Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa qalinka ku duugay heshiis Iskaashi Difaac oo dhexmaraya Dowladaha Qadar iyo Soomaaliya.

Heshiiska ayaa ah mid ku yimid xaaladaha Soomaaliya wajahayso, waxaana loo arkaa inuu yahay baddalka heshiis noocan oo kale ah oo ay Soomaaliya kula jirtay dalka Imaaraadka, kahor inta aysan ka bixin 12-kii bishan.

Imaaraadka ayaa Soomaaliya ku kabi jiray dhaqaale dhan Shan Malyuun oo qayb ka ahaa miisaaniyada ciidanka amniga Muqdisho gacanta ku haya.

Dowladda Qadar waxay 15kii sano ee ugu danbeeyay ka mid ahayd dalalka qaybta ka ah kabka miisaaniyada Dowladda Soomaaliya, dhaqaalaha ay Dooxa siiso marna ma ahayn kuwo ku xiran siyaasad iyo xiriir gooni, mana aysan saamayn xiisadaha gobolka ka jira. Hase ahaate heshiiskan cusub ee difaaca ayaa ah mid taabanaya dhinacya gaar ah oo ka madaxbanaan qoondadii maaliyadeed ee hore.

Soomaaliya ayaa heshay tan iyo markii ay dalka ka eriday Imaaraadka baaqyo caalami ah oo lagu taageerayo dib u dhiska iyo wadajirka Soomaliya.

Sida aan hore u baahinay, Boqortooyada Suucuudiga ayaa diyaar u ah in ay Soomaaliya siiso gacan qabasho aan siyaasad ku xirnayn. Waxaana Riyaadh socdaal ku tagaya Madaxweynaha Soomaaliya xilli markii saddaxaad uu dalkaas booqanayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaam Axmed Cali Dhaay kaas oo kujiro lug safar caalami ah oo ku iibgeynayo siyaasadda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More