Sida ay Somali Stream ogaatay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku qancay in qaar kamid ah Golaha Wasiirada aysan ahayn kuwa gudan kara waajibaadka horyaalla, waxaana uu faray Raysal Wasaaraha Soomaaliya inuu haysto ogolaansho isku shaandhayn iyo kala baddal.
Sida xoguhu caddaynayaan isbeddelka ayaa ah mid aad uga duwan kuwii hore, waxaana la filayaa inuu taabto Wasaarado ay joogaan saaxiibada Madaxweynaha iyo shaqsiyaad daacad darro qaran lagu soo eedeeyay.
Isku shaandhaynta oo ah mid ku soo aaday xilli dalku uu haliso kala duwan wajahayo ayaa waxaa kamid ah go’aannada horyaal miiska Raysal Wasaaraha inaan xukuumadda lagu dhisin dan, qaraabo iyo saaxiibtinimo. Sidaas oo kalana aan loo eegin mucaaridnimo iyo muxaafadnimo.

