Alle ha u naxariisto, afar carruur ah oo walaalo ahaa ayaa ku geeriyooday dab ka kacay guri jiingad ah oo ku yaalla xaafadda October degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.
Falkan oo dhacay abaaro 1:00 duhurnimo ee maanta ayaa lagu guulaystay in la xakameeyo kadib markii ciidanka dab-demisku gurmad degdeg ah sameeyeen. Carruurta geeriyootay oo saddex wiil iyo hal gabar ah, dhamaantoodna ka yaraa da’da 10 sano, ayaa la sheegay in ay dabka ku dhinteen, halka gabar yar oo naaska nuugaysay ay badbaaday.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in aabaha dhalay carruurta uu dabka qabadsiiyay guriga, kaddib khilaaf kala dhexeeyay hooyada carruurta, waxaana hadda lagu hayaa laanta dambibaarista (CID).
Taliyaha ciidanka dab-demiska, Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), ayaa bulshada ugu baaqay inay ka feejignaadaan wax kasta oo sababi kara dab, isla markaana aysan carruurta ugaga tegin guryaha keligood.

