso hoggaan la’aan, aragti qaran oo liidata iyo aqbaliddanidaamyo ku dhisan tanaasul siyaasadeed halkii ay ka ahaan lahaayeen heshiis bulsho. Buugguwuxuu akhristaha ku hagayaa in uu ka gudbo eedeynta guud, una gudbo faham qoto dheer oo kusaabsan sababta khaladaadka loo galay iyo sida ay u noqdeen dhaqan siyaasadeed la aqbalay.

 

Dowlad Dhiska Soomaaliya: Falanqayn Ka Baxsan Qabiil

Mid ka mid ah qodobbada ugu miisaanka culus buugga waa falanqaynta dowlad dhiskaSoomaaliya. Qoraagu si cad ayuu u diidayaa in mushkiladda Soomaaliya lagu soo koobo qabiilkeliya, isagoo qaba aragti ah,in Qabiilku yahay aalad la adeegsaday, balse dhibaatadu ay tahayhoggaan la’aan ku dhisan mabaadiiyo aragti qaran.”

Shirarkii Carta, Eldoret iyo Mbagathi waxaa lagu soo bandhigay tusaalayaal muujinayanidaamyo khaldan, halkaas oo dib-u-heshiisiin bulsho lagu beddelay awood-qaybsi siyaasadeed. Buuggu wuxuu si qoto dheer u falanqeynayaa sida ergadii shirka u badnaayeen kuwo matalayadano gaar ah, halka shacabka intiisa badan ay ka maqnaayeen go’aamada masiirkooda.

Natiijadu waxay noqotay dowlado magac uun ah, hay’ad ahaan u dhisan balse aan lahaynsharciyad bulsho. Qodobkani wuxuu buugga siinayaa qiime aragtiyeed (Theoretical Value) maadaama uu soo bandhigayo aragti ka duwan tan caanka ah ee ku kooban eex qabiil.

 

Doorka Dalalka Deriska ah: Dhab iyo Dano Isku Dhafan

Buuggu kama muuqato eedeyn toos ah ama colaad diblumaasiyadeed ee doorka dalalka deriskaah sida Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo ururka IGAD. Waxaa loo eegayaa si dheellitiran, iyadoo la aqoonsanayo xaqiiqada danaha jira. Tusaale ahaan, Kenya mar waa martigeliye geeddi socodnabadeed, marna waa dal leh dano amni iyo dhaqaale oo gaar ah. Qoraagu ma diidayo xaqadalalku u leeyihiin inay ilaashadaan danahooda, balse wuxuu dhaliilayaa marka danahaas lagusoo duubo magacanabadda Soomaaliya.”

Falanqayntaniwaxay akhristaha ku dhiirrigelinaysaa su’aalo muhiim ah oo ku saabsandhexdhexaadnimada dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah iyo xadka u dhexeeya nabad raadintaiyo dano ilaalinta.

 

Maxkamadihii Islaamiga: Badbaadiyeyaal mie Burburiyeyaal?

Qoraagu wuxuu si xeel dheer uga fogaadaa laba xagjirnimo oo inta badan lagu qiimeeyoMaxkamadaha Islaamiga ah; in lagu tilmaamo badbaadiyeyaasha kaliya ama in lagusifeeyo cadow buuxa. Marka laga eego aragtida buugga, Maxkamaduhu waxay ka jawaabeen baahi amni oo dhab ah, gaar ahaan xilli dowlad la’aan baahsan jirtay. Si kastaba ha ahaatee, waxay ku fashilmeen inay isu beddelaan mashruuc qaran oo siyaasi ah oo la jaanqaadi kara duruufaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Fahamkayga, waxaymuujinaysaa in fursado taariikhi ah ay mararka qaar ku halaabaan akhrin khaldan eewaqtiga iyo saaxadda caalamiga ah.

 

Qoraaga, Meeqaamkiisa Diblumaasiyadeed iyo Qiimeynta Cilmiga iyo Taariikhda

Maadaama uu Danjiruhu si toos ah uga mid ahaa dhacdooyin badan oo buugga ku xusan, mararka qaar wuxuu u muuqdaa goobjooge, ka qaybgale, iyo xitaa garsoore isku mar. Tani waxay buugga siinaysaa awood iyo dhabnimo. Balse sidoo kale, waxay u baahan tahay in akhristuhu yeesho akhris feejigan (Critical Reading). Si kastaba ha ahaatee, arrintani kamayareynayso qiimaha xogta, maadaama ay ka imaaneyso qof si toos ah u dhex joogay hannaankadiblumaasiyadeed ee uu ka warramayo.

Marka guud ahaan la eego, Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika waa dukumeenti taariikhi ah oo leh il xogeed gudaha ah (Primary Insider Source), isla markaana xambaarsan casharrosiyaasadeed oo qoto dheer. Dhaliilaha ugu waawayn ee buugga lagu tilmaami karo waa tifaftirqoraaleed oo mararka qaar u baahan hagaajin iyo aragtiyo aan had iyo jeer lala barbar dhigindoodaha ka soo horjeeda. Hase yeeshee, tani waa arrin caadi ka ah qoraallada xusuus qorkasiyaasadeed.

Gunaanad:

Gebogebadii, Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika ma aha buug lagu koobi karo xusuusqor ama diiwaan dhacdooyin hore, balse waa muraayad laga akhrisan karo taariikhdadhaw ee Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, iyadoo si geesinimo leh daaha looga ka rogayo khaladaad ku noqnoqday hannaanka dowlad-dhis iyo nabad-raadis labadaba.

Farriinta ugu wayn ee uu buuggu gudbinayo waa in nabadda aan lagu dhisi karin waraaqo la saxiixo, shirar dibadda lagu qabto ama dammaanad shisheeye, haddii aysan jirin hoggaan leharagti qaran, masuuliyad taariikhi ah iyo awood uu si dhab ah ugu akhriyo duruufaha waqtiga iyokan caalamiga ah. Nabadda dhabta ahi waa natiijo ka dhalata heshiis bulsho oo sal adag kutaagan kaas oo ka horreeya heshiiska siyaasadeed ee muuqda. Dhiganuhu wuxuu si gaar ah muhiim ugu yahay jiilalka cusub ee ku soo koraya jawi ay siyaasadda iyo diblumaasiyaddunoqdeen xirfado la barto balse aan mar walba lagu dhisin mabaadi’.  Sidoo kale, wuxuuxusuusinayaa in hoggaamintu aysan ahayn xirfad farsamo oo keliya, balse ay tahay masuuliyadakhlaaqeed, mid taariikheed iyo mid qaran.

Ugu dambayn, buuggan waxaan ku tilmaami karaa kayd aqooneed iyo digniin taariikhi ah: cashar u yaal kuwii hore u guuldarreystay iyo khariidad feker oo ay ka faa’iideysan karaan kuwamustaqbalka doonaya inay ka fogaadaan khaladaadkii la caadeystay. Sidaas awgeed, akhrintiisuma aha doorasho, balse waa mid waajib ku ah cid kasta oo danaynaysa nabadda, dowladnimada, iyo masiirka Geeska Afrika.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More