Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Tan iyo markii 26-kii Diisambar uu Raysal Wasaaraha Israa’iil, Benjamiin Netanyahu ku dhawaaqay inuu dal Madaxbanaan u aqoonsaday Somaliland waxaa la iswaydiinayaa halka xaalka aqoonsi raadinta Somaliland ku dambayn doono? Ma hanaqaadi doonaa oo dal kale ayaa labayn doona mise waa dhicisoobi doonaa?

Madaxweynaha Somaliland oo galabta la hadlay golihiisa Wasiiradda la hadlayay ayaa sheegay inay dalal badan soo raaci doonaan Israa’iil kuwaas oo aqoonsan doona Somaliland.

Kaddib, hadalka Madaxweyne Cirro ee galabta iyo aqoonsigii Netanyahu waxaa soo baxay in Itoobiya ay noqonayso dalka labaad ee ictiraafaya Somaliland kaas oo raacaya jidkii Telaabiib.

Haddaba, maxay yihiin xogaha taageeraya hadalhaynta ah in Itoobiya aqoonsanayso Somaliland?

Xogta safrkii Cirro ee Addis Ababa

14-kii Oktoobar ee sannadkan, waxaa safar dublumaasiyaadeed Addis Ababa ku tegay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro. Kulamadii uu la qaatay madaxda Itoobiya waxaa lagu soo koobay in la isku fahmay wixii lagu wadahadlay, islamarkaana lagu ballamay iskaashi. Majirin xog intaas ka dheeri ah oo ka soo baxday xilligaas.

Haddaba, markii ay dhawaan bannaanka timid in Cirro uu safar qarsoodi ah ku tegay Israa’iil bilowgii Oktoobar sida xogaha la hayaa xaqiijinayan waxaa soo baxday in la isku xiro Telaabiib, Addis Ababa iyo Hargaysa.

29-kii September, Maalin Isniin ah Madaxweynaha Soomaaliland ayaa u dhoofay Imaaraadka, waxaana uu kaxaystay Wafdi kooban oo ah Wasiiradiisa iyo lataliyayaashiisa. Markii uu todobaad ku maqnaa dalka Imaaraadka, waxaa qayb kamid ah wafdigiisa ku soo laabteen Hargaysa, warbaahinta gudaha Somaliland ayaana markaas tebisay in Madaxweyne Cirro uu galay fasax iyo nasasho.

Marka la raaco waqtiga uu Cirro tegay Telaabiib, sida ay baaahisay saxaafadda Israa’iil uuna ku raacay Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil waa tododaabkii labaad ee Oktoobar, waxaana uu halkaas kusoo galay heshiiska lagu aqoonsaday.

Kaddib safarkii Telaaabiib iyo Abu Dhabi, Madaxweynaha Somaliland waxaa uu maalinkii uu Haragysa yimid ee 13-ka bisha Oktoobar, maalinkii xigtay safar ku tegay Addis Ababa.

Socdaalkiisa Itoobiya oo ahaa mid aan war badan laga baahin, ayaa la sheegayaa in uu ahaa mid diyaarsanaa oo ay ka sheeqeeyeen Abu Dhabi iyo Telaabiib, waxayna Addis Ababa iyo Hargaysa ku ballameen in si rasmi ah loo fuliyo heshiiskii Is-Afgarad (MoU-gii) ay kala saxeexdeen labada dhinac laba sano ka hor.

Safarkii Xasan Sheekh ee Addis Ababa ee 20-kii Diisambar

Lix maalin ka hor waxaa safar aan xogtiisa hore iyo dambe aan la shaacin oo degdeg ah Addis Ababa ku tegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida aan ogaanay, Madaxweyne Xasan oo fahamsanaa in Somaliland wax wayn kasoo socdaan, kaddib digniino sirdoon uu helay, ayaa Abiy Axmed kala hadlay midnimada Soomaaliya. Itoobiya waxay Madaxweyne Xasan Sheekh ugu laabqaboojisay inay diyaar u tahay inay kala shaqayso ajandayaashiisa doorasho iyo amni ee Sooomaaliya. Mana jirin wax ay ku diiday.

Mowqifka Itoobiya iyo “amusnaanta Diblomaasiyadeed”

Kaddib Aqoosiga Somaliland ee Israa’iil siisay, Itoobiya waxay qaadatay istaraatiijiyad ay ku dheelitirayso danaha ay ka leedahay badda iyo xiriirka ay la leedahay Soomaaliya. Inkasta oo ay Somaliland u ballan-qaaday aqoonsi, —marka dib loogu laabto Mou-gii—-haddana kuma dhaqaaqin tallaabadaas kaddib cadaadis caalami ah oo Addis Ababa qabsaday darteed.

Itoobiya waxay hadda ku jirtaa xaalad ah “Eeg oo Sug” (Wait and See). Kadib markii ay Israa’iil aqoonsatay Somaliland, waxaa soo baxaysa in Abiye si wayn uga fekerayo inuu raaco Netanyahu oo uu ku dhawaaqo dhaqangalka MoU-gii maadaama aan lahayn meel uu si rasmi ah ugaga noqday.

Hase ahaate, Itoobiya ayaa culuys labaad kala kulmaysa oo kii hore ka xoog badan dalalka Afrika, Midowga Yurub, Sucuudiga iyo Turkiga. Waxaana markan dhexda xiisadda Somaliland u taagan Jamhuuriyadda Jabuuti oo muhiim u ah Itoobiya waqtigan.

Inkasta oo ay si wayn loo xoojinayo inay Itoobiya aqoonsanayso Somaliland, haddana ilaa hadda lama hayo xaqiiqo dhab ah oo rumaynaysa jiritaanka warkaas, marka laga tago qodobadaas aan sare kusoo xusnay.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More