Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Waxaa si xawli ah u socda isbeddellada dhanka amniga iyo siyaasadda ee ka dhashay go’aankii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ku joojisay wada-shaqayntii Imaaraadka Carabta.

Magaalada Boosaaso oo ahayd xaruntii ugu wayneed ay hawlgalka Imaaraadka ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay inay gebi ahaanba isaga baxeen deegaannada Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso, dhammaan khubaradii iyo tababarayaashii u dhashay dalka Kolombiya.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijiyay in maanta duullimaadkii diyaaraada Itoobiya ee Boosaaso tagtay ay qaaday Kolmbiyaan iyo shaqaale kale oo ajnabi ahaa kuwaas oo ka shaqaynay saldhiga Galbeed ee Imaaraadku ku leeyahay duleedka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Joogsiga Duulimaadyada Imaaraadka

Xogaha laga helayo ilaha garoomada diyaaradaha ayaa tilmaamaya in laga soo bilaabo 14-kii bishan aysan jirin wax diyaarad ah oo magaca Imaaraadka ku socota oo soo caga dhigatay ama ka duushay garoomada Puntland. Arrintan ayaa keentay inuu gabi ahaanba istaago dhaqdhaqaaqii saadka iyo farsamada ee Imaaraadku ka wadeen halkaas, taas oo muujinaysa go’doon dhab ah oo ku yimid mashaariicdoodii Soomaaliya.

Duulimaadka Diyaaradda Itoobiya ee maanta oo ahayd diyaarad wayn oo DH8 ku diiwaangashanayd ayaa marag fur u ahayd inay diyaaridihii Imaaraadka ay meesha ka baxeen, sababta ayaa ah in Dowladda Federaalka ah diiday inay dalka soo galaan.

Todobaadka bilowgiisa ayay Itoobiya Airlines u daabushay dhaqaalihii ku sugnaa Muqdisho, waxaana weli caddayn waxa laga yeelayo saldhiga Boosaaso ee Imaaraadka kaas oo ay Dowladda Federaalka ah ku adkaysanayso in albaabada loo laabo.

Dareenka Dadweynaha

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn u soo dhoweeyay tallaabadan, iyagoo u arka go’aanka Dowladda Federaalka mid salka ku haya danta qaranka iyo ilaalinta sharafta umadda. In kasta oo dad badani qabaan in go’aankani uu soo daahay, haddana waxaa la isku raacsan yahay in laga fursan waayay kaddib markii Imaaraadku ay si bareer ah ugu tunteen madaxbannaanida dalka, gaar ahaan markii ay hawada Soomaalia mariyeen, Cayduruus Al-Zubeydi, taas oo loo arkay dhabar-jabin cad oo ka dhan ah midnimada Soomaaliya.

Qorshaha Cusub ee Abu Dhabi

Xogaha ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Dowladda Imaaraadku aysan weli ka quusan faragelinta, balse ay hadda ku hawlan tahay qorshe cusub oo ay isugu yeerayso dhinacyada Soomaalida ee ay xidhiidhka la leedahay. Waxaa jira xog dhab ah oo tilmaamaysa in Imaaraadku uu qorsheynayo inuu Abu Dhabi isugu geeyo shakhsiyaadka iyo dhinacyada uu u arko inay fulin karaan danahiisa, si ay halkaas ugu soo maleegaan qorshayaal looga hor-tagayo go’aammada qarannimo ee ka soo baxay dowladda dhexe.

War kooban oo lagu baahiyay bar ay maamulaan saraakiil ka tirsan Puntland ayaa lagu baahiyay in Kolombiyaanka baxay ay fasax shaqo u baxeen, waxaase taas diiday waqtiga bixitaankooda iyo tirada baxday oo lagu sheegay inay 40 qof ka badan yihiin, kuwaas oo hal duulimaad raacay.

Dhanka Dowladda Fedrraalka ah weli kama aysan hadlin, bixitaanka iyo banaynta Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.
Si kastaba haa ahaate, Blbixitaanka Kolombiyaanka iyo xiritaanka albaabada duulimaadyada Imaaraadka waxay calaamad u tahay in si dhab ah loo kala guuray.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More