Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Baanka Adduunka ayaa ugu deeqay Soomaaliya mashruuc wayn oo maalgelin ah kaas ay ku kacaya adduun lacageed oo gaaraya $112 Malyuun oo doolar. Mashruucan waxaa loogu talagalay inay ka faa’iidaystaan 23 kun oo qoys oo ka kooban 738 kun oo qof, kuwaas oo heli doono taageero dhaqaale oo toos ah, si wax looga qabto xaaladaha bini’aadantimo ee dalka Soomaaliya.

Madaxa Baanka Adduunka ee Soomaaliya Hideki Matsunaga, oo ka hadlay ayaa sheegay in mashruucan “BOOST-You yahay tijaabo cad oo muujinaysa sida Soomaaliya uga go’an tahay dhisidda hay’ado adkaysi leh iyo abuurista fursado dhab ah oo loogu talagalay dhallinyarada iyo dadka nugul”.

Mashruucan oo lagu magacaabo Boost-You, ayaa beegsanaya dhalinyarada iyo haweenka waxaana loogu talagalay in uu abuuro shaqooyin kor u dhaafaya 28kun oo in ka badan 16kun loo qoondeeyay haweenka, marka la gaaro 2029. Sida ku cad hiigsiga mashruucan waxaa ku jirta kaalmo lacageed oo toos ah oo gaaraysa qoysaska ka faa’iidaysanaya.

Baanka Adduunka waxaa uu sheegay in dhaqaalaha Boost-You oo ka kala imaanayo saddax dhinac. Lacagta ugu badan oo gaaraysa $100 Malyuun waa taburuc uu ku deeqayo Sanduuqo Horumarinta Caalamiga ah (IDA) oo hoostaga Baanka Adduunka. $10Malyuun waxaa bixiniya Sanduuqa taageerada Soomaaliya Somalia Multi-Partner Fund (MPF). $2 Malyuun ee soo hartayna waxaa bixinaya Global Shield Financing Facility (GSFF), oo ah hay’ad taageerta u adkaysiga bulshooyinka ee Masiibooyinka dabiiciga.

Sannadihii ugu danbeeyay Soomaaliya waxaa kasocda wajiyada kala duwan ee mashruuca Baxnaano kaas oo ah isugu jiray waxqabadyo kala duwan oo nolosha bulshada Soomaalida saamaynayay.

Hideki Matsunaga, Madaxa Baanka Adduunka ee Soomaaliya waxaa uu sidoo kale sheegay in Boost-You lagu dhisi doono guulaha laga gaaray mashruuca ay Dowladda Soomaaliya ay hormuudka ka tahay ee Baxnaano, waxaana lagu xoojin doonaa xiriirka bulsho ee u dhaxeeyo Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed si loo gaaro koboc dhaqaale iyo nabad waarta oo si wadajir ah looga shaqeeyo.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More