Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Hoggaamiyaha RSF, Maxamed Xamdaan Dagaalo (Hemedti), ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaan ku saabsan eedeymo la xiriira xadgudubyo ay sameeyeen askartoodu intii lagu jiray qabsashadii magaalada El-Fasher ee Waqooyiga Darfur. Hemedti ayaa sidoo kale sheegay in la dhisay guddi gaar ah oo arrintan baaraya, kadib markii ay soo baxeen warar iyo muuqaallo muujinaya dilal iyo tacaddiyo ka dhan ah shacabka magaaladaas.

Hemedti ayaa xusay in uu ka xun yahay wixii dhacay, balse ku dooday in dagaalka lagu khasbay RSF, isagoo ballanqaaday in cid kasta oo lagu helo xadgudubyo la hor keeni doono sharciga.

Magaalada El-Fasher ayaa ahayd goobtii ugu dambeysay ee ciidamada dowladda ay ku xooganaayeen gobolka Darfur, balse waxaa gacanta ku dhigtay RSF kadib go’doomin socotay mudo dheer, taas oo sababtay barakac, gaajo iyo xaalad bani’aadamnimo oo halis ah.

Dagaalka u dhexeeya labada dhinac, oo bilowday bishii Abriil 2023, ayaa sababay kumannaan dhimasho ah iyo barakicinta malaayiin qof, waxaana fashilmay dadaallo badan oo caalami ah oo lagu doonayay in lagu soo afjaro colaadda.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More